Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo uu leeyahay Indhodeero Group | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo uu leeyahay Indhodeero Group
July 7, 2013 - Written by Wariye:

 

Hargeysa (wajaalenews)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici ayaa Maanta Xadhiga ka Jaray Dhisme Casri ah oo la yidhado Deero-Mall oo aan hore noociisa oo kale dalka uga jirin.

Dhismahan ayaa waxa leh Shirkada Indhodeero Group Off Company, waxanu ka kooban yahay Labba Dabaq oo ay ku yaalan 50 Meheradood oo kala Duwan kuwaasi oo iibinaya Allaabo kala duwan.

Munaasibadaasi Xadhiga lagaga jarayey Dhismahaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeenta Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirka Washadaha Abiib Timacad, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir, Xildhibaano, Salaadiin, iyo Martisharaf kale oo badan.

Guddomiyaha Shirkada Indha-deero Group Of Company Mustafe Xaaji Cabdi Cawad oo ugu horeyan xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhismahani uu yahay mid Somaliland ku cusub waxanu yidhi “Meheradaha ku yaal Deero Mall waxaay ka kooban yihiin 50Meheradood, kan aynu joogna waxaa uu ka kooban yahay 20Xarumo Ganacsiyeed oo waa Dabaqa Hoose, Dabaqa Sarena intaasi ayuu ka badan yahay, runtii Goob kasta oo Meherad kasta waxaay haysaa Ganacsi ka duwan ka kale oo dhammaantoodana way kala duwan yihiin, Mallkana waxaa maalgalisay Shirkada Indha-deero Group of Campany, Runtii shirkadu kuma eeka Xaruntan oo kali ah ee lakiin xarumo waaweyn ayey dalka iyo Magaaladaba ka dhistay, qaybahaasi waxay kala yihiin Qaybta Soo wariidida Allaabooyinka, Qaybta Maxajarka Xoolaha, Qabta Huteelada oo dalka oo dhan Shirkadu Huteelo ku leedahay, dhawaana waxaanu furidoona Qayb Cusub oo xawaalad ah oo lakiin imikaba shaqaysa, waxa kale oo aanu soo wadnaa Bangi la yidhado Deero-Bank oo isagana dhawaan aanu furidoono inkasta oo qayb ka mid ahi shaqeeyso, Mallkan aynu xafladiisa u fadhinaa waa mid casri ah oo aan hore dalka looga hirgalin, waxaanu rajeynaynaa in aanu sii kordhino oo qaar kale oo casri ah dhisno.”Ayuu yidhi Mustafe.

saylici

Cisman Aw faarax oo ka mid ah Saraakisha Shirkada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu dhismahan Deero-Mall uu yahay mid casri oo Qurux iyo Qiimo ku soo kordhinaya Somaliland, Waxaanu yidhi “Dalka Somaliland mar aan Imid 1999 Madaarka Hargeysa waxaanu ka weynay Maqaaxi shaah laga cabbo, muddo 13Sanno ka dib oo ah maanta waxaaynu dhex taaganahay Dhisme casri ah oo ah Mall kaasi oo la jaanqadaya Xarumaha Ganacsiyada Caalamka ku yaal, shirkada waa mid ka mid ah Shirkada ugu weyn dalka waxaana wadda Jiilkii labbaad iyada oo laysku soo dhiibay horumar Weyna Sameysay, Shirkadani dadka reer somaliland kama shaqeeysto lakiin dadka ayey dib waxa ugu celisaa,Haddii aynu dhismahan eegno waxaad arki karta inta dhalinyaro ah ee ka shaqeynaya waana mid ka mid ah shaqo Abuur.”Ayuu yidhi.

Cabdiraxman Nuur Cigaal oo ku hadlayey Afka Ganacsatada Dhismaha Deero-mall ka dhexshaqeeysta ayaa Sheegay in dhismahani uu kulmiyey Xarumo ganacsi oo kala duwan oo kuwaasi oo hal meel ah iskugu yimi, waxanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay dhismaha casriga ah ee dalka uu ka hirgaliyey Shirkada Indha-deero isaga oo uga mahad celiyey dhismahaasi, waxaanu xusay in faa’iido badan ay Ganacasta ka dhex shaqeeysa ay ka helayaan halkasi madama oo meherado kala duwan ay iskugu yimadeen oo waxa yaalo kala duwan haya.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland Maxamed Shukri oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha la galiyey dhismahan uu yahay mid aad u badan, waxaanu xusay in shirkadani Indhadeero ay ka mid tahay shirkadaha dalka Somaliland horumarka balaadhan ka wadda, waxa kale oo uu xusay in shirkadani ay ka qaybqaadatay dhismihi Biriishka hargeysa oo ay ahayd shirkadii dhaqaalaha ugu badan bixisay, waxa kale oo uu xusay in dhismahani uu yahay mid aad u muhiim.

Wasiir Ku-xigeenka Wasarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir ayaa sheegay in Deero-mall uu yahay dhisme casri ah ooh ore aan wadanka somalialnd uga jirin, waxaanu xusay in ay arrintaasi ay ku amaanan yihiin Shirkada Deero waxaanu yidh. “Dhaqaalaha Ganacsatadu gacanta ku hayaan waa kayd qaranka loo hayo oo marka loo bahado la isticmaalidoono, lakiin ma ah wax ay shakhsi ay u leeyihiin, waayo horumarka wadanka ayey mar walba kaga qaybgaalan, runtii shirkadan dalka waxay ku soo kordhisay wax aan hore uga jirin oo casri ah waanuna u mahad celinaynaa.”Ayuu yidhi.

Kayse Shukri oo ka socday Shirkada Dhismaha ee Daryeel oo dhismahaasi casriga ah dhistay ayaa sheegtay in dalka Somaliland ay joogan Injineero dhisi kara Dhismahan iyo qaar ka fiicanba.

Wasiirka Wasarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo Xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkada Indho-deero ay soo kordhisay Shay ay bulshada Somaliland Baahiweyn u qabtay oo ah ayuu yidhi Dhismahan Mallka ah ee Casriga ah.

Waxanu yidhi”Dalkeenu waxaa uu ku dhisan yahay Ganacsatadeena, sidaasi daradeed waxay xaq u leeyihiin in la tixgaliyo oo la maamuso, laguna dhiirigaliyo waxaay qabtaan sidda Mallkan oo kale ee aynu joogno.”Ayuu yidhi.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici oo oo gabo-gabadii hadal ka jeediyey munaasibadaasi Ayaa waxa uu yidhi. “Runtii Deero-Mall waa xarun ganacsi oo aad u qurux badan, waa noocii ugu horeyey ee dalka laga hirgaliyo, dhamaanteena waxay inoo tahay sharaf, runtii waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa shirkada indhadeero group ee hirgalisay dhismahan, waxanu wax ka taray bilicdii magaalda hargeysa, marka waxaan leeyahay hargeysi hargeysadii ma ah, runtii waxaan aad ugu mahad celinayaa ganacstada somaliland iyo qurbajooga oo ah kuwa horumarka dalka ka shaqeeynaya.”Ayuu yidhi.

 

Office:Hargaisa

BY: Cabdiqadir Cabdiraxman Habane

 

www.wajaalenews.com

COMMENTS
LINKS