|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Soomaaliya oo Shuruud ku xiray ka qeybgalka munaasibada madaxbanaanida K.Sudan:Ama Somaliland Ama Somalia?
July 10, 2013 - Written by Wariye:Juba (Wajaale News)-Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu shuruud ku xiray ka qeybgalka munaasibada sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay madax banaanida Koonfur Sudaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka war helay in si siman munaasibada loogu casuumay isaga iyo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo. Ka dibna waxa uu dawlada Konfurta Sudan ku booriyay in ay labadan masuul midkood ku casuumaan munaasibada xornimada dalkooda. Sida ay wararku nagu soo gaarayaana waxa dawlada Konfurta Sudaan ay weydey dhan ay arinkan uga wareegto waxaana ay khasab ku noqotay in la baajiyo ka qeybgalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee xaflada. Dawlada Konfurta Suudaan ayaa hore madaxweynaha Somaliland ugu marti qaaday dabaaldegeedii xornimada. Madaxweynihii xiligaa Sheekh Shariif ayaan wax dooda gelin ka qeybgalka Axmed Siilaanyo ee munaasibadaasi. Arintan ayaa ku soo beegmeysa xili Dawlada Somaliland iyo Soomaaliya ay Turkiga uga socdaan wadahadalo ma dhaleysa oo aan maraba u muuqan qaar u dhaadhacaya arrimaha dhabta ah ee labadan umaddood ka dhexeeya. Si kastab ha ahaatee waxa arrintan si weyn uga carooday madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xukuumadiisu hore ugu faani jiraty in ay gacan ka geysatay doorashadii madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud.
Mana aha markii u horeysay oo madaxweyne Somaliland ahi ku hungoobo gacan siinta Siyaasi reer Soomaaliya ah. Waxa la xusuustaa sidii madaxweyne AUN Maxamed Ibrahim Cigaal ugu khasaaray gacan siintii Cabdiqasim Salaad oo madaxweyne loogu doortay shirkii Carta. Cigaal ayaa lacag iyo talooyinba ku biiriiyay ololihii uu madaxweynenimada ku kasbaday,kiyoo shirka hortii uu Hargeysa tegay iyada oo ay weheliyaan ergo ka kooban Siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka shaqeeyay is faham dhex mara Cigaal iyoCabdiqaasim. Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in haatan dhacdada uu Madaxweyne Xasan Maxamuud ku horjoogsaday ka qeybgalka Munaasibada Juba ay keeni karto xiisad siyaasadeed oo keenta dib u dhac ku yimaada xasilooni dhexmarta labada dhan.
Office: Hargaisa /somaliland Waajale News .Com
Related posts:“Wiilkan Yar Maaha Cidda Hadlaysaa, Ee Dabcan Waa Sida Uu Jecel Yahay Madaxwaynaha Xilka Hayaa” Cali... Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Dareen Celiyey Musharaxnimada Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Cadeey... DAAWO:MAXKAMADA DEGMADA TOG-WAJAALE OO XADHIGA LAGA JARAY MAANTANA XUKUNTAY DACWADII U HOREYSAY COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|