|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama Ayaa Dadka Maraykanka Ugu Baaqay In Damiirkooda Eegaan Oo Ay Is Xisaabiyaan.
July 21, 2013 - Written by editorMadaxwayne Obama ayaa si lama filaan ah u hor yimid warfidiyeenada Aqalka Cad Jimcihii shalay +Video……
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa dadka Maraykanka ugu baaqay in ay damiirkooda eegaan oo ay is xisaabiyaan. Madaxwayna oo si lama filaan warfidiyeenka u horyimid Aqalka Cad Jimcihii shalay, ayaa sheegay inuu tixgalinayo talaabooyin uu dalku qaado si waddada saxda loo abaarro ka dib keys maxkamadeed oo isir ku lug lahaa oo dhawaan la xukumay. Trayvon Martin ayaa ahaa will dhalinyaro ah oo la dilay bishii February ee sanadkii hore, ka dib markii ay is qabteen Goerge Zimmerman oo ahaa nin xaafada ilaalinayey uuna halkaa ku toogtay ninkaasi wiilkaa yar ee madawga ahaa, kaas oo markii dambe ay maxkamadii sheegtay in aanu dambi galin ninkii toogtay wiilkaa madaw, lana sii daayey. Sii deynta Zimmerman ayaa dhalisay dibadbaxyo waaweyn oo Maraykanka ka dhacay, iyada oo Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykankuna ay keyska dib u eegayso, lagana baaraan degayo in Mr. Zimmerman dacwad federalaahi ah lagu soo oogi karo iyo in kale. Madaxweyne Obama ayaa sheegay in markii laga fikiro xanuunka arrintan la xiriira, ay muhiim tahay in la garowsado in bulshada madow ee Maraykanku ay arrinta ku eegayso indhaha waayihii adkaa ee ay soo maray iyo taariikh aan dihniga dadka ka baxaynin. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|