|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Silva Kiir Oo Casilay Ku-Xigeenkiisi Dawladii Dalkaasna Kala Diray
July 24, 2013 - Written by editorBayaanka ka soo baxay xarunta Madaxtooyada ee dalka Koonfurta Suudaan, ayaa si cad loogu sheegay, in madaxweynuhu kala diray, dhamaan xukuumadii dalkaas oo dhan
Juba, (HWN/Agencies):- Madaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan, Silva Kiir, ayaa xilkii ka qaaday, Ku xigeenkiisi ama madaxweyne ku xigeenkii dalkaas, Rayak Mashak, isla markaana ku dhawaaqay in uu kala diray, xukuumadii dalkaas iyo dhamaan golihii wasiirada.
Sida lagu daabacay shabakada Internet-ka ay ku leedahay jariirada, Sudan Tribune, kala dirista golaha xukuumada dalkaas iyo casilaada Madaxweyne ku xigeenkii ee uu sameeyay Silva Kiir, ayaa la xidhiidha sidii xukuumad cusub loogu soo dhisi lahaa dalkaas. Bayaanka ka soo baxay xarunta Madaxtooyada ee dalka Koonfurta Suudaan, ayaa si cad loogu sheegay, in madaxweynuhu kala diray, dhamaan xukuumadii dalkaas oo dhan, waxaanay taasi saamaynaysaa dhamaan wasiiradii, ku xigeenadii iyo wasiiru dawlayaashii dalkaas oo dhan sida jariiradu sheegtay.
Bayaanka Madaxweynaha koonfurta Sudan, Silva Kiir oo ahaa, mid dadka badankooda ku noqday ku soo boodo, ayaa lagu sheegay, in madaxweyne ku xigeenka uu casilay iyo dhamaan golaha wasiirada aanay wax xil ah oo lagu og yahay jirin ee ay yihiin bilaa xil, waxaanu madaxweynuhu Amray, xoghayaha golaha wasiirada ee dalkaas inuu xilka ku sime ka sii ahaado ilaa inta uu masuuliyiin cusub u soo magacaabayo Madaxweynuhu. WAJAALE NEWS DESK WAJAALE OFFICE
Related posts:Daawo: Sawirka Todobaadka Iyo Xogo Fashiliyay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Maxamuud Xaashi Iyo Uurcade DAAWO; Barmaamijka Milicsiga Siyaasiga Ee Tvga Universal Iyo Baashe Cawil Oo Ku Haftay Su,aalo Uu Wa... Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Go’aamiyey In Maxkamadda Sare Loo Gudbiyo Go’aan-ka-Gaadhista Dooras... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|