Madaxwayne Siilaanyo oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Bisha Barakaysan ee Ramadaanta aawadeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Bisha Barakaysan ee Ramadaanta aawadeed
July 9, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)-  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Debediisaba, Busha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, uguna Bushaararaynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa, ILLAAHAY-na waxa uu uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed Maanta ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada SL oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.  Warsaxaafadeedkaasi waxa kale oo madaxwaynuhu uu Dhambaalkan mid la mid ah u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka ku nool.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale uu Bisha Barakaysan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn  awoodina aan u lahayn  soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaafo.

 

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

 

COMMENTS
LINKS