Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Ugu Baaqay Shacab-weynaha Ku Dhaqan Caasimada Somaliland Inay Ka Faa?iideystaan Talaalka Cudurka Dabeysha Oo Dalka Ka Bilaabmaya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Ugu Baaqay Shacab-weynaha Ku Dhaqan Caasimada Somaliland Inay Ka Faa?iideystaan Talaalka Cudurka Dabeysha Oo Dalka Ka Bilaabmaya.
July 23, 2013 - Written by editor

Waxaan Ugu Baaqaya waalidiinta ku nool Caasimada Hargeysa Inay U Hagar baxaan Talaalka Caruurtooda ee Cudurka Dabeysha” Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid

 

Hargeysa(WJN):- Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Maroodijeex inay faa?iideystaan talaalka cudurka dabeysha oo uu ku tilmaamay inaanu dawo lahayn, balse uu leeyahay talaal.

Sidaa waxa uu Maayarka Caasimada Hargeysa ku sheegay mar uu caawa u waramayey shabakada caalamiga ah  Wajaale news .

Ugu horeyn, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydid waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu
yidhi “Waxa berrito oo Salaasa, taariikhduna tahay 22/7/2013 guud ahaan dalka Somaliland ka bilaabmaya wacyigelinta talaalka cudurka dabeysha, 25/7/2013 waxa dalka ka bilaabmaya talaalkii.  

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid

 Waxaan halkan baaq uga jeedinayaa dadweynaha ku nool Caasimada Hargeysa, waxaanan leeyahay deeqda ugu weyn ee uu ILAAHAY ina siiyaa waa ubadkeena waanan og-soonahay inuu waalidkasta la jecel yahay ilmihiisa caafimaad buuxa, Sidaa darteed yeynaan dhayalsanin cudurka dabeysha oo aan lahayn dawo talaal mooyaane.

Hadaba, waxaan ugu baaqaya waalidiinta ku nool caasimada Hargeysa inay u hagar baxaan talaalka caruurtooda oo bilaabmaya 25/7/2013, kana faa?iideystaan fursadan, iyada oo ay shaqaalaha caafimaadku ugu iman doonaan aqaladooda kana talaali doonaan cudurkaasi dabeysha”.

“Waxaan ku adkeynayaa dadweynaha Caasimada Hargeysa ha dhayalsanina talaalka cudurka dabeysha waa fursad qaaliya, waa talaal qaaliya oo waa inaynu ka faa?iideysanaa oo aynu ciyaalkeena ka ilaalinaa xanuunka”.Ayuu ydihi Maayar Cabdiraxmaan

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi?Dawo ma laha cudurka dabeyshu aan talaal ahayn, Sidaa daradeed dadweynoow ka faa?iideyso”.   

wajaale news desk

Hargaisa Office

COMMENTS
LINKS