Maayar Ku Xigeenka Ceerigaabo Oo Shahaadooyin Gudoon-Siiyay Arday Ka Qalin Jebisay Dugsiga Daallo Private School Ee Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayar Ku Xigeenka Ceerigaabo Oo Shahaadooyin Gudoon-Siiyay Arday Ka Qalin Jebisay Dugsiga Daallo Private School Ee Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag
July 7, 2013 - Written by Wariye:

Ceerigabo(Wajaale News)-Munaasibaddi shahaadoyin lagu gudoonsinayay ayaa waxa ka soo qayb galayMaayar ku xigeenka degmada ceerigaabo Saalax Ismaaciil Cabaase ayaa
shahaadoyin gudoonsiyay in kabadan 40 arday oo ka qalin jebiyay dugsiga barashada culuumta sayniska luqadaha iyo xisaabta Dallo Private School ee magaalada ceerigaabo.

CEERIGAABO

Munaasibaddi gudoonsiinta shahaadoyinkaa ayaa waxa kasoo qayb galay maayar ku xigeenka degmada ceerigaabo xildhabaano katirsan golaha deegaanka ceerigaabo maamulka dugsigaasi daallo cuqaal waayeel iyo waalidiinta ardayda.

Ugu horaynbana waxa munaasibadaasi ka hadlay maamulaha dugsigaasi Daallo Private School Maxamed Warsame Maxamed Bustaale oo ka waramay taariikhada wayn ee uu leeyahay daugsigani waxana uu masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada ka codsaday inay kala soo qayb galaan munaasibadaha noocan oo kale ah kuwaaso lagu dhiiri gelinayo ardayda ka qalin jebinsa waxbarashadda aana niyada laga jebin waxana uu sheegay in marar hore oo badan ay aqbali waayeen masuuliyiintu invitation lagu soo casumo
Xildhibaan Xasan Nuur Iyo Caaqil Xuseen Faarax oo iyaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay sii wataan waxbarashada si ay uga midha dhaliyan hadafka iyo himilooyinka ay leeyihiin.

Gabagabadii munaasibadaasina waxa soo afmeeray maayar ku xigeenka degmada ceerigaabo saalax ismaaciil cabaase oo maamulka iyo ardayda dugsiga daallo private ku amaanay kaalinta waxbarasho ee ay kaga jiraan gobolka isagoona ku sifeeyay dugsiyadda ugu waxbarashada sareeya waxana uu ardayda ku adkeeyay inaanay ka hadhin waxbarashadooda ee ay sii wataaan.

Intaasi kadibna waxa uu maayer ku xigeenu shahaadoyinkii gudoonsiyay ardaydii qalin jebinaysay
Sikastaba ha ahaate dugsigani Daallo Private School ayaa kamid ah dugsiyadda ugu da’da wayn guud ahaanba gobolka sanaag

Office : Hargaisa

BY: Cabdiqadir Cabdiraxman Habane

 

Wajaale  News

COMMENTS
LINKS