Kulan dib loogu eegayo Siyaasada Daawada Somaliland oo Maanta Hargaysa ka Furmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan dib loogu eegayo Siyaasada Daawada Somaliland oo Maanta Hargaysa ka Furmay
July 7, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa (wajaalenews)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Jamhuriyadda somaaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa maanta ka furtay Magaalada Hargeysa kulan hawleed dib loogu eegayo Siyaasada Dawada ee Soomaaliland,kaasi oo ay ka soo qayb galeen Xubno ka kala socda wasaarada caafimaadka, Farmasiilayda Hargeysa iyo Hay’addaha caalamiga ah.

Wasiir-Ku-xigeenka-Caafiamadka[1]

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo furitaankii kulankaasi ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in kulankan ujeedadiisu tahay sidii dib eegis loogu samayn lahaa siyaasada ku wajahan dawada ee soomaaliland, waxaanay xustay in siyaasada Dawada hore loo dejiyey sanadkii 2001-dii, hase ahaatee aanay rasmi ahaan dhaqan gelin .Waxaanay wasiir ku xigeenku sheegtay in waqtigii la dejiyey siyaasada daawada Somaliland ay ka soo wareegtay laba iyo toban sanadood, waxyaalaha mudadaas is-bedelayna ay badanyihiin. Sidaas darteedna waxa lagama maar-maan noqotay ayey tidhi wasiir ku xigeenku in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadaa daawada.

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxa kale oo ay tafaasiil ka bixisay sida maanta dalka Somaliland ay dawadi Gacanta ugu gashay cid aan awoodeedii lahayn.Waxaanay ka qayb galayaasha kulankan u soo jeedisay in mudada saddexda maalmood ah ee uu socdo ay ka soo saaraan talooyin ku wajahan siyaasada dawada iyo sidii ay u noqon lahayd mid shaqaysa.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay Madaxa Hay’adda caafimaadka Aduunka WHO ee S/land Marwo Aasiya Cismaan, oo u soo jeedisay wasaarada caafimaadka inay ka shaqaysiiso siyaasada dawada isla markaana dhaqan geliso i hanaanka daawooyinka ee dalka oo ay tilmaamtay in haatan lagu iibiyo Goobo aan ku haboonayn sida Sandaqadaha iyo Kaaryoonayaasha dushooda. Waxaanay Marwo Aasiya ka qayb galayaasha u rajaysay inay soo saaraan talooyin iyo go’aamo la cuskan karo si ay siyaasadda dawadu u noqoto mid la dhaqan gasha

Office:Hargaisa

BY: Cabdiqadir Cabdiraxman  Habane

 

www.wajaalenews.com

COMMENTS
LINKS