Beer: Kastamka kantaroolka ee Duleedka Beer ee magaaladda burco ayaa gacanta ku dhigay baabuur qaarkood lagu soo xidh xidhay Nambaro Foorjari ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beer: Kastamka kantaroolka ee Duleedka Beer ee magaaladda burco ayaa gacanta ku dhigay baabuur qaarkood lagu soo xidh xidhay Nambaro Foorjari ah
July 19, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Kastamka kantaroolka Beer ee Duleedka Beer  ee magaaladda burco ayaa qab qabtay dhawr baabuur oo qaarkood lagu soo xidhay  Nambaro aanay lahayn si ay Dalka u soo galaan, halka kuwa kalena magaaladda Laascaanood lagaga soo qaaday cashuur aad u hoosaysa oo aan 20% gaadhayn Cashuurta ku waajibtay.

Baabuurtan oo kala ah kuwa Raaxadda ee loo yaqaano Crown, Indhacade iyo qaar xamuul ah oo Nooca Shampoo Xayraanka loo yaqaano ah ayaa lagu wadaa baadhitaan,  waxaanay wararka  hordhaca ah ee laga helayaa ay sheegayaan in ay ahaayeen  Baabuur qaab khiyaamo ah loo soo dhaafinayay Kastamada iyo kantarooladda Beer  ee Dalka. Waxa Baabuurtan Magaalada Laas Caanood lagaga cashuuraa

Shaambooga 150$ halka Berberana ay $600. Kastamka ee beer ayaan ahayn markii ugu horeysay ee ay qabtaan.

Dhinaca kale, cashuuraha dhinaca bari ee dalka iyo dhinaca galbeed ayaa kala duwan taasi oo aanay ilaa imika xukuumadu gaar ahaan wasaarada maaliyadu wax tallaabo ah ka qaadin. Kastamka beer ayaa libin laabeen wixii ka soo xarooda cashuurta taasoo ah afar laab cashuurta ay qaadaan kastamada barigu. Arintaasi oo ay fududeeyaan Ciidadamada Qaranka ee aagaasi ka hawl gala, hasa yeshee, Maamulka aagaasi ayaa inta badan ku dedaala in ay dhibtaasi wax ka qabtaan

Shambo-Kala Iibsiga gaadiidka ayaa ah Ganacsiga ugu balaadhan Somaliland, waxaanay Dadku si ay macaash badan uga helaan ka soo dajistaan Dekedaha jaarka ah gaar ahaan Dekedda Boosaaso oo ka cashuur yar ta berbera, iyagoo ku soo mariya Kastamada iyo Baraha Kantaroolka Nambaro gaadiid hore Dalka u soo galay ama bixiya Cashuur kooban, taasoo u suurto gelisa in ay Hargeysa ku soo geliyaan.

Nambarada Khiyaamada caynkan ah ayaa loo aanaynayaa in ay tahay silsilada isku xidhan oo Musuq maasuq, taasoo suurtogelisa in gaadiidkani ay helaan Nambaro ama buugaag aan la garanayn sharcinimadooda, iyadoo xiligana wasaaradda Hawlaha Guud ee ay arrinta Buugaagtu khusayso ay ka taagan yihiin muran dhinaca Buugaagta Liisamada Dirawalada iyo gaadiidkaba ah oo uu Wasiirkii hore ku siiyay shirkad gaar loo leeyahay, taasoo ay wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirka cusub ee Hawlaha Guudba diidan yihiin.

Si kasta ha ahaatee gaadiidkan ayaa ku xaraysan Kastamka Beer oo ah bar lagu hubiyo Cashuuraha isla markaana lagu qaado, maadaama Goboladda Barri ee Somaliland yihiin dhul balaadhan oo kootarabaanku ka suurtogeli karo.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS