|
|||||
WAJAALE NEWS
Jamaal Cali Xuseen iyo Daandaansigiisa Guddoomiyaha UCID iyo Jawaab La’aanta Faysal Cali Waraabe
July 10, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News)Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Jamaal Cali Xuseen oo haatan dalka dib ugu soo laabtay ayaa tiroba dhawr jeer jawaabo ka bixiyay hadalo hore ug soo yeeray Guddoomiyaha xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe. Jamaal ayaa jawaabahaa u muuqday san ka taabashada Guddoomiyaha ayaanu Eng Faysal Cali weli mujtamica hortiisa uga jawaabin. Guddoomiyaha UCID ayaan lagu aqoon in uu saxaafada horteeda uga hadlo arimaha Xisbiga dhexdiisa.
Waanaa taa ta sababtay in Musharaxa Madaxweynaha Xisbigu uu ugu dhiiranayo ka jawaabida tilaabooyinka Siyaasadeed ee uu Guddoomiyuhu ku dhiirado. Guddomiyaha UCID ayaa hore u shaaciyay in la qaban doono Shir weyne Xisbigu abaabulayo oo looga wada arinsan doono ayaaha dalka. Waxa arinkaa kiyoo magaca xisbiga ku suntan jawaab daadifa ah ka bixiyay Musharaxa xisbiga Jmaal Cali Xuseen oo sheegay in arinkaas aanu u arag danta xisbiga. Maalmihii ina dhaafayna waxa saxaafada loo qeybiyay qoraal uu ku sexeexan yahay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen oo jawaab looga bixinayo erayo adag oo uu Guddoomiyaha Xisbigu ugu jawaabay Wasiirka madaxtooyada oo guddoomiyaha si shakhsi ah saxaafada ugu weeraray. Musharaxa Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen ayaa kiyoo ku hadlaya magaca xisbiga UCID labada masuul wadajir ugu sheegay in ay ka waantoobaaan hadalka xanafta leh ee ay saxaafada isu marinayaa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo isagu inta badan wakhtigiisa siiya dhaliilaha Xukuumada ayaan ilaa iyo haatan Jawaab ka bixin hadalada Musharaxa. Sidoo kale waxa aanu u tilmaamin Musharaxa doorkiisa Xisbiga iyo ka hoos hadalka Guddoomiyaha loo doortay hogaanka xisbiga. Isweydiintuse waxa ay tahay sababha Musharaxa madaxweyne hadalkiisa loo maqlo uu kolka uu Guddoomiyihiisu arin ka hadlo? Jawaabta Faysalse ma lagu oo beegi doonaa xili aanu Musharuxu uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo aan u saamixi doonin in uu ka soo waaqsado. Office : Hargaisa / Somaliland Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|