Isku Sawirka Wasiir Xirsi ee Waxqabadyada Xukuumadu Sheegato Qorshayaasha Uu Ka Damacsan Yahey iyo Abaabulka Shahaadooyinka La Gudoonsiiyo(Faalo) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Sawirka Wasiir Xirsi ee Waxqabadyada Xukuumadu Sheegato Qorshayaasha Uu Ka Damacsan Yahey iyo Abaabulka Shahaadooyinka La Gudoonsiiyo(Faalo)
July 31, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa, inta badan waxa dhaca Mudooyinkii u dambeeyay in uu Sawir ku galo goobo badan iyo Meelo

Hargeysa(WJN)-WasiirkaWasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa, inta badan waxa dhacaMudooyinkii u dambeeyay in uu Sawir ku galo goobo badan iyo Meelo ay Xukuumadufar cidideed kaga Qabatey Dhismayaal, dhinacyada Wadooyinka iyo Arimo kale taasoo uu Qaarkoodna u Kaxeysto Wasiiro ka tirsan Xukuumada, qaarkoodna uu Xaddhigakajaro kalidii, kuwaas oo kula hadlo Warbaahinta in ay waxqabanayaan oo uu Isaguhurmuud kayahey Dhismayaasha Dedaalada Xukuumadu wado.

Waxakasoo Wareegay laba Habeen kadib markii Mujtamaca Somaliland siweyn iskuweydiiyeen Shahaado nidaamka Sharciga ka qaawan Islamarkaana, uu ka GudoomeyGudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali WasiirkaWasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyadoo aanMudanayaasha

Aqlka Guurtidu u dhameyn, goob joogna aanay ka aheyn Gudidajoogtada ah ee Golaha Guurtida oo sida Sharcigu dhigayo xaq uleh marka Goluhufasax kujiro wakhtigan oo kale in ay iyagu Arimaha Golahaasi galayo Maamulaan, Waxaanahore ujirtey in dhalinyaro ay Wasiir Xirsi Gudoonsiiyeen Shahaado Munaasibadloogu Qabtey Boorame.

Hadabamarka si xaqiiq ah loogu dhabo galo Arimaha Wakhtiyadan dambe ay Bulshadu kalaSocoto Warbaahinta ee Isku Sawiraada Wasiirka Madaxtooyada WaxqabadyadaXukuumadu Sheegato oo meelaha qaarkood ay ka qabtaan Boqolkiiba laba marka aymarka hore baahiyaan in ay qabanayaan Boqolkiiba konton Tusaale ahaan waxa uudhawaan Wasiir Xirsi Xadhiga ka jarey Jid aan loo Sameyn qaabkii loogu talogaley Islamarkaana, Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud uu kusoodarey Khudbad Sanadeedkiisii uu ka hor jeediyay Labada Aqal ee BaarlamaankaSomaliland(Guurtida iyo Wakiilada), in ay dhameys tireen jidka u dhexeeyaKalabeydh iyo Tog-Wajaale oo qiyaastii dhan Sideed iyo Toban Km halkaas oo uuWasiirku xadhiga ka jarey Shan kiiloo mitir(5)Km, goobtaas oo uu si xoog ah ugufaaney Waxqabadka ay wadaan oo dalka Hurumariyay waxaanu hadaladiisa kusoodarey Maxaa nalooku haystaa Hayada Wadooyinka ee aanu hoos geynay Madaxtooyada.

Tusaaleahaana waxa halkaa ka muuqda in aanay jirin habyaraatee sabab kale oo loobadelay Hay,adii Dhismaha Wadooyinka ee Somaliland Road Athorty oo loowareejiyay Devoplement Road Agency, marnaba kama Maqna in lagu lunsayo hantidala balanqaadey ee Qasnada Dowlada ka Baxeysa, waxaaney maalin iyo laba maalmoodu dhexeeyeen isku sawiraadii Ciidan beeleed iskood uga soo goostey khaatumo, oohada kamid noqdey waxyaabaha uu ku muteystey Shahaadadii lagu suntey NabadeyntaGobolada Barri, Ciidankaas oo aan ilaa iyo hada laga warheyn meel ay jaan iyocidhib dhigeen.

Sikastabaha ahaatee isku sawiraada arimahan dhacdooyinka fara guudkood ah ee Xukuumaduku faaneyso iyo maqas qaadashada Xadhig ka jarista Wasiir Xirsi ayaa ahqorshayaal uu kawato xiligan dano gaar ahaaneed oo aan ka fogeyndhalanhabaabista iyo dhalanteedka beenta ah ee Xirsi ku doonayo in uu bulshadaugu mano sheegto Waxqabad iyadoo laga warqabo kharashaadka malyuun dollarkalagu qiyaasey ee ku baxaya isku sawiraada kuna doonayo taageero mustaqbal iyodamacyada qarsoon ee laga filayo, inkastoo dadka qaarkii aaminsan yihiin inlagu muransan yahey Madaxnimadiisa Xiligan ayaan la garaneyn hadana waxa uu kudoonayo mid bari taagan.

 

Iskusoo wada duuboo waxaan iyana meesha ka maqneyn abaabulka Shahaadooyinka iyadoo,ay xataa Madexweynaha laa Shukri calaa Waajib kuyihiin gudashada HowlahaQaranku hadii xataa Sidooda loogu dhaqmo taas, oo mararka Qaarkood looadeegsado dad gaar ah oo Wasiir Xirsi gudoonsiiya Shahaado sharaf aanu muteysannooceeda sida tii Gudoomiye Kuxigeenka Guurtida.

 

WariyeC/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

WAJAALE NEWS DESK

COMMENTS
LINKS