Hargeysa: Sheekh Reer Somaliland ah oo ku Guulaystay Abaalmarinta Qur?aanka Adduunka Oo Loo Sameeyey Munaasibad soo Dhawayn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: Sheekh Reer Somaliland ah oo ku Guulaystay Abaalmarinta Qur?aanka Adduunka Oo Loo Sameeyey Munaasibad soo Dhawayn
July 28, 2013 - Written by editor

Hargeysa (WJN)- Macallin Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo dhawaan ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee lagu bixiyo Qur?aanka Kariimka ah, ayaa munaasibad aan ballaadhan oo soo dhawayn ah loogu sameeyey magaalada Hargeysa ee caasimadda dalka

Hargeysa (WJN)- Macallin Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo dhawaan ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee lagu bixiyo Qur?aanka Kariimka ah, ayaa munaasibad aan ballaadhan oo soo dhawayn ah loogu sameeyey magaalada Hargeysa ee caasimadda dalka.

Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo mac-hadka ku yaal magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal dadweynaha ku bara Qur?aanka kariimka ah, isla markaana ku guulaystay abaalmarin caalami ah oo ay hay?ad Islaami ah oo la yidhaa Raabidatul Caalamul Islaam oo fadhigeedu yahay dalka Sucuudiga, taas oo sannad walba qiimayn ku soo xusha macallinka ugu wanaagsan barista Qur?aanka adduunka, waxa xaflad si qurux badan loo agaasimay oo aan loo hadhinloogu sameeyey shalay huteelka Safaari ee magaalada Hargeysa.

macallin Sheekh Xuseen Nuur Qalinle
Munaasibadda oo ahayd mid afur ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, xildhibaanno, in ka badan boqol culimo ah oo ay hormood u yihiin kuwa caanka ah ee dalku leeyahay iyo marti sharaf kale, waxa lagu soo bandhigay sababaha uu Sheekh Xuseen ugu mutaystay abaalmarinta iyo kaalinta uu ku leeyahay faafinta Qur?aanka Kariimka.

Sheekh Yaasiin Maxamed Axmed oo ku hadlayey afka guddiga soo qabanqaabisay munaasibadda, ayaa sheegay in sababta ay soo dhawaynta ugu sameeyeen Sheekh Xuseen tahay in la wayneeyo kitaabka Alle ee uu abaalmarinta ku helay, balse aanay ka lahayn wax ujeeddo kale ah.

Sheekh Cabdinaasir Abiib oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey taariikh macallin Sheekh Xuseen oo uu sheegay inuu sannadkii 1960 ku dhashay degaanka ka mid ah Gobolka Awdal, waxbarashadiisii hoose/dhexena uu ku soo qaatay dalka Jabuuti, kadibna uu u wareegay magaalada Muqdisho oo uu Qur?aanka kaga dhigtay Sheekh Cali Suufi, intaa wixii ka dambeeyeyna uu noqday macallin Qur?aanka oo uu ka bilaabay magaalada Hargeysa, balse wixii ka dambeeyey sannadkii 1988-kii uu u wareegay magaalada Boorama oo uu ka sameeyey Mac-hadka Imaamu Shaadibi oo ilaa hadda oo ay ka soo baxeen boqolaal dhallinyaro Qur?aanka xifdiyey oo adduunka meel walba jooga, waqtigana ay ku jiraan 360 arday diyaarinaya xifdigiisa.

Sheekh Cabdinaasir waxa uu halkaasi ka akhriyey qodobada hay?adda abaalmarinta bixisay u cuskatay inay sheekha siiso, kuwaas oo ay ka mid yihiin furista mac-hadka, soo saarinta ardayda faraha badan, ka qaybgelida tartannada caalamiga ah ee ardaydiisa iyo weliba ka muuqashada daafaha dunida.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo halkaas ka hadlay ayaa ku tilmaamay xafladdaasi iyo qiimaha ay huwantahay mid aannu cabiri karayn, isla markaana Sheekh Xuseen mutaystay oo ay ahayd in mar horeba la siiyo.

“Haddii Sheekh Xuseen caalamka ka qaatay abaalmarin, su?aashu waxay tahay innagu maxaynu u haynaa? Haddii aynu doonayno sharaf iyo karaamo in aynu yeelano waa in aynu sheekha iyo culimadaba ixtiraamno,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Waxa kale oo xafladda ka hadlay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo xusay in reer Somaliland uga xaq lahaayeen hay?adda inay abaalmariyaan Sheekh Xuseen oo kaalinta uu ka qaatay horumarinta diinta iyo barista Qur?aanka ee dalku tahay mid muuqata, sidaa darteedna waxa uu ballanqaaday shakhsiyan inuu u samayn doono maamuus ballaadhan.

“Walaalayaal waxaan leeyahay hadafkii aynu lahayn ee dhismaha Somaliland in badan oo ka mid ah waynu gaadhnay ee waa in aynu wax ka dhigno oo waddankani gurmad culimada uga horreeyaan ma jiro, laakiin doorkii culimadu wuu maqan yahay, waa in aynu waddankeena aamino oo wax ka dhigno,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi-dheere), ayaa farxad iyo guul ku macneeyey in Sheekh reer Somaliland ku guulaysto qiimayn adduunka oo dhan laga sameeyey, balse waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in bulshadeenu dhexdeeda is qiimayn waydo.

“Is qiimayntu waxay keentaa in la is hiigsado, ummad aan is qiimayn dhexdeeduna horumar ma gaadho, markaa sharaf ayey inaga inoo tahay in qiimayn lagu sameeyey caalamka islaamka oo dhan Sheekheenu ku guulaysto,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Guurtidu Cabdillaahi-dheere.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa hadal uu madasha ka jeediyey, ayaa hambalyo iyo bogaadin isugu daray Sheekh Xuseen, waxaannu yidhi, “Haddii aynu Qur?aanka maamuusno oo koryeelno in Ilaahayna ina maamuusayo, Ilaahay baa abaalmarintaa bixiyey, Sheekh Xuseena waxa uu noqday cadceed ka soo dhex caalamka islaamka oo dhan, waana mid innaga iyo guud ahaan dadka afka Soomaaliga ku hadlba guul iyo sharaf u ah.”

Ugu dambayntii macallin Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo munaasibaddaasi lagu soo dhawanayey ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay qabashadeeda iyo dadka kala duwan ee ka qaybgalay oo uu sheegay inay maamuuseen Kitaabka Alle ee uu isagu dadweynaha baro.

“Waxaan ku faraxsanahay dadkan quluubtooda ay ku jirto waynaynta iyo sharaftida ay u hayaan Kitaabka Alle iyo cidda dadka baraysba, taasina waxay daliil u tahay in jacaylka Qur?aanku qalbiyadeenna ku jiro, Ilaahayna wuu ina jeclaanayaa. Waxaanse ka sii farxad badnaan lahaa idinka oo igu soo dhaweeya in la dhiso meel wayn oo lagu barto Qur?aanka oo heerkeedu la tartanta kuwa caalamka,” ayuu yidhi Sheekh Xuseen Nuur Qalinle

 
Yuusuf Jamac xirsi
  Wajaale News EDITOR

 

COMMENTS
LINKS