Halkan Ka Daawo: Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Gunaanaday Tartankii Uu Qabtay Ee Qur?aanka Kariimka Ardaydii ku Guulaysatayna Ku Macsuumay Qasrigiisa Kuna Guddoonsiiyey Abaal-marino Qaaliya WARBIXIN+SAWIRRO XUL AH | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Daawo: Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Gunaanaday Tartankii Uu Qabtay Ee Qur?aanka Kariimka Ardaydii ku Guulaysatayna Ku Macsuumay Qasrigiisa Kuna Guddoonsiiyey Abaal-marino Qaaliya WARBIXIN+SAWIRRO XUL AH
July 28, 2013 - Written by editor

uffaaddii ku guulaysatay tartanka Qur´aanka oo galabta sidii madaxweynayaasha loogu galbiyey Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland…

Hargeysa(WJN):- Tartankii Qur´aan Akhriska ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u qabtay Lixda gobol ee Somaliland ugu weyn ayaa galabnimadii Jimcaha lagu soo gunaanaday goobtii uu ka socday tartanku oo ahayd Masjidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Tartankan oo socday muddo Labo Casho ah ayaa waxaa ka qayb-galay 19 Arday oo xul ah oo ka kala socotay lix-da gobol. Iyadoo Ardayga 19aad uu ahaa ardayga ugu yar oo si gaarah loogu maamuusay gobolka Buuhoodle. Waxaana xusid mudan in ardaygii kaalintakoowaad ku guulaystayuu noqday arday ka socday magaalada Laascaanood eexarunta gobolka Sool.

Xafladdii tartankaasi waxaa kasoo qayb-galay culimo ay ka mid yihiin Sh Maxamed Cumar Dirir, Sh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), Sh Maxamed Macalin Cabdi Carab, Sh Maxamed Aaden Iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda sida Wasiirka diinta iyo Aw-qaafta Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Warancadde, Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo dadweyne fara badan.

 

Aayaat Qur´aan ah oo xafladdaasi lagu furay kadib waxaa madashaasi hadallo koob-kooban ka jeediyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa imaamka iyo khadiibka masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aaden oo ka warramay qaabkii loo soo diyaariyey tartanka iyo farqiga u dhexeeya tartankan iyo tartanadii ka horreeyey.

 

Sheekh Maxamed Aaden waxa uu sheegay in qaban-qaabada tartanku ay ka cuslayd tartanadii hore,waxaanu xusay inuu waxyaabo dhawr ah kaga duwan yahay tartannadii hore, oo ay ka mid yihiin buu yidhi Sheekhu:

 

Waa tartankii ugu horreeyey ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo dawladda wakiil kaahi qabato.

 

Waa tartan dad simani ay galeen iyagoo ku galay Saddex Saddex. Marka laga reebo Buuhoodle oo hadiyad ahaan loo siiyey hal boos.

 

Waa tartankii ugu weynaa ee uu ku baxay dhaqaalihii ugu badnaa marka loo eegotartannada caynkan ah.

 

Waa tartan lagu qaaday 30-Juz.

 

Waa tartan qaab fadhigu ka duwan yahay qaababkii hore.

 

Waa tartan qofka aan bidaaqaddiisii sidan aanu galayn

 

Waa tartan Shahaadada lagu bixinayaa ay tahay mid la aqoonsan yahay.

 

Waa tartan ardaydu wada guulaysteen.

 

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo isna madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay faa´iidooyinka ku jira tartannada caynkan oo kale ah. Waxaanu u soo jeediyey xukuumadda oo xubno Wasiirro ahi ay goob-jog ahaayeen in Qur´aanka iyo Ku dhaqankiisana laga shaqeeyo.

 

“Waxaan markaaxusuusin lahaa uun walaalahayga wasiirrada ah…maalmaha yar ee aad halkanjoogtaan Qur?aanka bal sidii loo dhaqan galin lahaa waaqica nololeed ee bulshadeena wanaagsan ee islaamka ah inaad ka hawl-gashaan…” Ayuu yidhi SheekhDirir

 

Isagoo sheekhuhadalkiisa sii watana waxa yidhi “Mansabka maalmo yar uunbaa la joogaayoo ninba taariikh uunbuu kaga tagayaaye, bal haddii aynu xafladdiisii (waa Qur´aankee) qurxinnay akhrintiisiina qurxinnay inaynu dhaqankiisana qurxinno, ta runtii xasuusin lahaa waa taa…”

 

Sheekh Dirir waxa kale oo talooyin dhaxal-gal ah u jeediyey masuuliyiinta xukuumadda oo kow uu ka ahaa Wasiirka Daakhiliga oo madasha joogay waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaynaa bal wax lagu xasuusto inay ballan-qaadaan, waaqicana aynu ka aragno, Hey?addii Al-amrubil-macruuf Wannahyu canil-munkar la xoojiyo, bilays xul ah oo wax badantix-gelinaya loo sameeyo, dhaqamada xun ee bulshada dhexdeeda laga saaro, garsoorka la toosiyo…”

 

WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-cadde oo hadal kooban jeediyeyayaa ammaan ballaadhan usoo jeediyey dhallintii ka qayb-gashay tartanka Qur´aanka, waxaanu xusay in wiilka xaafidka ahi ka qiimo badan yahay wiilashakale, isla markaana muhimad gaar ah u leeyihiin wasaaraddiisa oo qaabisan amniga.

 

Wasiir  Waran-cadde waxa uu ka jawaabay odhaahdii iyo farriintii Sheekh Dirir, waxaanu si cad bulshada horteedii uga sheegay inay ka xukuumad ahaan aqbaleen talooyinkii uu Sheekhu soo jeediyey, isla markaana ay samaynayaan Boolisul-Adaab, ku shaqeeya Baabuur casriya.

 

Wasiirka Diintaiyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil C/laahi oo mahad-naqa Ilaahay kasakow, mahad-naq iyo bogaadinba u gudbiyey masuuliyiinta masjidka Cali Mataan oo uu ku ammaanay hawshan iyo sidii ay iskaga xil-saareen, ka wasaarad ahaanna uga caawiyeen hir-galinteeda. Waxa kaloo halkaasi uga mahad-naqay dhammaan kasooqayb-galayaashii xafladda, Macalimiintii Ardayda, Waalidiintii, iyo Guddidii garsoorayaasha oo uu aad ugu ammaanay kaalmihii laxaadka lahaa ee tartannadan ay ka soo qaateen iyo waliba guud ahaan Warbaahinta.

 

Sheekhu waxa uuka warramay fadliga Qur´aanka, gaar ahaan bishan barakaysan ee Ramadaan. Isagoo xusay in ku-dhaqankiisa iyo isku-xukunkiisana ay hir-galin doonaan, waajibna ay nagu tahay buu yidhi ilaalintiisa iyo kor-uqaadistiisaba, tartannada caynkan ahina ay noqon doonaan kuwo joogta ah.

 

Intaa ka bacdi waxaa abaal-marino la guddoonsiiyey Ardaydii tartanka ku guulaysatay, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Waliba Daakhiliga, Culimada, Warbaahinta oo kala ahaa TV-ga Qaranka oo Rafiiq Rashiid u guddoomay iyo C/salaam-Abuhurayra oo u guddoomay Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.

 

Haddaba afartii arday ee ugu sarraysay oo abaal-marinadooda iyaga si gaar ah loogu guddoonsiiyey Qasriga Madaxtooyada mooyee, dhammaan ardaydii kale waxaa abaal-marinadoodii lagu siiyey goobtii tartanka iyo xafladda ee masjidka Cali Mataan. Waxaanay 15-kaa arday magacyadoodu kala yihiin:

 

5-  Xaamud Dayib Axmed

 

6-  Xassan Axmed Xassan

 

7-  Maxamed Xasan Cali

 

8-  Jaabir Sh Maxamed Cali

 

9-  Axmed Maxamuud Saciid

 

10-Abokor Axmed Cartan

 

11-Axmed Maxamuud Axmed

 

12-Maxamed Axmed Xirsi

 

13-Naasir Yuusuf Jaamac

 

14-C/raxmaan Jaamac C/laahi

 

15-Maxamed C/laahi Faarax

 

16-C/kariim Maxamuud Xaashi

 

17-Xamse Maxamed Jaamac

 

18-C/xaliim Aaden Ismaaciil

 

19-C/raxmaan Ibraahim Muxamed.

 

Dhammaan 15-kan Arday way guulaysteen waxaanay si siman u heleen loona siiyey abaal-marino isugu jira Musxaf, Shahaado, Shandad, Saacad, Cadar, iyo Lacag dhan $ 150 US Dollars Halkii Ardayba. Afarta arday ee soo hadhay oo ah afartii arday ee ugu dhibicaha sarreeyey ayaa waxay ku guulaysteen kaalmaha koowaad ilaa Afraad, waxaanay magacyadooda, goboladooda iyo noocyada abaal-marinada lasiiyey ahaayeen sidan:

 

Kaalinta 1-aad: C/risaaq Cabdilaahi Maxamed oo ka socday magaalada Laascaanood ee xaruntaGobolka Sool. Wuxu ku guulaystay Waxaanay lagu abaal-mariyey Musxaf, Kitaab Tafsiir ah, Shahaado, Shandad, Saacad, Cadarro iyo Baabuur cusub oo Grande ah qiimihiisuna ahaa $ 4200 US Dollars.

 

 

 

Kaalinta 2-aad: Mahad Cali Xuseen oo ka socday Magaalada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex. Waxaana lagu abaal-mariyey Musxaf, Kitaab Tafsiir ah, Shahaado, Shandad, Saacad, Cadarro, Laptop heerkiisu sarreeyo iyo Lacag dhan $ 1000 US Dollars. 

 

 

 

Kaalinta 3-aad: C/Shaakir Maxamed Axmed oo ka socday Magaalada Wajaale ee Gobolka Maroodi-jeex waxaa lasiiyey abaal-marin dhan Musxaf, Kitaab Tafsiir ah, Shahaado, Shandad, Saacad, Cadarro, Mobile qaaliya iyo Lacag dhan $ 800 US Dollars.

 

 

 

Kaalinta 4-aad: C/Shakuur Amed Maxamed oo ka socday Magaalada Burco ee Gobolka Tog-dheer. waxaa lasiiyey abaal-marin dhan Musxaf, Kitaab Tafsiir ah, Shahaado, Shandad, Saacad, Cadarro iyo Lacag dhan $ 500 US Dollars.

 

Afartan arday ee kaalmaha hore ku guulaystay waxaa si gaara Abaal-marinadooda lagu siiyey qasriga madaxtooyada oo uu ku guddoonsiiyey madaxweynaha JamhuuriyaddaSomaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Madaxweynaha ayaa hambalyeeyey ardaydaasi waxaanu isagoo aad ugu riyaaqsan guushaa ay gaadheen uu yidhi oo tiraabtiisii ka mid ahaa “Waxaa farxad weyn ii ah in caawa halkan hadiyad kuguddoonsiino dhallin-yaradii ku guulaysatay tartanka xiftiga Qur´aanka…Waxaan u soo jeedinaynaa Hambalyo aad u ballaadhan, waxaanan leenahaya guulaysta….”

 

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu mahad-naq iyo bogaadinba u gudbiyey Culimada dalka oo uu ku ammaanay doorka ay bulshada kaga jiraan iyo waliba masuuliyiinta xukuumadda ee hadh iyo habeenba heeganka u ah nabad-galyada dalka iyo toosinta ummadda.

 

Madaxweynuhu waxa uu guud ahaan ardaydii ku guulaysatay tartankaasi oo ka koobnayd 19 Arday uu qasriga madaxtooyada ugu sameeyey casuumad isugu jirta Afur iyo Casho. Intii casuumaddaasi la hirqanayeyna waxaa kalmado koob-kooban madashaasi ka jeediyey Sh Maxamed Cali Biixi, Wasiirka Maaliyadda Sh Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Md C/risaaq Khaliif Axmed. Iyagoo dhammaantood ka dhawaajiyey munaasibaddan qaaliga ah iyo muhimadda ballaadhan ee uu innoo leeyahay Qawl-ka Eebbe oo kor loo qaadaa.

 

Gebo-gabadiina waxay xafladdaasi ku soo idlaatay jawi aad u qurux badan oo noociisa oo kale aanu horey u soo marin madaxtooyada maadaama Qur´aankii Kariimka ahaa lagu nooleeyey korna loogu qaaday. Isla markaana madaxweynuhuna noqday madaxweynihii ugu horreeyey S/land ee tartan caynkan oo kale ah qabta. Waxaana xusid mudan in madaxweynaha laftarkiisa ay caawa culimadu guddoonsiiyeen Kitaab Qur´aanka Kariimka ah.

Wajaale NEWS desk

Hoos ka daawo sawiro :

 


 

DIYAARIYE : M,X,N  SOOBE

 

Hargeisa OFFICE Wajaale DESK

 

 

COMMENTS
LINKS