Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH
July 23, 2013 - Written by Wariye:

Subject:       Press Statement

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo ka hirgaliyay taariikhda markii ugu horaysay caasimada Somaliland.

“Guul uu aadami suurtogaliyo tii ugu waynayd ayuu Madaxwayne Siilaanyo ka hirgaliyay dalka Somaliland taasi oo ah Idaacad FM ah oo  24 saacadood 7 maamlmood ee todobaadkii dadwaynuhu si joogto ah uga dhagaysanayaan Qawlka RABI koree oo nasahnaaye” sidaasi waxa yiri Gudoomiyaha Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch Mr. Suleiman Ismail Bolaleh.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri Mr. Bolaleh “inkastoo hirgalita idaacada Quraanka Kariimka ah ay sida fiinta uga qaylinayeen masuuliyiin magac iyo maamuus ku lahaan jiray bulshada dhexdeeda oo soo maray maamulka wasaarada warfaafinta Somaliland”.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay u aragtaa suurtogalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah mid wax ku ool u ah dib u soo celinta dhaqanka suuban ee Islaamnimada ee guud ahaan mujtamaca, gaar ahaan waxay si aan la qiyaasi karin idaacadani wax uga taraysaa horumarinta barashada xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta faraha badan ee ku duugan, waxay kobcinaysaa guud ahaan Akhlaaqda wanaagsan, run sheegnimada, amaano xafidka mujtamaceena.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch, waxay EEBE uga baryaysaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada iyo dhamaan cid kasta oo hirgalinteeda kala qaybqaadatay ka hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah dalka Somaliland in uu RABI ajar iyo xasanaad ugu bedelo, ugana dhigo sahay ay si fudud kaga gudbaan Jidka Siraad maalinta xisaabta wayn ee Aakhiro.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay ku dhiirigalinaysaa xukuumada Somaliland in ay magaalooyinka kale ee Somaliland ka hirgaliyaan idaacadan oo kale, sidoo kale waxanu ugu baaqaynaa Ganacsatada Somaliland in lacagtooda ku iibsadaan inta aanay dhiman ka hor Janadda EEBE oo ay qaybo ka mid ah maaliyada ILAAHAY siiyay ku bixiyaan sidii looga hirgalin lahaa Idaacado Quraanka Kariimka ah Gobolada iyo Magaalooyinka dalka ee wali dhegaysiga Idaacada Quraanka Kariimka ahi aanay gaadhin.

ILAAHAY AYAY MAHADI U SUGNAATAY

Suleiman Ismail Bolaleh

Gudoomiyaha

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HornWatch)

COMMENTS
LINKS