Guddoomiyaha UCID oo u Jawaabay Wasiir Xirsi:waxaan u arkaa inan yar oo Masuuliyad aanu qaadi karayn loo dhiibay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha UCID oo u Jawaabay Wasiir Xirsi:waxaan u arkaa inan yar oo Masuuliyad aanu qaadi karayn loo dhiibay
July 6, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (wajaalenews)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka waramay wadahadalada lagu wado in ay Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaraan dalka Turkiga.

“Somaliya waxaanu u sheegaynaa in Weftigani aanu ahayn wax soconaya, Waxaan eegi doonaa waxa ka soo baxa wada hadalladaasi, waxaanu sheegaynaa inaanay nimankaasi ahayn qaar miisaan leh oo dalka Metali kara, waxaanay ku dhamaan doontaa wada cashayn iyo wax aan macno lahayn, waxna ka socon doonin,” ayuu yiri Guddoomiyaha UCID mar uu u waramay TVga Universal.

Gudoomiyaha UCID ayaa sidoo kale ka jawaabay Hadal Deel qaaf ku ah nidaamka dawladeed ee casirga ah oo ka soo yeeray wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Xasan.

” Xirsi Waa inuu soo cadeeyaa waxaan ku ahay khaa’inul wadan, Xirsi waxa uu ka dhuumanayaa wada tashi aanu wadno, waxaan u arkaa uun inan yar oo Masuuliyad aan aanuu qaadi karayn loo dhiibay, way u gaadhay inuu waxa uu doono nagu sameeyo.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe ayaa ka warbixiyay habdhaqanka xukuumada xilka heysa ee Kulmiye.

 

“Somaliland waxa ay ku dhisnayd wada hadal iyo is dhegaysi markaa waxa muuqata inuu hadda dalku afduuban yahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Xukuumada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa mudooyinkii u danbeeyay sii lumineysa kalsoonidii shacabka dalka.

 

Office: Hargaisa

 

www.wajaalenews.com

COMMENTS
LINKS