Guddida Dhalinyarada Beesha Arab Oo Digniin Adag U Diray Mayorka Caasimadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Dhalinyarada Beesha Arab Oo Digniin Adag U Diray Mayorka Caasimadda
July 29, 2013 - Written by editor

Waxa aanu ku leenahay Mayor Hunguri wax ka wayn la mariyaa wuu dilaacaa?.

Hargeysa (WJN) – Guddida dhalinyarada beesha Degta Gobolka Hawd iyo Maroodi jeex ayaa uga digay Mayorka Magaalada Hargeysa in uu dhulka danta guud ee Degmada Axmed Dhagax u adeegsado hanti isaga uu gaar ah.

 

Waxa ay xasuusiiyeen in dhulkaasi wakhti hore loo qorsheeyay in lagu buuxiyo dhisitaanka danta guud isla markaana aanay  ka ogolaan doonin isaga iyo cid la mid ah in ay sifo sharci daro ah u adeegsadaan.

Waxa ay xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku amaaneen dedaalka badan ee ay gelinayso horumarka dalka iyaga oo Mayorka ugu dambayn u soo jeediyay in uu u hogaansamo Digreetadii Madaxweynaha Somaliland.

 

Sidaasna waxa ay ku sheegeen Qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyeen Xafiiska Wararka Ee Hadhwanaagnews, kaas oo u dhignaa sidan Gudida Dhalinyaradda beesha Arab waxa ay ka digayaan dhibaatooyinka iyo kacdoonadda ay dawladda hoose ka wado Caasimadda gaar ahaan Degmadda Axmed Dhagax.

 

Waxa aanu u soo jeedinaynaa mayorka in aanu ka talaabsan shuruucda wadanka u taala, waxa aanu leenahay ka daa caasimadda kacdoonka aad ka abaabulayso adiga oo burinayaa shuruucda aad ku shaqanayso, una adeegayadda cid aad ka qaadato taladda guracan ee ku hawlan burburinta shuruucda wadanka.

 

Waa in aad ixtiraamtaa xeerka qaranka ee dhulka, waana in aad ixtiraamtaa mayoradii kaa horeeyay shaqooyinkii ay qabteen.

 

Waxaa lagaaga fadhiyaa in aad maamusho caasimad ay ku nool yihiin 1 milyan oo u baahan in laga fuliyo hawlo badan oo ku hor yaala, waa in aad adeegsataa aqoonta lagaga shaqeeyo xafiiska baaxadaas leh.

 

Ha ku milmin in aad u shaqayso dadka jecel in kacdoon la geliyo umadda, ha ka qaadan taladda cid aan ka shaqaynay danta umadda oo ku siinaya talooyin kaa hor keenaya xukuumadda iyo umadda.

 

Tix geli Digreetadii kaa horeysay ee ay aqbaleen madaxdii kaa horeysay ee lagaga shaqaynayo horumarka wadanka.

 

Waxa aanu kuu sheegaynayo mayor in deegaanka lagu hor marinayo dantii guud ee laga gooyay beeraha, umana ogolaan doono adiga iyo cid kale toona in ay burburiso horumarka wadanka.

 

Danta guud ee Axmed Dhagax waxa la qorsheeyay hortaa, waxaana loogu talogalay iyada oo la is kaashanayo xukuumadda iyo shacaba, in lagu horumariyo deegaanka iyada oo lagu qabanayo dan guud oo loo diidan yahay in loo adeegsado dan gaar ah.

 

Gabogabadiiba adiga iyo mayor inta kula qabta in danta guud la cuno oo dad laga iibsado, maaha mid laga yeelayo, arrintuna maaha mid u gaar ah xildhibaan nacnac iyo xukuumada sida aad qortay adigu, laakiin waa talo hore u dhamaatay oo ay gaadheen xukuumada iyo dadka ku dhaqan deegaanku.

 

Sidaas darteed halkan loogama baahna in aad ka huriso dhib, meelo kale la raadso, hadii aad maqli jirtay degmadda axmed dhagax waxa lagu yaqaanaa kacdoon adiga iyo cid kale toona kama faa?iidaysan doonaan.

 

Waxa aanu ku leenahay Mayor Hunguri wax ka wayn la mariyaa wuu dilaacaa?.

 

Ugu dambayntii waxa aanu hambalyaynaynaa xukuumada dhexe, siday diyaarka ugu tahay horumarinta wadanka

 

 

WAJAALE NEWS DESK

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS