Golaha Wasiirada SL oo Maanta Shir ay Yeesheen ku ansixiyay in Darajada Ciidamada la bixiyo Maalinta Ciida ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wasiirada SL oo Maanta Shir ay Yeesheen ku ansixiyay in Darajada Ciidamada la bixiyo Maalinta Ciida ah
July 27, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Fadhi gaar ah oo ay koox wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland manta ku yeesheen Miiska Saraakiisha Ciidanka Qaranka ayay ku Ansixiyeen in Darajadii ciidanka toban cisho gudahood lagu bixiyo si ay ugu Ciidaan.

Kulankan oo ahaa mid lagag dooday darajada ayay Wasiiradda qaarkood soo jeediyeen in laga fiirsado bixintooda, hase yeeshee Koox Wasiirka Madaxtooyaddu gadh-wadeen u ahaa ayaa ku adkaystay in aan dib loo dhigin ee tobanka cisho ee Ciida ka hadhay la diyaariyo isla markaana la bixiyo.

Ilo wareedyo u dhuun dalloolay kulankaas ayaa sheegay in berry kulan kale Wasiiraddu arrintan ka yeelan doonaan, taasoo si rasmi ah hawsha loogu guda gali doono.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhiga Axmed X Cali Cadami oo dhawaan Telefishanada kaga dhawaaqay bixinta darajada in ay ku beegayaan Ciida ayaa la sheegay in uu manta ka mid ahaa Wasiiradda ku talinayay in laga baaraandago, hase yeeshee waxa la isla qaatauy go’aankiisii hore.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

 

COMMENTS
LINKS