Golaha Toosinta Iyo Wadatashig​a oo soo saaray qoraal ay ku taageerayaan Heshiiska Xisbiyada UCID Iyo WADANI | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Toosinta Iyo Wadatashig​a oo soo saaray qoraal ay ku taageerayaan Heshiiska Xisbiyada UCID Iyo WADANI
July 25, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News) Golaha Toosinta Iyo Wadatashiga oo soo saaray qoraal ay ku taageerayaan Heshiiska Xisbiyada UCID Iyo WADANI. Warsaxaafadeed ay Caawa soo saareen ayay arintaasi ku caddeeyeen, waana kan War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Golaha Madaxa Bannaan Mr.Xasan Ciise Jaamac.

 

Golaha Madaxa Banaan Ee Wadatashiga Iyo Toosinta

                                                                        Warsaxaafadeed

Ujeddo/Taageero

Ramadaan Kariim

Hadii aanu nahey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka

Waxaanu si diirana u soo dhaweyneynaa Heshiiska labada xisbi mucaarad Shaley Ku Gaadheen magaalada Hargeysa gaar ahaan

Hotel Ambassador

Waxaa kale oo aanu soo Dhaweyneynaa Baaqii iyo Talooyinkii ay jeediyeen ee aheyd in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado TALO LOO DHAN YAHEY

Waxaanaanu Qabnaa iney Tahey Wadada aynu ku xalin karno dhibaatooyinka ina horyaala,Somalilandna ay ku Caana maalikarto

Ugu Danbeyntii Waxaanu labada Xisbi Mucaarad ku dhiiri galineynaa iney la yimaadaan Qorshe Cad oo Siyaasadeed Oo Wadankan waxa inaga khaldan aynu ku sixi karno  

Si aynu cagta u saarno Dariiqa Toosan oo ummadan Gaadhsiiya

                                                        Ictiraaf,Horumar iyo Badhaadhe

 

Wajaale News Desk

Hargeysa /    Somaliland

COMMENTS
LINKS