|
|||||
WAJAALE NEWS
GABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR: Qalinkii: Libaan Xaji Fagadhe (Q.3aad)
July 8, 2013 - Written by Wariye:DEELEY DAREENLEY RAG ALLOW MADOOXAA MA DILAACIYAA NABAR
Waa markhaati madoon iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago . Qormadii 3 aad Heybada maamul iyo hanashada shacbigaad horjoogtaa waa hadyad uu bixiyo wahaabigu dadku waxay yidhaahdaan abeesadu markey ku qaniinto hadii aad ka badbaado markaad 50 jir gaadho ayey sunteedu kugu soo baxdaa hadaba shirkii Baligubadle ee 1990 waxay markaa mujaahidiintu muujisey in ay 6 dii sano ee Siilaanyo ahaa hogaanka SNM ay fahmeen siyaasadii xumeyd ee beertey qabiilka iyo kala fogaanshaha laga diga rogtey waxaa dhacdey intii uu hogaanka hayey SNM Axmed Siilaanyo inuu korneyladii qaar ay ku xidhnaayeen Ethopia nimankaasi qaarbaa nool waxase isweydiinle Sababta ay hadana markii uu xisbiga Kulmiye ku dhawaaqey ay u taageereen iyagaaba shacbiga uga aqoon badnaaye maalintaa ayuu qabasho lahaa markaan 1984-1990 iyo maanta aan eego is shabahaada siyaasadiisa ayaan xasuustaa nin mujaahida oo aad Siilaanyo u yaqaan ayaa mar aan joogey hargeysa waxa uu ii sheegey in uu mid aad ugu yaqaan oo ah hadii aad halmaalin wax qalada oo aad arkeyso isna uu leeyey waa sax oo aad tidhaa maaha Axmedow waa qalad oo sidaas ayaa sax halkii uu ka qaadanlahaa uu ku qaniino oo uu gows dambeedka kugu qabto waliba kuu qoslo ayuu maalinta uu jaanis helo sida Halaqa kuugu dhufanayaa qaniinyada deedna waynu naqaanaa qofka uu Maskaasi qaniino Aa hadii qofku yidhaa wuxuu yidhaa kuma qaniin. Hadaba yeynaan fogaane aynu taxanihii halkii ka sii wadno e waxay mujaahidiintii Baligubadle 1990 ku doortii Gudoomihii shanaad C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo ku xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac. Alle ayaa inala jiree waxaa mujaahidiintii SNM soo qaadeen dagaalkii kama dambeysta ahaa ee ay taliskii siyaad bare kaga xoreeyeen cariga Jamhuuriyada Somaliland dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay ka dambaysay halgankaa qadhaadh ee Ururkii SNM oo taageero ka helayay shacbiga ku dhaqan dalkan, la galleen dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, ka dib markii uu tacadi, xasuuq iyo dhibaatooyin kale kula kacay shacbiga Somaliland. Shirweynihii Burco ee 1991 inbadan ayaa laga dooday go,aanaakaas goosahada waxaa leysku raacey oo la go aansadey 18 May 1991 in ay jamuuriyadii Somaliland la soo noqotey madax banaanideeda maalintaa laga bilaabo waxaa xusuusmudanGuurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar . Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye Waxaa halkaa kaaga muuqta in uu shirkii 1991 ee burco na yahey shirkii labaad ee Somaliland mahadisey isla 18 May 1991 kii waxaa madashaa gooni isutaaga somaliland qudbad ka jeediyey
Lasoco………… COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|