Eng. Cali Xoor Xoor: Guul Wadihii Qarniga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Eng. Cali Xoor Xoor: Guul Wadihii Qarniga
July 27, 2013 - Written by Wariye:

Maareeyaha guud ee Dekada Berbera Eng. Cali Xoor Xoor ayaa noqday mid ku caan baxay guul-wadeyn uu ugu adeegayo marba Xukuumada timaada , isaga oo ugu khidmaynaya khiyaamooyin kala gedisan iyo tabo iyo xeelado xajiimaysan oo ka dhan ah danta guud ee Ummada.  Masuulkan ayaa ah mid muddo dheer ka soo ariminayay dekada Berbera, hasa yeeshee, ku fashilmay in uu uga faa’iideeyo Gobolka khayraadka kala duwan ee ku duugan, gaar ahaan kan Dekada.  Mudadii uu joogay waxa uu Gobolku noqday mid ka aradan wax-ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah. Dhibtan oo noqotay mid aad u badan oo isdul tuulmay, haday noqoto kuwa Waxbarashada, Caafimaadka iyo Korontada. Gaar ahaan Korontada  oo ah baahi laf-dhabar u ah guud ahaanba Magaalooyinka Xeebaha ah mar hadii ay Noloshoodu ku xidhan tahay.

Waqtigii uu Xafiiska joogay Maareeyihii Geeriyooday ee isaga ka horeeyey Eng. Saleebaan Faarax, waxa jiray Kab loo qoondeeyey  oo loogu talo galay in lagu hormariyo goobahaasi aynu soo sheeganay. Hadaynu si gaar ah u dul istaagno waxa jiri jiray Shidaal aad u badan oo loo qoondeeyey Korontada  taasi oo wax badan ka tari jirtay Warshada Xooga korontada, hasa yeeshee, waqtigan Xaadirka ah ma jiro shidaalkaasi warshaduna ma hesho shidaal ku filan, taa bedelkeedana waxa ay shirkadu Dadka ku soo rogtay Lacago dheeraad ah oo ay Halkii Unit ku kordhisay. Waxaanay taasi sababtay in ay Dad badani ka sasaan Biilasha Laydhkooda oo noqday mid aad u xad dhaaf ah. Taasoo ah ta keentay in Dad badani ay uga guuraan Magaalada,  una guuraan Magaalooyin kale. Iyada oo arimahaasi oo dhami ay jiraan hadana waxa baryahan dambe soo if baxaysa dhibaato tii hore ka daran oo Biyo la’aaneed.  Ka dib markii dhuumaha Biyaha ka soo qaada Ceelasha Dubaar uu xanibay Daxal badan oo sababay in ay biyihii soo dhaafi waayaan. Waxa kale oo jira in Ijiinada Biyaha ka soo qaada Ceelasha Dubaar ay Dayac tir  la’aan u fadhiistaan.

Iyada oo intaasi oo dhibaato ahi ay is dul barkadeen Gobolka ayaanay ilaa hada Masuuliyiinta Gobolku wax dareen ah ka lahayn wax ka qabashada arintaasi, gaar ahaan Maareeyaha Dekeda oo ah Ninka ku fadhiya Kursiga ugu shilis kuraasida Gobolka.

Goobtu waa Buqcad uu Rabi ku Manaystay Khayraad kala gedisan, sida Dekeda wayn, Haamaha Shidaalka iyo Airport wayn oo Casri ah ayaan waxba lagu celin in laga soo gurto Wax soo saarkeeda mooyee. Taasi oo ah ta keentay in Meeshu ay noqotay Dur dur ooman.

Maareeye Cali Xoor Xoor, ayaa noqday Nin Cid gaar ah u Maala Hashan Gaaxda iyo Godolka badan, isaga oo dhaafsanaya danihiisa gaar ahaaneed, sida ilaasashada kursigiisa oo uu inta badan gaadh ka hayo, iska dhaadhicinta Madaxda ka saraysa oo uu ugu adeegyo hab kabo qaadnimo ah iyo is muujin aan xad lahayn oo uu ku kasbanayo indhaha Madaxtooyada.

Hadii aynu ku noqono markii ay dhacday Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Dalka, Eng. Cali Xoor xoor waxa uu Geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu Maayir ku xigeenka Berbera uga dhigi lahaa Nin ay haybta wadaagaan Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Max’ed Siilaanyo. Isaga oo meesha ka saarayay Beel Gobolka Muddo dheer deganayd oo kursigaasi lahaan jirtay. Waxase taasi si wayn uga biyo diiday Aarkii Ramaax oo arintaasi si wayn uga gilgishay. Hasa yeeshee, Cadaawadii uu Cali Xoor xoor Maalintaasi u qaaday uu Aakhirkii isaga  (Ramaax) uu meesha ka saaray oo uu kursigii Badhasaabnimo  ka tuuray.

Waxa taasi kaba sii daran, Masaajid wayn oo laga binneeyey Dekeda dhexdeeda in uu ugu Magac daray MUJAAHID SIILAANYO. Iyada oo aan la garanayn waxa uu uga jeedo Magac-bixinta intaasi le’eg, hasa yeeshee, Dadka qaar ayaa Magac bixintaasi ku Macneeyey Guul-wadayn iyo Kabo qaadnimo, Aniguna aan u bixiyay KABO QAADNIMADII QARNIGA.

Ninbaa laga hayay “ Mayd yaa u dambeeyey” saa lagu yidhi, kaa la sii sido. Waxaan uga socdaa taa ama uga dan leeyahay,  Maalmihii u dambeeyey waxa uu Cali Xoor Xoor uu dhabarka ka riixayay Odoyaal Calooshood u shaqaystayaal ah oo ku Maxaafsada Magaca Cuqaasha Gobolka Saaxil isla markaana Qurbaan Cun ah. Odayaashaasi Maalin dhawayd Lacag badan ayuu u qaybiyay si ay u  Caayaan  Golaha Madaxa Bannaan ee ay dhawaan Dalka kaga dhawaaqeen Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin Dalka Magac wayn ku leh. Masuuliyiintan oo aan gayin Cay iyo Xajiimayn midnaba.

Cali Xoor Xoor ma aha Nin Madal la soo fadhiisan kara Mujaahidiintan Golaha ku dhawaaqay ee kaliya waxa uu uga gol leeyahay sidii uu Ammaan uga heli lahaa Aqalka Madaxtooyada Somaliland, taa badalkeeda waxa aan Anigu Aaminsanahay in ay ku tahay Ayaan daro wayn iyo Magac Xumo aan waligii ka hadhayn.

Cali Xoor Xoor ma aha Shaqsi balaaqo leh  ama Aftahano leh oo si cad u weerara cida uu Maago, hasa yeeshee, had iyo jeer Hagardaamooyinka uu gaysto waxa uu ka hagaa Daaha dabadiisa.

W/Q: C/Rashiid Nuur Wacays

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS