Distoorka Iyo Madaxweyne Siilaanyo ? Qalinkii: Xildhibaan Ibrahim Jama Reyte | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Distoorka Iyo Madaxweyne Siilaanyo ? Qalinkii: Xildhibaan Ibrahim Jama Reyte
July 24, 2013 - Written by editor

Hargeisa-(WJN)-Wuxu oggolaaday Madaxweynuhu in wareegtada Wasiirku si toos ah u buriso wareegtadiisii iyo distoorka

 

 

Xilka ugu horreeya uguna muhiimsan ee Madaxweynuhu waxa ka mid ah dhawrista, ilaalinta iyo difaaca Distoorka dalka iyo sharcigiisa.Taas micnaheedu waxa weeye:

  1.  Ugu horrayn, inuu Madaxweynuhu isagu dhawro distoorka. Sida ku cad distoorka, qod.90aad.afq. 14aad:

 ?Madaxweynuhu wuxu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan distoorka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.?

Halkaas waxa ka soo baxaya laba waajibaad oo kala ah:

  1. Madaxweynaha waxa ku waajib ah in tallaabo kasta oo uu qaadayo ama go?aan kasta oo uu gaadhayo, uu hubiyo inay distoorka iyo sharciga waafagsan yihiin iyo in kale.
  2.  Si uu u hubiyo in tallabada uu qaadayo ama go?aanka uu gaadhayo ay distoorka waafaqsan yihiin iyo in kale, waxa ku waajib noqonaysa inuu raadiyo ama doonto tala-sharciyeed arrintaas ku saabsan.
     

    Haddii talada sharci ku fillaan weydo inay tuhun saarto, waxa ku waajib ah inuu doonto mid labaad. Sababta oo ah Madaxweynaha uma noqon karto cudur-daar uu ku eed baxo haddii uu ku go?aan qaato talo-sharciyeed gefsan. Waayo cidda uu saaran yahay waajibka ilaalinta distoorku waa Madaxweynaha. Ma aha cidda talada bixinaysa.

  3.  Marka xiga, Madaxweynaha waxa xil ka saaran yahay inuu ka ilaaliyo kana difaaco cid kasta oo kale oo ku kacda tallabo distoor jebin ah, isla markaana uu tallaabo sharciga waafaqsann ka qaado. Dadka ku kaci kara distoor jebinta waxa ugu badan uguna horreeya xubnaha xukuumaddiisa oo uu isagu huggaamiyo. Tusaale ahaan, haddii Wasiirradiisa mid ka mid ahi qaado tallaabo, ama gaadho go?aan maamul oo ka dhan ah ama ku xad-gudbaya xuquuqda muwaaddiniinta ee distooriga ah waxa waajib ah inuu Madaxweynuhu is-hortaago go?aankaasi inuu fulo ama uu isaga laftiisu buriyo.

Mawadaxweynaha waxa awood loo siiyey inuu is hortaago cid kasta oo ku kacda fal ama falal distoorka ku liddi ah ama aan waafaqsanayn. Xataa waxa awood loo siiyey haddii waaxda sharci-dejintu (Baarlamanku) soo saaraan xeerar khilaafsan distoorka inuu tallaabooyin qaadi karo. Madaxweynuhu wuxu awood u leeyahay  sharciga aan distoorka waafaqsanayn ee ka soo baxa Golayaasha inuu dib ugu celiyo (faq.5aad & 6aad. Qod.77aad. Haddiise xeerkaas ay Golayyashu ku ansixiyaan cod ah saddex dalool oo laba ama ka badan, Madaxweynuhuu awood uma leh inuu ku soo celiyo. Haseyeeshee, markaana,  gacmaha ka laaban maayo. Waxa u bannaan inuu tallaabooyin kale qaado. Sida ku cad faq.4aad, isla qod.77aad,

?Haddii Madaxweynuhu u arko  in masharuuc-sharci  ka hor imanaayo qodob ama qodobbo Distoorka  [ka mid ah}  waa inuu sidaa ku wargeliyaa shirgiddoonka iyo xeer-ilaaliayaha guud oo u gudbin doona Maxkamadda distooriga.?

Halkaas waxad ka garan kartaa sida loo adkeeyey waajibka Madaxweynaha ka saaran dhowrista iyo ilaalinta  distoorka xeerarka dalka.

Wxa laga yabaa in qofka maankiisa ay su?aali ku soo dhacdo. Su?aashaasi waxay tahay:

Maxaa dhacaya haddii Madaxweynuhu gudan waayo waajibkiisa ka saaran dhawrista iyo ilaalinta distoorka?   Ama haddii si kale loo dhigo, maxaa ka dhalan kara haddii Madaxweynuhu distoorka jebiyo?

Haddii Madaxweynuhu ku kaco tallabo distoorka khilaafsan, ama aanu distoorku awood u siin inuu qaadi karo, ama indhaha ka qarsado ku-xad-gudubka distoorka ah ay ku kacayaan qaar ka mid ah xukuumaddiisu waxa ka dhalanaya dembi.   Dembigaas wuxu distoorku ku magacaabay ku-xad-gudubka distoorka . Wuxuna ku cad yahay qod.96aad ee distoorka. Dembigaasi wuxu u dhalan karaa laba siyaabood:

i.      Fal uu Madaxweynuhu ku kaco oo distoorka aanu awood u siin ama liddi ku ah. Waa tallabo ama go?aan Madaxweynuhu qaatay oo ka baxsan xuduudda awoodihiisa sharciyeed, ama baal marsan hannaankii ama habraacii sharcigu waajibiyey in loo raaco tallaabadaas uu qaadayo.

ii.       Fal distoorku ku waajibiyey Madaxweynaha inuu qaado oo uu ka baaqsaday inuu fuliyo. Waxa halkaa soo gelaya fal distoor jebin ah oo cid kale ku kacday oo isagu tallabadii kaga beegnayd uu qaadi weyey, ama indhaha ka qarsaday.

Labada arrimoodba waxaynu u soo qaadanaynaa tusaalooyin aan mala-awaal ahayn. Waxaynu tusaale u soo qaadan doonnaa dhacdooyin run ah, diiwaan gashan oo ku kooban taariikhdii Madaxweyne Siilaanyo Xilka hayey.

Tusaalaha kowaad waxaynu u soo qaadan karnaa wareegtadii uu Madaxweynuhu ruqsadda ku siiyey   Somcable, taas oo markii hore, shirkaddaas koote [monopoly] loogu xidhay ka-ganacsiga dhammaan hawlaha la xidhiidha xadhkaha isgaadhsiinta ee badda hoos mara. Ka dib markii uu ogaadey inay arrintaasi {kootaha} khilaafsan tahay qod.11aad ee distoorka, Madaxweynuhu wuu ka noqday wuxuna ku qoray wareegtadii dambe in ruqsadda loo adeegsado si distoorka waafaqsan. Arrintaasi ma xuma mar haddi uu ka noqday (in kasta oo muran weyni ku jiro awoodda sharciyeed ee Madaxweynuhu u leeyahay inuu bixiyo ruqsado ganacsi. Waayo awooddaas sharcigu cid kale ayuu siiyey).

Haseyeeshee, isla markiiba waxa wareegto ama go?aan soo saaray Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta. Wareegtadaas ama go?aankaas, wuxu Wasiirku si cad ugu qeexay in dhammaan hawlaha la xidhiidha xadhakaha is-gaadhsiinta ee badda hoos mara {submarine cables} koote loogu xidhay shirkadda Somcable muddo 25sano ah. Taas oo micnaheedu yahay inaan cid kale ka ganacsan karin, bad iyo berriba, hawlaha la xidhiidha xadhkaha badda hoos mara. Arrintaasi si oo aan muran ku jirin:

a)      Ugu horrayn, waxay ka hor-imanaysaa ama burineysaa wareegtadii Madaxweynaha oo caddaysay in ruqsadda la siiyey shirkadda Somcable loo adeegsado si waafaqsan distoorka Jamhuuriyadda Somaliland. Taas oo micnaheedu yahay inaan cidna koote loogu xidhi karin.

Haseyeeshee, Madaxweynuhu wuu ka aammusay go?aankaas Wasiirkiisu soo saaray. Wax tallaabo ah ma qaadin.Taasna waxa loo arki karaa  oo keliya inuu isagu oggol yahay.

?bakhtiga ma cuno ee fuudkiisaan cabbaa?. Wuxu oggolaaday Madaxweynuhu in wareegtada Wasiirku si toos ah u buriso wareegtadiisii iyo distoorka labadaba.. Waxana sidaas ku dhaqan gashay wareegtadii Wasiirka ee sharci-darrada ahayd. Waxana dalka ka hirgashay, markii ugu horreysey, kooto ganacsi.(Riyaale mar buu isku deyey inuu Koote ugu xidho ka ganacsiga dhoofka adhiga Shirkad gaar ah. Way ka socon weydey.)

b)      Mar labaadka, go?aanka ama wareegtada Wasiirku waxay si cad oo aan muran lahayn u khilaafsan tahay distoorka qod. 11aad, kaas oo qeexaya in suuqa xidhan ama kootadu ay ka xaaraan tahay dhaqaalaha Somaliland.  Qodobkaasi wuxu leeyahay:

? Dawladdu waxay dejineysaa siyaasadda guud ee dhaqaale, oo ku salaysan mabaadi?da  suuqa xorta ah?.?.

Dad badan baa is weydiin kara waa maxay suuqa xorta ahi ? . Haddii sida ugu kooban ee suuragalka ah loo sifeeyo, suuqa xorta ahi waa dhaqaale ku dhisan ama ku shaqeeya xeerka isu-dheelli-tirka baahida iyo badeecadda iyo adeegyada (supply and demand) iyo tartanka ganacsiga ah ee xorta ah,   iyada oo fara gelinta dawladdu ka caaggan tahay. Suuqa xorta ah:

  1. Waxa ka ka reebban waxa loo yaqaan kootada ama monoboliga (monopoly). Kootaha ama monobiliga micnahiisu waxa weeye marka qayb ka mid ah ganacsiga      ( badeecad ama  badeecdo iyo adeeg ama adeegyada qaarkood) ay  u xidhan yihiin qof ama shirkad gaar ah, oo cid kale aanay ka ganacsan karin.Haddii la yidhaahdo  adhiga waxa iibsan kara oo dhoofin kara Al-jabbari oo keliya, waa koote. Marka la yidhaahdo Bariiska waxa soo dejin kara oo iibin kara Bullaale oo keliya waa koote.
  2. Waxa kale oo ka reebban suuqa xorta ah fara-gelinta dowladda iyo waxa lagu magacaabi karo eexda ganacsiga (preferential trade).  Dad badan baa is-weydiin kara: Waa maxay eexda ganacsigu?. Eexda ganacsigu waxaan uga jeedaa marka canshuuraha iyo tagliifaha laga qaado badeecadaha iyo adeeyada ka yimaadda dal gaar ah laga dhimo inta laga qaado kuwa la midka ah ee ka yimaadda dalalka kale. Badeecadaha iyo adeegyadaasi, dabcan, way ka jabnaanayaan kuwa kale ee la midka ah. Taasina waa eex. (Taasi waa marka laga reebo dalka ama dalalka ay Somaliland la leedahay heshiis laba geesood ah(bilateral agreement) ama heshiis wadareed (maltilitaral agreement)  kaas oo qeexaya in inta ay Somaliland ka dhinto cashuuraha badeecadahooda ay iyaguna ka dhimayaan kuwa Somaliland.). Waxa ka kale oo ka mid ah eexda ka dhalan karta  fara-gelinta suuqa iyo tartanka xorta ah in xukuumaddu ay gacan-qabato shirkado gaar ah, ama ay cadaadiso qaar kale.

Marka ay sidaas tahay, muran kuma jiro in  go?aanka Wasiirku soo saaray uu si cad ugu hor timid  mabd?aas distooriga ah ee suuqa xorta ah. Waa distoor jebin, magac kale ma yeelan karto. Laakiin Madaxweynuhu wax tallaabo ah ma qaadin.  Sidaas ayuu ku dhaqan galay go?aankii wasiirku. Taas micnaheeduna waxa weeye: cid kale looma oggola inay ka ganacsato, bad iyo berri midna, xadhkaha isgaadhsiinta ee badda hoos mara muddo shan iyo labaatan sano ah.

c)       Mar saddexaadka, wareegtadaas ama go?aankaas ka soo baxay xukuumadda Siilaanyo, wuxu  kale oo liddi ku yahay ama burinayaa qodobka 8aad distoorka faq.1aad., kaas oo waajibinaya sinnaanta xuquuqda muwaaddiniinta sharciga hortiisa. Waxayna leedahay: ?Muwaadiniinta Somaliland???..waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.?

Muwaaddiniin badan ayaa ka ganacsada suuqa is-gaadhsiinta Somaliland. Maxaa ku dhacay xuqquqdii ay lahaayeen muwaddiniinta kale ee leh shirkadaha Is-gaadhsiinta iyo kuwa kale ee doonayaa inay ka ganacsadaan suuqa Is-gaadhsiinta.Run ahaantii shirkadda kootada loo xidhay markaa ka hor kuma jirin ganacsiga is-gaadhsiinta. Marka sharci ahaan loo hadlayana ma aha shirkad waddani ah.

Marka koote loogu xidho shirkad keliya oo qof keliyi leeyahay  inay keligeed ka ganacsato xadhka is-gaadhsiinta maxaa ka dhalanaya? Saddex arrimood oo duudsi ah ayaa ka dhalanaya:

a)      Waxa la duudsiyey xuquuqdii ay lahaayeen muwaaddiniinta ka ganacsata Isgaadhsiinta. Dad badan ayaa ku jira suuqa ganacsiga is-gaadhsiinta. Shirado baaoo is-gaadhsiinta ah ayaa ka furan dalka. (Run ahaanta shirkadda kootaha loo xidhay hore uguma jirin suuqa isgaadhsiinta).

b)      Muwaaddiniin kale ayaa doonaya iyaguna inay ka ganacsadaan suuqa isgaadhsiinta. Xaq bay leeyihii. Waa suuq furan. Tartan baa ka jira. Kuwaasna xaqoodii waa la duudsiyey.

c)       Waxa sidaas si la mid ah loo duudsiyey xaqoodii  muwaaddniinta isticmaala adeegga is-gaadhsiinta. Waxa lagu jujuubay inay sandulle kaga iibsadaan adeegga ay u baahan yihiin shirkad keliya ama haddii kale ay adeeg la?aadaan.

Miyaa muran ku jiraa in tallabadaasi ay khilaafsan tahay qod.11aaad iyo 8aad ee distoorka?

Miyaanay markaas taasi ahayn fal- dembiyeedka ku cad qod.96aad.faq.1aad xibintiisa (t)?

Arrintaasi waxay dhacday bishii ugu horreysey ee xukuumadda Siilaanyo. Waxan filayaa inay ahayd go?aankii ugu horreeyey ee uu qaatay Madaxweynaha cusubi, marka laga reebo wareegtadii uu xukuumadda ku dhisay. Tallaabadii ugu horreysey ayuu distoorka ku buriyey. Markii ay taasi u meel martay, intii ka dambaysey wuxu u dhaqmayey sidii aanu dalku distoorba lahayn.

 

 

Tusaalha labaad waxaynu u soo qadanay distoor-jebintii ugu dambaysey ee ay ku kacdo xukuumadda Siilaanyo. Madaxweynuhu wuxu dhowaan sameeyey isku-dhaandhayn Golaha Wasiirada, isaga oo si xad-dhaaf ah u balladhiyey. Wuxu abuuray Waraasado cusub, wuxuna magacaabay Wasiirro iyo ku-xigeenno tiro badan. Isaga ayaa awood u leh. Cidina kuma haysato xagga sharciga.( Xagga siyaasadda waa lagu haystaa. Ma aha xukuumaddii  uu Madaxweynuhu dadka ugu ballan qaaday. Tiro mooyiye tayo ma laha. Laakiin arrintaasi ma aha mowduuca aan ka hadlayo).

Haseyeeshee Laba ama saddex maalmood ka dib waxa warbaahinta ku soo baxday in Waasiirradii iyo ku-xigeennadii cusbaa ay xilkii la wareegeen. Waxan halkan ku miijinayaa  sida ay arrintaasi distoorka u khilaafsan tahay. Mana aha markii ugu horreysey ee taasi oo kale dhacdo.Waa wax la caadaystey.

Sidee ayey distoorka u khilaafsan tahay arrintaasi?

Distoorku si cad ayuu u qeexayaa inaan Wasiirradaasi xilka la wareegi karin ilaa ay buuxiyaa laba shardi.

a)      In Golaha Wakiilladu oggoladaan Wasiirnimadiisa, iyadoo cod loo qaadayo;

b)      In  guddoomiyaha Maxakamadda Sare xilka u dhaariyo iyada oo goob-joog ka yahay Madaxweynuhu.

Sida distoorku xeerayo, waxa Wasiirka  soo magacaabaya Madaxweynaha. Haseyeeshee inuu Wasiir noqdo iyo in kale waxay ku xidhan tahay inuu oggolaasho Ka helo Golaha Wakiilada. Haddii Golaha Wakiiladu diido Wasiirkii uu Madaxaxweynu soo magacaabay, micnaheedu waxa weeye Wasiir ma noqon karo qofkaa loo soo magacaabay.

Waxad ka soo qaadda inuu Wasiirku xilka la awreegey marka la soo magacaabo, iyada oo aan Golaha la hor keenin, sida hadda dhacday ama  dhacdaba. Isaga oo xilka hayey saddex ama lix bilood ayaa la hor keenay Golaha Wakiillada. Golahii Wakkiiladu way diideen. Maxaa  dhacaya? Wasiirkii ma Wasiir buu ahaa mise ma ahayn. Saddex ama lix bilood ayuu Wasaaradda maamulayey.  Wuxu gaadhey oo fuliyey go?aamo yeelan kara muhimmad sharciyeed.  Heshiisyo ayuu magaca Wasaaradda kula galay cid kale. Dad buu xilal u magacaabay. Qaar buu  xilkii ka qaaday ama shaqada ka fadhiisiyey. Qaar kale ayuu shaqada qoray. Arrmahaas oo dhammi waxay yeelanayaa cawaaqib sharciyeed.

Maxay noqonaysaa haddii Golahu Wakiiladu diido Wasiirnimadiisa ?  Go?aamadii uu Wasiir-suguhu gaadhey iyo heshiisyadii uu galay ma sharci bay noqonayaan?  Mise waxa  waliba waxay dib ugu soo noqnayaa xaaladdii hore ee uu ugu yimid Wasaaradda?. Haddii la is-yidhaahdo ka daba-taga wixii dhacay, side bay suura-gal u noqonaysaa?

Distoorku waa ka hortegey inaanay dhicin waxyaalahaas oo kale. Wuxna weexay inaana qofka Wasiir loo soo magacaabay tirsan karin xilka ilaa uu buuxiyo shuruudaha lagu xidhay.

Distoorku  (Qod.129aad ) wuxu si cad u xeexayaa inaanay xilka la wareegi karin Wasiirka , ku-xigeenka iyo ciddii kale ee dhaarta distooriga ahi ku waajibtey ilaa la dhaariyo. Wuxuna leeyahay:

?Guddoomiyaha Maxakamadda sare ???.ayaa dhaarinaya cid kasta oo distoorku ku waajibiyey dhaarta distooriga ah, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin?..? 

Halkaa ma muran baa ku jira?  ? .. ka hor inta aanu xilka bilaabin? micnaheedu waxa weeye Waxa la dhaarinayaa inta aanu xilka kala wareegin Wasiirkii hore.

Haseyeeshee Guddomiyaha Maxakamaddu ma dhaarin karo Wasiirka haddii aan Golaha Wakiilladu marka hore oggolaan. Arrintaasi waxay iyaduna  ku qeexan tahay qod.94aad faq.2aad iyo 3aad ee distoorka.  Sida ay leedahay faq.2aad:

 ? Waxa Wasiirrada iyo wasiir-ku-xigeennada macaabi kara??.Madaxweynaha, waxana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiillada oo ay fadhigaas joogaan kala bad iyo hal xubnood (quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (simple majority) oo gacan tag ah.?

Bal u fiirso, distoorku wuxu tilmaamayaa,  xattaa,   qaabka Gollaha Wakiilladu ugu codaynayo oggolaanshaha ama diidmada Wasiirrada. Waa gacan tag. Ma aha codayn qarsoodi ah {codaynta Goluhu labada qaabba way u dhacdaa}.

Marka Golaha Wakiilladu oggolaado Wasiirka, ma bannaana inuu markiiba xilka la wareego. Waxa waajib ah in la dhaariyo muddoo 30 maalmood ah gudahood. Sidaasna waxa waajibinaya faq. 3aad. Ee isla qod.94aad, taas oo leh:

? Soddon maalmood gudahood, marka Golaha Wakiilladu  ansixiyaan magacaabista Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob-joog yahay Madaxweynaha ama madaxweyne-ku-xigeenku, haddii uu Madaxweynuh ka maqan yahay dalka ama uu buko.?

 

Sida distoorku arrintan u adkeeyey waxad ka garan kartaa, inaan xattaa, Madaxweynuhu u igman karin Madaxweyne-ku-xigeenka inuu goob-joog ka noqdo dhaarinta Wasiirrada iyo ku-xigeennada uu magacaabay. Haddii uu dalka ka maqan yahay ama bukaan yahay sharci ahaan Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa xilka Madaxweynaha  sii haya. Isaga ayey markaa waajib ku tahay inuu goob-joog ka noqdo. Haddiise Madaxweynuhu dalka joogo, oo caafimaad qabo, isaga ayey waajib ku tahay inuu goob-joog ahaado.

Muddda u dhaxaysa marka Wasiirka la soo magacaabo ilaa inta uu xilka la wareegayo, oo qaadan karta bil ama ka badan,(inta Golalaha wakiilladu ansixinayo Maxkamadduna xilkana loo dhaarinayso), waxa xilka sii haynaya Wasiirkii hore ee la bddeley. Arrintaasi waxay ku qeexan tahay qod.95aad. faq.1aad. waxayna u qoran tahay sidan:

? Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ???. xilka laga fadhiisiyo, isaga ayaa xilka sii haynaya inta beddelkiisu ka tirsanayo.?

Haseyeeshee distoorku wuxu xaddidey awoodaha uu yeelan karo Wasiirka xilka sii hayaa, muddadaas iyada ah.  Waxa laga reebay laba arrimood.

a) Inuu cid xil u magacaabo ama wax kala beddelo.

b) Inuu heshiis magaca Wasaaradda cid kale kula galo. (qod.95aad.faq.2aad.).

Sidaa darted, distoorku mugdi, in yarna,  ma gelin habraaca sharciyeed ee loo marayo sida Wasiirka cusubi xilka ula wareegayo. Maaha mid laga habaabi karo ama muran la gelin karo, haddii aan si badheedh loo baal marin.

Waxay isweydiintu tahay:  Madaxweynuhu ma talo-sharciyeed baa ka maqan?. Mise ogaan iyo badheedh ayuu sharciga ugu tumanayaa?.  Waxay aniga ila tahay waa ka kas-iyo-maan. Sababta aan sidaas ugu malaynayaa waxa weeye:

  1. Ugu horrayn:

a)      In Madaxweynhu doont talo sharciyeed oo ku filan doonto tallaabo kasta marka uu qaadayo waxay ka mid tahay aajibaadka distooriga ah ee saran. (Waajibkaasi wuxu ka dhalanayaa qod.90aad.faq.14aad.)  Sideedaba, aqoon-darrada sharcigu  cudur daar uma noqoto sharci-jebinta.

b)      Madaxweynuhu wuxu leeyahay la-taliyeyaal sharci oo isaga u gaar ah. Tiroba waa laba, intaan ogahay. Haddii uu taladooda saluugo, wax u diidayaa ma jiraan inuu meelo kale talo u doonto.

c)        Waxa xukuumaddiisa ka mid ah Qareenka Guud iyo Xeer-ilaaliayaha Guud, oo labaduba talo-sharciyeed ku filan siin karaan Madaxweynaha.

d)       Waxan kale oo ka war hayaa marar taladii uu bixiyey la-taliyaha sharciga ee Madaxweynaha iyo go?aanka Madaxweynuhu ay si buuxda isu diiddan yihiin ama isu burinayaa. Taasi waxay ii xaqiijisay inaan talada ay bixiyaan la-taliyeyaasha sharcigu qiimo weyn ku lahayn go?aan-qaadashada Mdaxweynaha. Waxana suuragal ah inaan, inta badan, talaba la weydiin, sida aan waxba loo weydiin la-taliyeyaasha kale ee Madaxweynaha, marka uu Madaxweynuh go?aanka qaadanayo.

  1. Mar labaadka, taariikhda kooban ee xukuumadda Siilaanyo waxay muujinaysaa in distoor-jibintu ay tahay dhaqan ay la kowsatey.  Distoor-jebinta Madaxweyne Siilaanyo kuma koobna labada arrimood ee aynu tusaalaha u qaadanay oo keliya. Waa arrin taxane ah oo joogtaysan.Haddii la taxo liistada distoor-jebinta xukuumaddan aad bay u dheeranaysaa.  Waxaynu ka tilmaami karnaa qaar ka mid ah oo ka baxsan labadii tusaale ee aynnu hore u soo qaadannay. Waxa ka mid ah:

d)      Cabudhinta saxaafadda iyo warbaahintan kale, iyo guud ahaanba ra?yi dhiibashada muwaaddinka(qod.32aad). Distoorku si cad ayuu u qeexay:

?Saxaafadda iyo warbaahainta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee nra?yi dhiibashada, waxayna leeyiin madaxbannaanidooda, way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo?.?.

Muddo ka yar saddex sano  Madaxweyne Siilaanyo xilka hayey waxa la xidhay suxufiyiin ka badan intii la xidhay  muddo ku dhow labaatan sano oo ay xilka soo hayeen saddex xukuumadood oo kala dambeeyey. Waa marag ma doon

e)      Sidii qaawanayd ee ay xukuumadda u fara-gelisay  una maamushay tartankii ururrada siyaasiga ah iyo doorashooyinkii deegaanka oo dalka gelisey khalkhal distoori ah (constitutional crises). Waxa lagu tuntay qodobbada astaynaya xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee muwaaddinka, oo ka mid yihiin, qod. 21aad., 22aad, 23aad, 25aad,32aad. (arrintaas faafahinteeda meel kale ayaan kaga hadli doonnaa).

f)       Faragelinta xukuumaddu ku samaysay garsoorka iyada oo ku xad-gudubtey mada?a asaasiga ahee distoorka ee kala xadaynta iyo isu-dheelli-tirkaa awoodaha dawladda ee ku astaysan qod.37aad. iyo qod.97aad. ee distoorka, ee madax-bannaanida garsoorka. Run ahaantii, waaxdii Garsoorku waxay noqtay xubin yar oo ka mid waaxdii fulinta, gaar ahaan madaxtooyada. Wasaaraddii Caddaladdu waxay magaceedii u beddeshey rasmi ahaan ?Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka?  taas oo micnaheedu yahay in Garsoorku hoos yimaaddo Wasaaradda magacaas leh. Ma jiro marqaati ka weyn oo muujinaya in aan garsoorku ka madaxbannanayn waaxda fulinta.

g)      Sida ay xukuumaddani dembiga uga dhigtay xuquuqdii iyo xorriyaadkii asaasiga ahaa muwaaddinka ee ku dhowrnaa distoorka. Kuwaas waxa ka mid ah xorriyadda bannan-baxa, si muwaaddinku u muujiyo cabashadiisa, dalabaadkiisa, taageeradiisa iyo mowqifiisa siyaasiga ah, ee ku xusan qod.32aad iyo xorriyadda isabaabulka oo ku qeexan qod.23aad ee distoorka. Ciddi muddaharaad dhigta waa dimbiile waxana loogu jawaabayaa rasaas.  Kumaa dembiile ah?  Ma ninka dadka laayey mise qofka cabashadiisa iyo dalabkiisa si nabad-gelyo ah u muujiyey? Mise ninka rasaasta ku furey ee dadka laayey?.  Miyaanay taasi la micno ahayn in la laalay distoorkii?

h)      Hawl-gallada la joogteeyey ee ciidamada RRUda, kuwaas oo habeenkii saqda dhexe u dhaca guryaha iyo goobaha ganacsiga, iyaga oo maxkamadda amar ka sidan. Dadka bahdilaan, jidh-dilaan dadka, wayna xidhxidhaan, ka dibna way soo daayaan iyaga oo wax raalligelin ah iyo cudur-daar midna bixin. Waxay qaataan ama gurtaan hantida iyo alaabada dadka, sida lacagta, dahabka, moobeellada, labtopyada iwm. Iyaga oo wax cudur-daar ah ka bixin. Waxay caado ah in haddii muddaharaad yar oo nabadgelyo leh cidi isku daydo in loo dalbadao RRUda, iyaga oo rasaar ku furaya dad shacab ah oo aan hubaysnay. Waxa hawl-galladaas RRUda ku dhintay, ku dhaawacmay ama sharci-darro lagu xidhxidhay dad muwaaddiin ah oo wax dembi ah lahayn.  Waxa cad inay xukuumaddu si badheedh ah ugu tumatay xuquuqdii muwaaddiniintaas ee distoorku ku waajibiyey inay dhowrto, gaar ahaan xuquuqda ku sheegan:

  1.  Qod.29aad. oo waajibinaya xormaynta hoyga iyo meelaha kale ee la deggan ahay. Isla markaana xaaraameeyey ?basaasiddooda,baadhidooda iyo gelitaankooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan;
  2. Qod.24aad. ee dhowraya xaqa qofku u leeyahay nolosha, nabadgelyeynta jidhkiisa iyo magic-samidiisa;
  3. qod.25aad.faq.1aad, iyo2aad.oo caddaynaya inaanay bannaanayn ?inqofna qabto, la baadho ama la xayiro haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi?; iyo
  4.  Qod.25aad.faq.3aad. oo leh: ?dawladda ayaamuwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha?.

Waxyaalahaas oo dhammi waxay muujinayaan inuu Madaxweynuhu u badheedhsan yahay inaan distoorka iyo sharcigu xidhig iyo dabar midna u noqn. Inuu bidix iyo midig dhankii uu doono u tallaabsado. Run ahaantii waxad mooddaa, marba marka ka dambaysa, inay soo muuqanayso inuu Madaxweyne Siilaanyo u dhaqmayo sidii uu u dhaqmi jirey keli-talihii Siyaad Barre oo ahaa ninkii siyaasadda ku canqriyey ama ababiyey. Waxad moodda inuu niyadda ka jecelaan lahaa inuu sidii Siyaad Barre, ka sarrayn lahaa distoorka iyo sharciyadda oo uu dareensan yahay inay hadda xakame ku hayaan.

Mar haddii ay xaaladdu sidaas tahay maxaa talo ah?. Talooyinku waa badan yihiin. Waana kala horreeyaan. Anigu mid keliya aan bixin karaa. Waa distoorka. Distoorku xaaladdan iyo xaalado kaleba waa ka hadlay. Wuxu ka hadlay:

a)      Haddii Madaxweynuhu ku kaco khiyaamo qaran (high treason) waxa laga yeelayo (qod.96.aad.faq1aad.xubinta (B);

b)      Haddii Madaxweynuhu is-caliso oo xilka ka tago waxa laga yeelayo (qod.86.faq4aad);

c)       Haddii Madaxweynuhu geeryoodo waxa la yeelayo (qod.86.faq.3aad);

d)      Haddii Madaxweynuhu gudan kari waayo xilka caafimaad darro awgeed waxa laga yeelayo (qod.86aad.faq.2aad);

e)      Haddii Madaxwenuhu ku xad-gudbo distoorka sida Madaxweyne Siilaanyo (qod.96aad.faq. 1aad.xbinta (T).

Labada xaaladood ee ugu dambeeya ayeynu soo qaadanaynaa.  Waayo?  Waayo way isu ekaan karaan. Labalabadsba waxa ka abuurmi kara ama ka dhalan kara distoor-jibin isku nooc ah. Xaaladda hore inay jirto iyo kale weli ma cadda, inkastoo tuhunweyni ka jiro.Laakiin halkaa u dhaafi mayno haddda.

Haseyeeshee ilaa hadda waxaynuu ka hadlaynaa xaaladda ugu dambaysa oo ah in Madaxweynuhu ku kacay distorr jebin. Muxuu distoorku ka abaa marka xaaladdaas oo kale dhacdo?

Arrintaasi waxay ku qeexan tahay qod. 96aad. Faq.xubnta(T).  Faqradaasi waxay leedahay haddii Madaxweynuhu distoorka ku xad-gudbo waxa ku soo eedayn kara dembiga ah ku-xad-gudubka distoorka xubnaha Golaha Wakiillada oo aan ka yarayn saddex daloo oo laba dalool. Golaha Wakiilladu waa 82 xubnood. Waxa soo eedayn kara tiro Golaha Wakiillada ah oo aan ka yarayn toddoba iyo labaatan (27) xubnood.

Eedayntaasi waxay meel-mari kartaa marka ay Golaha ka hesho cod aan ka yarayn  tirade Golaha kala badhkii iyo weliba hal (42) xubnood.

Tallabada labaad waxay ka dhacaysaa Golaha Guurtida. Golaha wakiilladu waxay soo igmanayaan toban xubnood oo Golaha ka tirsan, kuwaas oo Golaha Guurtida hortiisa ka soo jeedinaya eedaynta Madaxweynaha. Golaha Guurtidu wuxu isu rogaya maxkamad, waxana guddoominaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Golaha Guurtidu wuxu dhegeysanayaa dacwadda ay Madaxweynaha ku soo oogeen guddiga Golaha Wakiilladu soo igmadey. Golaha Guurtidu waxay go?aanka maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha ku ansixin karaan cod aan ka yarayn saddex dalool oo laba dalool (55 cod).

Dhammaad.

Xubin. Golaha Wakiillada Somaliland.

Qalinkii: Xildhibaan Ibrahim Jama Reyte.

raitejama@yahoo.com

 

 

 

COMMENTS
LINKS