Diihaalka Tahriibka iyo Darxumada Faraha Yurub ee Dadka Qoxoootiga ah (Dublin). Q-1aad. Faallo: Mustafe Future | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diihaalka Tahriibka iyo Darxumada Faraha Yurub ee Dadka Qoxoootiga ah (Dublin). Q-1aad. Faallo: Mustafe Future
July 9, 2013 - Written by Wariye:

Tan iyo wakhtigii ay burburtay Dawladii Somaliya waxaa bulshada ku habsaday Dhibaatooyin badan oo ay ka dhaxleen Dagaaladii sokeeye, Dagaaladii kooxaysiga iyo kuwii xajirnimadda ahaa ee ka bilaabmay Gobollo badan oo ka mid ah somaliya, halka goobaha nabdoonna dhalinyaradu aanay ka helin shaqooyin marka ay waxbarashada sare soo dhamaystaan, taasi oo sababtay in ubaxii wadanka badankiisu usoo hayaamo qurbaha.

 Shaqsi kasta wakhtiga uu dhalinyarnimada ku jira waxa uu ku hamiyaa Waayaha mustaqbalkiisa sidii uu ula tacaali lahaa, waxaanu inta badan raacaa jid lodkii ka horeeyay jeexeen kaasi oo yeelan kara dhib iyo dheefba, halka qaar kale oo badan barakucu gaadhsiiyo meel aanu hore ugu fikirin in uu ku noolaado.

 Inta badan jidka qurbaha loo maraa waxa uu leeyahay qodxo badan oo aanay ka warqabin dhalinyarada gudaha Wadanka joogta, balse ay tusaale ka dhigtaan oo kaliya shaqsi waayuhu gargaaray oo ku najaxay jidkaasi, balse aanay dhag jalaq usiin inta ku naf wayday, inta ku silcaysa ama ku rafaadsan jidadka kala duwan ee shaqsiga tahriibayaa maro.

 Dhibka shaqsiga ka soo gaadha jidka tahriibka waxaa ka sii daran Dhibaatada uu soo gaadhsiiyo waalidkiisa iyo elehkiisa, kuwaasi oo aanu marna ka soo kaban Karin dhaawaca uu u horseeday Wiilkoodu ama Gabadhoodu, waxaanay natiijadu noqotaa uun laba mid, ta koowaad oo ah in uu ku nafwaayo iyo ta labaad oo ah in uu Rafaado oo uu Saxariir adag ka dib gaadho Goobtii uu ku hamiyay.

Shaqsiyaadka illaahay ka soo badbaadiyo dhibkaasi waxay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah, mid Nasiibku u hiiliyo oo illaahay sharci ka siiyo Wadanka uu Gaadho iyo mid tobankiisa farood masiibo ku noqdaan marka ay ka qaadaan wadamada Yurub ee Saboolka ah ama kuwa Aan Qoxootiga Daryeelin ee Musuqmaasuqu ragaadiyay, sida Wadamada: Talyaaniga, Hungary, slovakia, Giriiga, Romaniya, Bulgaria, Poland, check republic, malta, spain iyo qaar kale oo badan.

Nasiibku waa shayga kaliya ee kala saara Dadka, qof kastaana waxa uu Calafsadaa waxa uu nasiibkiisu siiyo, Nasiibku waxa uu kala fogeeyaa laba ruux oo maalin wadanka ka soo wada baxay isla markaa rafaad iyo darxumo soo wada qaybsaday intii ay jidka ku soo jireen, waxaa inta badan dhacda in qof galo wadan soo dhaweeya oo sharciga illahay ka siiyo isla markaana shaqo fiican iyo waxbarasho ka helo, mid ka kalena waxaa laga yaabaa in uu 7 waddan ka badan iska dhiibo oo mid waliba farihii laga qaaday ku soo saaro maalmo ka dibna lagu celiyo wadankii u horeeyay ee uu iska soo dhiibay.

Inta badan waxaa laga yaabaa dhalinyarada qurba joogta ah ee wadanka ku soo laabata in aad ka maqasho ninkii hebel beertuu galay, waa Dublin, waa celis, wuu mudanyahay (duranyahay), cajalad baa loo soo tuuray, Noloshuu ka dhacay iyo ereyo badan oo ku cusub dhagaha dadka wadanka jooga, kuwaasi oo inta badan ay ku kalifto dhitaabooyinka ay sababaan sharci la,aanta, hoy la,aan, nolol xumadda, dhaqaale darada iyo hadimooyinka kale oo ay kala kulmaan Ciidamada Booliska ee Wadamada ay Qoxootinimada ka Dalbadaan.

Qofku inta aanu qurbaha soo gaadhin waxa uu Yurub ka haystaa Sawir Qaldan oo ah in Daaqad dhaw laga soo daro lacagta iyo sharcigaba, balse marka uu soo gaadho ee uu ka mid noqdo dadka Nasiibkoodu Ciilay ee sharciga loo diiday ama Waddan Sabool ahi faro ka soo qaaday, waxaa u bilaabma halgan cusub iyo baaxaa dag nololeed oo ka liita kii wadankiisa uu uga yimi, taasi oo qaarkood ku waayaan Xiskooda, qaar kalena Gacantooda isku dilaan oo ay tawbad xumo ku dhintaan, halka inta illaahay ku samirtay ay ka laayihiin wax ay wadankoodii kula noqdaan oo ku dhaw ama kaba yar intii jidka tahriibka kaga soo baxday.

“ waxaan aaminsanaa in marka aan yurub gaadho aan dhiisha faqriga tuurayo, oo aan gali doono nolol cusub oo raaxo leh, kana faa,iido badan tii aan ka soo haajiray, taasi oo noqotay kaaf iyo kala dheeri, waxaan maanta u dabranahay tobankayga farood ee uu iga qaaday talyaanigu, wadankaasi oo ka mid ah wadamada yurub ugu waawayn ee musuqmaasuqu ragaadiyay isla markaana aan daryeelin qoxootiga ajaanibka ah, muddo sanad ah oo aan ka sugayay sharciga waxaan ku noolaa nolol ka liidata ta Eygu ku noolyahay oo Cuntada iyo hurdada loo doonto kaniisadaha, safaf dhaadheerna aanu u galno, markaan muddadaa u soo dhabar adayga Noloshii adkayd ee talyaaniga waxaa uu isiiyay sharci seddex sanno ah oo aan hoy iyo daryeel nololeed oo kale lahayn” sidaa waxaa yidhi ahmed abdilahi oo ka mid ah dhalinyarada Talyaanigu faraha ka soo qaaday ee yurubta kale uga sii gudbay, una xaniban Xeerka Qoxootiga yurub ee (Dublin).

Risiqa Bani,aadamku cunayaan illaahay ayaa Bixiya, Ruux walbana alle ayaa damaanad qaaday waxa uu Mutaysanayo inta Noloshiisu tahay, waxaa jira Dhalinyaro badan oo Walbahaar iyo walaac ku qaatay in badan oo noloshooda ka mid ah, waxaa jira dhalin yaro badan oo Xanuuno Maskaxeed ka qaadey dhibaatada qurbaha iyo sharci la,aantu baday, waxaa jira dhalinyaro badan oo Naftoodii u Ciqaabay Nasiib xumadda ku habsatay, waxaa jira Shaqsiyaad badan oo is waayay kuwaasi oo Sharaftii iyo qiimihii wadanka ay ku lahaayeen markay ka soo haajireen ciil dartii naftoodii u cadaabay.

“Aniguba tusmaystee, qayrkay halkuu tagay, ku tabaabulshaystee” Waa ereyo ka mid ah Heesaha dhalinyaradu isku maaweeliyaan marka Xanuun dhoofku (Buufisku) hayo.

La soco qaybaha Danbe………

Qalinkii: Mustafe Future

mccfuture@hotmail.com

Berlin Germany

COMMENTS
LINKS