Dhiiranaan Dhib U Nugul !! W/Q Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhiiranaan Dhib U Nugul !! W/Q Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
July 14, 2013 - Written by Wariye:

Qofkasta oo uu la kulmo badanaa waxyaabaha uu weydiiyo ayaa ay ka mid tahay magaciisa ,dabeecadihiisa……

Ku Dhaca ama Iskudaygu waa mid ka mid ah dariiqooyinka guusha lagu gaadho , qofkuna sida ay sheegaan culimada cilmi-nafsiga aqoonta u lahi inta uu istijaabiyo ayuun buu ogaan karaa heerka go’aan, sixitaan , ama khalad ee uu garaadkiisu taaganyahay.
Waxa uu had iyo jeer jecelyahay in uu ahaado qof bulshada dhexdeeda looga muujiyo calool furnaan kal-gacal, iyo is faham xoogan, dabeecadiisa waxa uu isku dayaa in uu ka dhigo ta ugu fiican ee qof bani aadamahi uu huwanyahay, isku day badan waxa uu ku guulaystay in uu naftiisa ka saaro dhammaan waxyaabaha galinkara cidhiidhiga, ama diiqada.
Qofkasta oo uu la kulmo badanaa waxyaabaha uu weydiiyo ayaa ay ka mid tahay magaciisa ,dabeecadihiisa iyo goobta lagala xidhiidhi karo, waxaanu ku qaabilaa qofka dhoola caydayn , weji fur-furan oo aad moodo in ay beryo is yaqaaneen.
Qofka marka uu la kulmo kama hadhso mana lumiyo balse waxa uu isku dayaa in uu xidhiidh fiican la sameeyo waxaana ka dhigtaa mid ka mid ah asxaabta ay isku fikirka iyo xogta yihiin .
Alle ha u naxariistee Dr Ibraahiim Al-fiqi oo ahaa aqoonyahan u dhashay dalka Masar xeel dheernaa u lahaa arrimaha bulashada ayaa yidhi “ Ha yaraysanin cadaw kaliya oo aad leedahay hana badsanin saaxiibo badan oo aad leedahay (ha isku yarayin asxaabta iyo dadka macaariifta ah adiga oo isku qancinaaya in inta aad taqaano kugu filantahay)” ayuu yidhi
Shakhsigan oo ah mid asxaabtayda ayaanu muddo ka hor maalin aanu waqti waafi ah isku helnay waxa uu iiga xog-waramay cabashooyin uu ka sheeganaayey asxaabtiisa taasi oo uu iiga waramay in muddo ahba maankiisa ku soo laabanaysay in uu ka hadlo , waxaanu hadal uu si kalsooni ku dheehantahay iigu yidhi sidani: “ Run ahaantii waxaan in badan isku dayaa in aan bulshada dhexdeeda ka dhex dhaq-dhaqaaqo waxaan waqti badan geliyaa in aan dadka raali geliyo dadka iyo dhammaan cidii aanu muuq ahaan iyo magac ahaanba dadka isa soo soocayno “.
Waxaanu ninkan oo iga codsaday in aan dareenkii ku cabiro qoraal ii sheegay in uu waqtiyo badan uu qaybo ka mid ah macaariifta uu hadimo kala kulmay isaga oo si dareen leh u hadlaaya ayuu yidhi “ Kuwo ka mid ah way I dageen aniga oo aaminay markaa marna waa iga beerjiliic in aan ka gaabsan kariwaayo hadana waan ka qoomameeyaa “.
Ka dib markii uu sheekadan ii dhameeeyey saaxiibkay ayaana waxaan u soo xulay magaca sheekadan “Dhiiraan Dhib U Nugul”

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Omarserbia1@hotmail.com

COMMENTS
LINKS