WAJAALE NEWS
Daraasad ku aadan Mushaharka Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland. W/Q Cabdalle Daahir Aadan oo ah Xeel dheere Dhinaca Sharciga ah
July 13, 2013 - Written by Wariye:
Kaliya waxa igu kal lifay, in aan soo ban-dhigo, hogaamiyayaasha wadankeenu waxa ay mushahar u qaataan ee ay iyagu waliba qoondaysteen sida ku cad xeerka xadaynta mushaharooyinka iyo gunooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka iyo mudanayaasha golayaasha xeer dajinta(GURTIDA IYO WAKILADA) iyo qoraalo kale oo aan ka soo xigatay Gudidii uu madaxweyne siilanyo u saaray soo dajinta miisaniyadii 2011 iyo war-qad uu qoray Eng Maxmed Xaashi oo ku soo baxday dagalka Jamhuuriya, sidaa awgeed waxa aan rabaa in aad is-barbardhigtaan dhamaan shaqaalaha dawlada xil kasata oo uu ka hayo dawladeena, iyo ka u baahan in loo kordhiyo iyo in kale, su’aashaa jawaabteedana waxa aan uga tagayaa dhamaan umada Somaliland inta uu gaadhay qorkalni iyo inta aanu gaadhin ba. Waxana aan halkan aan idiin ku bilaabayaa, darajooyinka ay shaqaalaha dawladu, ku mushahar qaataan, iyo qorshihii uu ugu talo galay Eng Maxmed Xaashi in uu ugu kordhiyo gunada mudada uu xilka hayo, isaga oo ka soo bilaagay 2010 dabayaqadiisii oo ahayd markii loo magacaabay wasaarada maliya.
Darajada (A) waa qofka ka baxay jamacad
Darajooyinka kale laguma xidhin waxa darajo aqooneed ah
Korodhka mushaharka ee sannadkii
Darajada 2010 0% 2011 100% 2012 July 30% 2013 25% 2014 25% 2015 20%
A $70.58 $141.17 $183.52 $229.40 $286.75 $334.10
B $57.63 $115.27 $149.85 $187.31 $234.14 $280.97
C $44.42 $88.83 $115.48 $144.35 $180.44 $216.53
D $26.00 $52.00 $67.60 $84.50 $105.63 $126.76
Shaxdan xaga sare ku qorani waxa weeyaan sida uu wasiirkii hore ee maliyada Somaliland Eng Maxmed Xaashi u qorsheeyay mudada uu xilka hayo in uu u kordhiyo shaqalaaha dawlada oo aanay ku jirin xubnaha golaha fulintu, iyo labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada iyo Garsoorayaashu. Shaqalaaha dawalada waxa ugu badan, uguna muhiimsan Ciidamada qalabka sida noocyadooda kala duwan, iyo Macalimiinta wax ka dhiga iskuulada dawlada
Xusuusin
Waxaa ku cadaa barnaamijkii uu kulmiye ololahii doorashadii madaxweynaha ku galay, in uu shaqaalaha dawlada u kordhinaayo mushaharka, marka uu xilka la wareego 300% , waxana uu balan qaadkaas ka fuliayay 100% , wax ka danbeeyayna ma jirin, waxana ay gaadhaysaa hada mudada uu xilka hayaa kala badh, intii loo dooratay oo shan sano ah, kaliya waxa aan idinku dhaafayaa su’aasha ah, yaa kordhistay yaase loo balan qaday in loo kordhiyo? Yaase u baahan in loo kordhiyo?
Mudadii uu hayay wasiirkan hada jooga Mudane C/casiis Maxmed Salamle
Hadaba shaqalaaha dawlada ee mushaharkoodu kor ku xusan yahay, aan u dhigo shax-dooda sida aan u dhigay sida kuwa hoos ku xusan, aniga oo aan xisaabta ku darayn inta wasaarada uu la wareegay Mudane Samaale, oo aanay jirin waxa mushahar kordhin ah oo la sameeyay shaqalaha, haba yaraatee. Waxa loogu kordhin waayay waxa jawaabteeda laga sugayaa wasiirka hada jooga wasarada maliyada, malintii lagu wareejiyay xilka waxa uu Eng Maxmed Xaashi ku dardaarmay in uu u kordhinaayay shaqalaha dawlada 30% bisha 1/6/2012 , taas oo uu wasiir samaale aanu samayn.
Darajada Mushaharka Malintii Bishii Sanadkii Xiligi M. Riyale
A 141.17$ 4.705$ 141.17$ 1694.4$ 70.58$
B 115.27$ 3.833$ 115.27$ 1383.24$ 57.63$
C 83.83$ 2.794$ 83.83$ 1005.96$ 44.42$
D 52.00$ 1.733$ 52.00 624.00$ 26.00$
Kaliya hawshan waxa igu kalifay in aan idin soo hor-dhigo shaxdan, kor ku qoran , oo aad ku qiyaastaan, malintii ma ku filan tahay, waxa uu qaatay, mase ku noolaan karaa, tusaale ahaan xaas ka kooban, 7 qof. Hadii aan idiin sii bal ba laadhiyo, oo aan xisaab ahaan idinku balaadhiyo, waxa aan u qaybin doonaa inta malintii soo gashay, qoyka ka kooban 7 qof oo aan meel dhexaad ka soo qabtay, tirade qoyskiiba, waxan aan tusaalaha , ku soo qaadanaynaa Darajada A waxa uu malintii qayb u helay marka loo qaybiyo waxa uu mushahar u helay bishii oo ah 141.17$ / 30 maalmood = 4.705$, hadab u sii qaybi 7 xubnood oo uu celcelis ahaan qoyskiiba ka kooban yahay waxa malintii uu helay, 4.705$ / 7 = 0.672$, hadaba aan u badalno Somaliland shilin, 0.672 ku dhufo 6000 sl shilin = 4032 sl shilin ugu danbayn waad garn kartaan in,aanay qoys ka kooban 7 xubnood oo aan garanayno baahiyaha qoyska malintii aanay ku filan karayn, xalku waxa uu yahay waxa weeyi in la qadariyo baahidaas, waxan ugu qiimo badan oo Ilahay SWT wadan siiyaa waa dad, markaa waa in la qiimeeyaa, dadka , si hawshii qaranku si dhaba ugu toosto wax is daba marintuna u yaraato, qofkiina nolol u qalanta ugu noolaado, hawshaasina waa hawsha laga sugaayo, xukuumada talada wadanka haysa.
Hadaba hadii aan intaas aan ku soo dhaafo, shaqaale hoosaadyada dawlada aan u soo galo hadan, hogaanka sare ee wadankeena, oo sida ay u kala darajo sareeyaan, aan ku bilaabo aniga oo ka bilaabaya, madaxweynaha, kuna xigsiinaya, madaxweyen ku xigeenka, iyo xubnaha golaha fulinta, oo ay ugu horeeyaan wasiiradu, kuna xigaan agaasimayaashu, labada gudoomiye ee golaha guurtida iyo wakiilada, kuna sii xigsiinaya, afarata gudoomiye ku xigeen ee golaha guurtida iyo wakiilada , kuna soo xidhaaya, xil-dhibaanada labada gole(guurtida iyo wakiilada), kuna soo af-meeraya waaxda garsoorka.
M. Siilaanyo
Malintii Bishii Sanadki
375.16$ 11375$ 136500$
M. ku xigeenka Saylici
Malintii Bishii Sanadkii
270.83$ 8125$ 97500$
Wasiirada Dawlada
Malintii Bishii Sanadkii
45$ 1350$ 16200$
Agaasimayaasha Wasaaradaha
Maalintii Bishii Sanadkii
16.66$ 500$ 6000$
Shir-gudoonka labada gole
Gudoomiyaha Golaha Gurtida
Malintii Bishii Sanadkii
72.22$ 2166.66$ 25999.29$
Gudomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu la mid yahay Gudomiyaha Golaha Guurtida
Afarta Gudoomiye ku-xigeen ee Golaha Gurtida iyo Wakiilada
Malintii Bishii Sanadkii
57.77$ 1733.33$ 20799.96
Xil-dhibaanada labada gole mid kasataa waxa uu mushahar u qaataa
Malintii Bishii Sanadkii
45.13$ 1354.16$ 16249.92$
Xusuusin
Xubin sharafeedyada golaha guurtida ee dastuurku qeexay, waxa ay la guno yihiin xub-naha golaha gurtida dhanka mushaharka, kaliya cod uun baanay lahayn, xubin sharafeedyadu, se wixii xuquuqa waa la wadaagan golaha guurtida
Waaxda garsoorka
Gudoomiyaha maxkamada sare iyo ku-xigeenadiisu waxa ay la mid yihiin Golaha wasiirada, sida ku cad Gudidii uu madaxweyne Siilaanyo u saaray in ay soo habeeyaan miisaaniyadii 2011 ee uu gudoominaayay wasiirkii hore ee maliyadu Eng Maxamed Xaashi.
Dhanka kale garsoorayaasha kale ee Maxkamadaha waxa mushahar kooda lagu kordhiyay 100$, warqadaasana kuma cada intii ay hore u qaadan jireen, kaliya waxa ku taala inta loo kordhiyay oo kaliya.
Gabagabada qoralkan iyo biyo dhiciisa
1- Ma diidani in shaqalaaha dawladu guud ahaan tood, heer kasta oo ay yihiin, iyo xil kasta oo ay qaranka u hayaan in mushaharka loo kordhiyo, kaliya waxa aan diiday in qaybta aadka u nugul loo kordhin waayo, iyo waliba in la hor-istaago in wixii loo balan qaaday sideedii loo fulin waayo, taasina waxa ay tahay, gaf ummada laga galay, waliban ummada aadka u nugul ee ku hawlan kobcinta iyo kicinta qarankeena, hawsha u badanina ay ku dhacdo.
2- Waxa haboon in hogaanka sare ee qaranku aqoonsado, hoosna u eego dadka ku hareeraysan , ee ay masuulka u yihiin , una balan qaadeen in ay noloshooda habayn doonaan, baahiyahoodana daboolidoonaan
3- Hadii si dhaba loo rabo in musuq-maasuqa xidida loo siibo waa in la wanaajiyo mushaharka shaqalaaha dawlada, si qofku marka uu wax fiican oo noloshiisa daboolo u qaato, una ilaaliyo hantida qaranka, wadankana si hagar la’aana ugu adeego.
4- Waxa iyaduna aad u mudan in marka miisaaniyada qaranka la dajinaayo, in la soo celiyo xisaab-xidhkii miisaaniyadii tan la dajinaayo ka horaysay, si loo ogaado waxa ka fulay qorshayntii hore ee miisaniyadaa, iyo waxa aan ka fulin iyo waxa ay u fuli waayeen, waxa hubaal ah in aanu jiray maamul dhabi ilaa la helo khad xaga sare ka imanaaya oo wada amarada iyo khad ka tagayaa xaga hoose oo wada falcelintii amaradaasi.
5- Wasiirka maaliyada hawsha ugu wayn adigaa laguu xil-saartay ee si dhaba u eeg hawsha la guu diratay, iyo dadka ku eegaya walina kaa dhur-sugaaya, gaar ahaana hawsha laguu diratay, waxa ay kaga baahan tahay qorshayn iyo in aad sida hawluhu u kala mudan yihiin aad u kala hormayso.
6- Mudane madaxweyne hoos u eeg buugii aad ku gashay ololihii doorshada aad kursigeedii aad ku fadhido, mudada kuu hadhayna la hadh hadal hayn wacan, oo buugaaga wax-qabad kuu gasha.
7- Fulinta inta ka hadhay qor-shihii aad balan qaaday, madaxweyne adiga oo guud ahaan baahiyaha qaranka kuwooda aadka u mudan qabanaaya.
8- Wadankeena lacag la’aani ma jirto ee waxa jirta wixii muhiimka ahaa baa xaga danbe la mariyay, oo waxaa xaga hore la keenay af-miishaarkii iyo reer helebel qancintooda, jagooyinkana waxa lagu bixiyaa, qabyaalad, iyadoo laga tagay qofkii hawsha sida dhabta ah u qabanaayey.
9- In miisaaniyada lagu daro, wax yaabaha bulshadu u baahan tahay, ee noloshooda aasaas u ah, si bulshadu u dareento, in canshuurtii laga qaaday wax uun loogu qabatay, dadka masuuliyiinta ahna, ay ugu noqoto, wax wanaagsan oo ay dadkoodii u qabteen, mudadii ay joogeen meesha.
10- In is-la xisaabtanka aad loo xoojiyo oo si dhaba loola dagaalamo, wax is daba-marinta iyo musuq-maasuqa, wixii la helana, khasnada dawlada lagu rido, dadkana loogu adeego.
Waxa aan ku soo oodayaa talo aan ku leeyahay hagaamiyayaasha wadanka, kuwa hada jooga, iyo kuwa soo socda.
Samahay dalbanayaan adana dayro ha ka dhigin
Umadaa ku diratee dibu dhaca ka maaree
Waxaana ay ku jiraa heetii DAR-DAARAN ee uu leeyahay Abwaan Weedhsame
Qalinkii Cabdale Dahir Adan
Bartay Cilmiga Sharciga
Related
COMMENTS
|
|