Ciyaaro Xiiso badan oo Galabta Ka Dhacay Garoonka Khayriyada Boorama iyo Kooxihii Afka Is daray Carwo Xaashi Vs America School,Carwo Bash Bash Vs London + Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaaro Xiiso badan oo Galabta Ka Dhacay Garoonka Khayriyada Boorama iyo Kooxihii Afka Is daray Carwo Xaashi Vs America School,Carwo Bash Bash Vs London + Sawiro
July 20, 2013 - Written by Wariye:

DSC01299

 

 

 

 

 

 

Hargeysa (Wajaale News)- iyada oo maalintii shalay la bilaabay wareegi labaad koobkii ramadaanta ee ka socda garoonka khayriyada magalada borama isla markaana sanadkan koobkani loogu magac daray Jamacada Eelo ayaa waxa maanta ciyaartii koowaad wada ciyaaray Kooxaha Ku Ciyaarayey Magacyada Carwo Xaashi Iyo America school iyada oo ay ciyaar ay ahayd mid adag isla markaana labada kooxood ay uu soo xadhko xidheen in ay midba mida kale ay ka badiso ayaa waxa ay labada kooxood ay bilaabeen weeraro kale duwan oo ay labada kooxood ay qadeen ayaa waxa ay noqotay mid ay ciyaartu isku badasho jawi adag iyada oo labada kooxood ay bilaabeen sidii ay difaaca ay adkeen lahaayeen ayaa labada kooxood uma suurto galin in ay wax goolal ah ay iska dhaliyaan iyada oo ciyaartii hore ay ku soo afmeerantay 0:0.

DSC01319

 

 

 

 

hadaba intaasi ka dib waxa iyadna loo soo diyaar galoway ciyaartii labaad ee koobka ramadaanta ee ka socda garoonka khayriyada magaalada borame oo ay iskugu yimaadeen si ay ciyaarta ay uu dawadaan kumaanka qof ee kale duwan ee ku nool magaalada borama ayaa waxa ay ciyaartii labaad ay dhexmartay Carwo Bash Bash Vs London HD iyada oo ay ciyaartan ay ahayd mid ay dadweynuhu ay aad uu xiisaynayeen madaama ciyaartoyada labada kooxood ay ahaayeen kuwo loogu bartay ciyaar wanaag ayaa waxa la bilaabay ciyaartii labaad ee koobka ramadaanta iyada oo ay ciyaartu ku bilaaban tahay jawi ah weerar iyo weerar celis.

DSC01304

 

labada kooxood ay dhawr jeer oo isku xig xiga ay goolka ay sigeen ayaa waxa uu suurto gashay kooxda ku ciyaaraysay magaca London Hd In ay dhashadaan Goolkii Koowaad Taasi Oo Uu U Saxeexay Laacibka Yar ee AY Wataan Xamse Oo Uga Ciyaarayey Weerarka Goolkaasi Ayaa noqday Mid Ciyaarta Uu Yeelay Jawi Adag Oo ay Kooxda Bash Bash Ay Doonaysay in ay keenaan goolka lagu leeyahay madaama Kooxda Carwo Bash Bash ay lugtii hore ciyaarta laga badiyey isla markaana uu maanta ay rajadeedu ay ahayd in ay baadiso ayaa waxa ay ciyaartu ku soo xidhantay 1:0 ay guushu ku Raacdo Kooxda Ku Ciyaaraysay Magaca London Photo HD..

 

BY.WARIYE MAHAMED XASAN ISMAACIIL (SHARBI YARE)

BORAMA/SOMALILAND..

COMMENTS
LINKS