|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamadda Illaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga Oo Soo Badbaadiyay Doon Ay Saarnaayeen 116 Muhaajiriin Ah Oo U Badan Soomaali Oo Ka Soo Shiraaqatay Xeebaha Wadanka Giriiga
July 31, 2013 - Written by editorHargeisa -(WJN)-Warkan oo aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka u faafisa dalka Talyaaniga ee magaceeda loo soo gaabiyo ANS A
Hargeisa-(WJN)- Ciidamada Ilaallada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa inay badbaadiyeen 116 muhaajirin ah oo tahriibayaal ah oo saaaran doon oo u kala dhashay Wadamadda Soomaaliya, Syria iyo dalka Ciraaq. Warkan oo aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka u faafisa dalka Talyaaniga ee magaceeda loo soo gaabiyo ANS A, ayaa intaa ku daray in doontan la soo badbaadiyay ee ay saarnaayeen Muhaajiriintantani inay maraysay biyaha xeebta Sicily ee ku taala dalka Talyaaniga, waxaana ku jira muhaajiriintan dadka la soo badbaadiyay 37 caruur ah iyo 22 dumar ah oo laba ka mid ah ay xaaladooda caafimaad aad u liidato, waxaana isla markiiba si degdeg ah loola cararay oo hada lagu dawaynayaa cusbitaal ku yaalla degmadda Sicily, iyada oo ay doontani ka soo shiraaqatay xeebaha biyaha badda ee dalka Giriigga, balse warkan laguma cadayn magacyadda muhaajiriintan la soo badbaadiyay iyo tiradda dadka muhaajiriinta ah ee Soomaalidda ah..
Wararka kasoo Kordha Muhaajiriintaa Kala soco : WAJAALE NEWS
Wajaale Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|