|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa Maanta Heega la galiyay iyada oo Jaamacada Hargeysana Maamulkeeda la amray in ay jaamacada ka dareeraan ka dib markii la helay warar sheegaya in kooxaha wax qarxiyaa ay qorshaynayaan in ay qarax la beegsadaan jaamacada hargeysa
July 28, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaaele News)- Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa Maanta Heega la galiyay iyada oo Jaamacada Hargeysana Maamulkeeda la amray in ay jaamacada ka dareeraan ka dib markii la helay warar sheegaya in kooxaha wax qarxiyaa ay qorshaynayaan in ay qarax la beegsadaan jaamacada hargeysa sidoo kale, dhamaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Qaramada midoobay ee Somaliland ayaa la galiyay xaalad digtooni ah kadib markii lahelayo xogo ka soo yeedhay Al-shabaab oo ah in ay qaraxyo ka fulinayaan gudaha Somaliland. Masuuliyiinta Dhinaca Ammaanka ee Dalka ayaa Maanta Maamulka Jaamacada Hargeysa la soo xidhiidhay iyaga oo ku wargeliyay in ay Dhismaha Jaamacada ka soo baxaan isla markaana ay goobta iskaga fogaadaan iyada oo laga cabsi qabo in kooxaha xag jirka ahi ay qorshaynayaan in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha jaamacada Hargysa Saddex cisho ka hor waxa xaalad Deg deg ah la galiyay dhamaan Hay’addaha Qaramada midoobay, iyadoo hawlwadeenada u shaqeeya la faray in Ay guryahooda ku shaqeeyaan ilaa inta xaaladda laga baxayo. Sida ay noo sheegeen ilo xogogaal ahi, Saraakiisha Ciidanka Booliiska ayaa gaaf-wareegayay kaambooka jaamacada hargeysa iyo dhamaan hay’adaha iyo goobaha Muhiimka ah ee Caasimadda, waxaanay heegana buuxa galiyey Ilaa hada ma jiraan wax Qarax ah oo ka dhacay Somaliland, sidoo kale Xukuumada Somaliland ayaan iyaduna dhinaceeda ilaa imika si rasmi ah uga hadlin arintaasi hasa yeeshee, warar sir ah oo laga helay dhinaca kooxaha wax qarxiya ayaa sheegaya in ay qorsheeyeen sidii ay qaraxyo ismiidaamin ah uga fullin lahaayeen gudaha Somaliland, waxa ay wararkaasi sheegayaan in tobanka dambe ee bishan aynu ku jirno ee ramadaan ay qorsheeyeen in ay qaraxyadaasi fuliyaan. 29 November sanadkii 2009 ayay ahayd markii ay kooxahaasi Somaliland ka fuliyeen qaraxyo ismiidaamin ah iyaga oo la beegsaday xarunta qasriga Madaxtooyada Somaliland, Safaarada itoobiya ay ku ledahay Somaliland iyo Xafiiska UNDP ee Magaalada Hargeysa qaraxyadaasi oo ay dad badani ku dhinteen. Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|