Brazil oo 10 xul ee ugu sareysa FIFA ka mid noqotay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Brazil oo 10 xul ee ugu sareysa FIFA ka mid noqotay
July 7, 2013 - Written by Wariye:

LAUSANNE, Switzerland(Wajaale News) -Brazil oo 5 koob oo adduun heysata ayaa Confederations Cup ay qaaday wuxuu u sahlay in ay ka mid noqoto 10ka xul ee ugu sareeyay FIFA. Brazil ka hore intii aysan ku guuleysan koobkaan waxey ku jirtay kaalinta 22d laakiin hadda waxey soo fadhiisatay kaalinta 9d markii ay wada badisay 5tii kulan ee tartankaasi.

ciyaaaro s

Brazil oo mudo hal sano ah ka maqneyd xeyndaabka 10ka xul ee adduunka ugu fiican ayaa waxaa sabab u ahaa in aysan wax natiijo a ka helin ciyaarihii kala duwanaa ee ay ciyaartay.

Horyaalka qaaradda Ocean Tahiti ayaa 16 darajo hoos u dhacday, waxaa laga waday kaalinta 138d waxaana la tuuray booska 154d, kadib markii laga wada badiyay 3dii kulan ee Confederations Cup isla markaana laga dhaliyay 24 gool.

Qaaradda Asia bishaan uma fiicneyn sidoo kale waxaa dharbaaxo soo gaartay xulkii ugu sareeyay qiimeyntaan ee Japan kaasoo laga riday kaalinta 37d.

Spain ayaa wali ku fadhida kaalinta kowaad walow 3-0 qasaaro ah ay kala kulantay Brazil ciyaartii ugu danbeysay ee Confederations Cup, Germany kaalinta 2d ayeey jiiftaa halka Colombia ay booska 3d soo sashay.

 

Bosnia (14th), Peru (19th), Albania (37th), Cape Verde (49th), Dominican Republic (90th), Tajikistan (106th) iyo Guam (176th) dhamaan xulalkaan horumarkii ugu sareeyay taariikhdooda ayeey ka sameeyeen qiimeynta FIFA ee bishaan.

Qiimeynta:

1. (1) Spain

2. (2) Germany

3. (7) Colombia

4. (3) Argentina

5. (9) Netherlands

6. (8) Italy

7. (6) Portugal

8. (4) Croatia

9. (22) Brazil 10. (12) Belgium

 

Office : Hargaisa /Somaliland

By: habane

Wajaale News. com

COMMENTS
LINKS