BerBera: Magaalo Qani Ah OO Hadana Qaawan..W/Q. C/rashiid Nuur Wacays | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BerBera: Magaalo Qani Ah OO Hadana Qaawan..W/Q. C/rashiid Nuur Wacays
July 25, 2013 - Written by Wariye:

Magaalo Xeebeeda berbera ayaa ah magaalo xeebeed uu eebe ku manaystay khayraad tiro badan oo ay hodan ku tahay sida dekeda caalamiga ah, madaarka weyne ee caalamiga ah. haamaha shidaal laguma kaydiyo. iyo bad uu kalluun badni ku duugan yahay iyadoo ay waxaas oo dhami jiraan ayaa haddana waxa ragaadiyey duruufo dhinacyo leh. oo ay ka mid tahay koranto la’aan  Biyo La’aan. Waxbarasho la’aan. Shaqo La’aan iyo Caafimaadkiisa oo adeegiisu liito. intaas oo is biirsadey ayaa magaalada qayrkeed ka reebay. Ma aha meel dhaqaale loo waayey haseyeeshee waa magaalo nasiib daran oo ay bariinsadeen calooshooda u shaqaysatayaal mar walba madax ka noqda oo aan is dhaamin.

Waxay urursadeen Hantidii ay magaaladu hodanka ku ahayd. Waxay duudsiyeen dadka danahoodii iyo tii guud oo meesha laga saaray.

Waxay kala goostay danaystayaal aan cidna u tudhayn oo heeryadooda cunayaala ah.

Waxay marwalba u adeegaan xukuumada talada haysa oo ay u fuliyaan danahooda khaaska ah iyo iyo ka faaiidaysiga khayraadka boobka gobolka waxaa. waxaa looga faa’idaystaa habab kala duwan oo eex iyo qaraabkiil ah oo  ay ugu danleeyihiin inay si dad badan u leexsadaan una lunsadaan iyadoo ay marayaan kuwo gobolka kasoo jeeda oo marba xukuumada wakhtigaa joogta daba maxaabsada. Taasina waxay soo Dedejisay in cid gaara loo xayiro dhul ay dad hantiilayaal reer saaxili maalgashadeen oo ay xukuumada riyaale bixisay.

Waxaa la urursadey iskaraabkii hadhaaga ahaa ee wershada sibidhka waxa la dhoofiyey kaluunkii badda oo ay xaalufiyeen maraakiib shisheeye oo badeena laga kireeyey.

Waxaa si tuugo ah baddeena uga xada kaluunka doonyo yamaneed oo cid yur ku tidhaahda waayey badeena

Majiro ciidan rigli ah oo ilaaliya badeena hadduu jirona ma buurna taasina waxay sahashay in si dhi yar faaiideysto.

Dhibaatooyinkaa is biirsadey waxay gobolkii dhaxalsiiyeen mid qaawan oo aaney ka muuqan ilahaa dhaqaalahiisu.

W/Q:  C/rashiid Nuur Wacays.

Hargeysa / Somaliland

 

COMMENTS
LINKS