Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cududeeda Millatari | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cududeeda Millatari
July 21, 2013 - Written by editor

Baraawe(Wajalenews):-Kooxda Al-Shabaab ayaa dhoolatus Millatari ku soo bandhigtay gudaha magaaladda Baraawe.

Ciidamada tiro badan oo ka mid ah kooxda AL-Shabaab oo la sheegay in ay tababar dhamaysteen ayaaa iyagoo saaran gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknikada waxay socod ku soo mareen waddooyinka waawayn ee magaaladaas.

alshabaab

Waxaa kaloo wadooyinka socod ku maray ciidan badan oo lug ah waxaanay madaxdii kooxda Al-Shabaab hor kacayay sheegeen in ay ciidankani tababar millatari oo dhamays tiran soo qaateen imikana ay diyaar u yihiin in ay  la dagaalamaan wax ay ugu yeedheen ciidamada Gaalada oo ay ula jeedeen AMISOM.

Ciidankan oo tiradoodu ahayd boqolaal ayaa dhamaantood afku wada duubnaa oo aan mid kaliya wajigiisa aan la arkayn isla markaana ku hubaysnaa noocyada qoryaha kala duwan ee darandooriga u dhaca.

Wajaale news desk

COMMENTS
LINKS