|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cududeeda Millatari
July 21, 2013 - Written by editorBaraawe(Wajalenews):-Kooxda Al-Shabaab ayaa dhoolatus Millatari ku soo bandhigtay gudaha magaaladda Baraawe. Ciidamada tiro badan oo ka mid ah kooxda AL-Shabaab oo la sheegay in ay tababar dhamaysteen ayaaa iyagoo saaran gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknikada waxay socod ku soo mareen waddooyinka waawayn ee magaaladaas. Waxaa kaloo wadooyinka socod ku maray ciidan badan oo lug ah waxaanay madaxdii kooxda Al-Shabaab hor kacayay sheegeen in ay ciidankani tababar millatari oo dhamays tiran soo qaateen imikana ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan wax ay ugu yeedheen ciidamada Gaalada oo ay ula jeedeen AMISOM. Ciidankan oo tiradoodu ahayd boqolaal ayaa dhamaantood afku wada duubnaa oo aan mid kaliya wajigiisa aan la arkayn isla markaana ku hubaysnaa noocyada qoryaha kala duwan ee darandooriga u dhaca. Wajaale news desk Related posts:DAAWO; Oday Ibraahim Aadan Cismaan Abees oo Hadalo Duurxul Iyo fariimo kala Duwan Xanbaarsaan Udira... “Shacbi Waynaha Somaliland Waxaan Leeyahay Maalmaha Adag Waxaa Loo Baahan Yahay In Dhibta Dhacda Iyo... DAAWO;-Shacabka Caasimada Hargaysa Oo Ka Dareen Celiyay Baneynta Wadooyinka Halbowlaha Ee Dawlada Ho... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|