Af-hayeenka Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Muj.Dhegawayne Oo Markii U Horaysay Dhaliil Kulul U Jeediyey Xukuumadda, Madaxwayne Silanyo-na Ku Eedeeyay In Uu Xaday Lacagtii Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Af-hayeenka Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Muj.Dhegawayne Oo Markii U Horaysay Dhaliil Kulul U Jeediyey Xukuumadda, Madaxwayne Silanyo-na Ku Eedeeyay In Uu Xaday Lacagtii Dalka.
July 22, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Ramaas) July22, 2012-Af-hayeenka golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosin qaranka Somaliland Mujaahid Ibraahin Xuseen Dhaga weyne ayaa eedayn kulul dusha u saaray madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Mujaahid Ibraahin Dhaga weyne oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay qaar ka mid ah xubnaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosin qaranka Somaliland ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay wali xukuumadu ka meeraysanayso inay ka jawaabto eedaymihii ay u soo jeediyeen isla markaana ay isku qaaday meel aan loo baahnayn, oo ay dadkii khal khal galisay isla markaasna turjumaad khaldan ka bixinayso.
Ugu horayn mujaahid Dhagaweyne oo ka hadlaya golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa waxa uu yidhi “golahani waxa uu u taagan yahay inuu umadan waxeeda difaaco, waxaanu u sheegaynaa dawladda in wixii aanu soo bandhignay ee aanu nidhi waxaas ayaa qaranka ka xun inay yidhaahdaan waxna waanu qabnaa oo waanu hagaajinaynaa waxaana waanu diidnay, ee  aanu u soo bandhignay oo qoran oo lix iyo toban qodob  ah , haddii aanu been sheegayno ha soo bandhigaan, magac ayey ku wareegayaan waxaasina ka socon maayaan, waxa idinka soconayaa waa inaad eedan ka jawaabtaan”ayuu yidhi mujaahid Dhagaweyne.

Mujaahid Ibraahin Xuseen Dhagaweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu xaday lacagtii umada balse aanay ilaa hada Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu aanay ka jawaabin waxaanu yidhi “Tuug ayaad tahay oo waxaanu ku nidhi lacagtii umadda ayaad xaday ka jawaab dee anaga ayaa soo cadaynayna iyada oo tafaasiil leh oo qoraal leh, waxaanu ku nidhi golayaashii ayaad kufsatay iyo sharciyadii wadanka ayaad baabiisay, maxkamadi ma jirto saxaafadii madaxa baananayd ayaad cabudhisay, nooga jawaab dee”
Sidoo kale mujaahid Dhagawayne waxa kale oo uu ka hadlay maxkamadaha  Somaliland iyo kiiska wargeyska xidhan isaga oo sheegay inay maxkamadu baal martay sharciga waxaanu yidhi “Waxaan shalay maqlayey in maxkamada loo tagay oo lagu yidhi mudadii aad u qabatay wargeyskii xidhnaa way dhamaatay ee soo daa dabadeedna ay ku jawaabtay ilaa isagu soo daayo lama ogolanaayo,waar dadkan kharash ayaa ku socda ilaa inta ay dumayso ayaan haynayaa weeyaan, taasna cid xaq u leh ma jirto, distoorkii ayaad baabiisay, golayaashii qaranka ayaad baabiisay inaad nooga jawaab dee”
Mujaahid Dhagaweyne waxa uu sidoo kale ka hadlay tahriibka ay miciinsatay dhalinyarada Somaliland isaga oo sheegay inay muujinayso rajo la,aanta ay bulshada Somaliland ka qabto xukuumada waxaanu yidhi “Tahriibkii ayaa faraha ka baxay oo saaka oo ugu danbaysay waxa warbaahinta laga sheegayey in somalilan day ka mid tahay meelaha ugu tahriibka badan, shantii bilood ee ugu danbeeyeyna way korodhay, inamadii iyo hablihii inta lugta laga xidhay ayaa mid kasta saxarihii lagu eryanayaa kun doolar, waxyaabahaas ayaa ina hor yaala ee ka jawaab, magac yar dadka ha ku habsaamine, anaguba waxanu soo bandhigi doonaa kuwo ka xun oo aad wadato oo kuwii siyaad bare ah, umaddani waxay aragtaa mustaqbal madaw”

Mujaahid ibraahin Xuseen Dhagaweyne waxa uu sidoo kale ka hadlay xaalada magaalada Burco oo uu sheegay inay marayso meeshii ugu xumayd isaga oo sababtana dusha u saaray madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “waa markii ugu horaysay Axmedow ee ay burco qaybsantay oo laba daamood kala noqotay oo ay isku talaabi kari ladahay, kubadii ayey wada ciyaari kari waayeen, laba garoon ayey kala samaysteen, intaasina waa intii aad timid ayey yidhaahdeen waar maanagaa ka keenay dadka, waa magaaladaadii hadii ay kala tagtay iyadu halkeed isku haynaysaa, ma Seemaal iyo Buuhoodle ayaad wax ka qabanaysaa,Burco ayaa halkaa taagan, inta aanay tana kala tagin aynu wax ka qabano Somaliland-ney.” ayuu raaciyey isagoo hadalkiisa sii wata.

Ugu danbayntii mujaaahid Dhagaweyne Waxa uu ka hadlay heshiiskii dhinaca hawada ee ka dhacay wadanka Turkiga, isaga oo si weyn u dhaliilay waxaanu ka yidhi sidan”waa kaa raysal wasaarihii somaliya lahaa wax walba waanu ka heshiinay, wataa hargeysa la keenayo iyada oo ay isku jirto hawadii, goorma ayeynu wax isku darsanay, waar meel cad ayeynu taagnayne goorma ayeynu hoos tagnay dawlad la aqoonsan yahay oo somaliya ka dhisan, nin laba sakadood haysta oo habeen walba qarax ka dhacayo ayeynu ku milmaynaa, taasina waa karaamadii umada oo meel lagaga dhacayo” Ayuu ku soo afmeeray hadalkiisa.

si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay  ee uu golahani eedayn noocan oo kale ah u jeediyo xukuumadda madaxwayne silanyo oo usbuucyadii u dambaysay ay xukuumaddu sid fiinta uga qaylisay ayadoo sii ballaadheen golahani oo ay sheegeen in ay ku soo biireen garab dhalinyaro oo hoos imanaya golahan.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somalilnd
COMMENTS
LINKS