Abaalmarinta ciyaartoyda 28 sano jirka ka weyn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abaalmarinta ciyaartoyda 28 sano jirka ka weyn
July 7, 2013 - Written by Wariye:

Ciyaaro (Wajaale News)-Iker Casillas, Andres Iniesta iyo Cristiano Ronaldo ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda u sharaxan abaalmarinta sanadka 2013 ee Golden Foot Awards. Aabaalmarintaan waxaaa loogu talagalay ciyaartoyda ay da’doodu ka weyntahay 28 sano jirka.

ciaaro

Abaalmarintaan waxaa qofka qaadanaya u codeyn doona taageerayaasha kubadda cagta ee adduunka ku kala firirsan. iyadoo dabayaaqada sanadkaan uu bixin doono Amiirka Monaco, Prince Albert II. Abaalamrintaan waxey noqon doontaa lugta ciyaaryahanka ku guuleystay oo dahab ah.

Ciyaartoyda loo soo xulay waxey kala yihiin:

Iker Casillas (Real Madrid)

Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

Andres Iniesta (FC Barcelona)

Didier Drogba (Galatasaray)

Miroslav Klose (SS Lazio)

David Trezeguet (River Plate)

David Beckham (ex-Paris Saint-Germain)

Frank Lampard (Chelsea)

Andrea Pirlo (Juventus)

Samuel Eto’o (Anzhi)

Abaalmarintaan oo la bixinayay 10-kii sano ee ugu danbeysay ma jiro ciyaaryahan Spanish ah oo ku guuleystay. ciyaartoydii horey ugu guuleystay waxaa ka mid ahaa Zlatan Ibrahimovic, Ronaldinho iyo Alessandro Del Piero.

Office :Hargaisa /Somaliland

By : habane

Wajaale News

COMMENTS
LINKS