Xildhibaano Ka Tirasan Golaha Deegaanka Berbera Oo Si Adag Uga Hadlay Wareegtadii Dhawaan Lagu Xayiray Qeybo Kamida Dhulka Berbera Oo Dan Guud Lagu Sheegay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Ka Tirasan Golaha Deegaanka Berbera Oo Si Adag Uga Hadlay Wareegtadii Dhawaan Lagu Xayiray Qeybo Kamida Dhulka Berbera Oo Dan Guud Lagu Sheegay.
June 28, 2013 - Written by Author
u_103224d_2013-6-28-7-4-18f_B3Hargeysa (Wajaale News)- Mudaneyaal ka tirsan Golaha Deegaanka eeDegmada Berbera, ayaa sheegay in Wareegtadii madaxweynuhu dhawaansoo saaray ee uu ku xayiray Dhulka loo yaqaano Raasiga ilaa Xeebta dhinaca Galbeedka ee Magaaladu,

ay baalmarsantahay Xeerka Ismaamulka Goboladda iyo Degmooyinka dalka ee Xeer Lr 23 iyo 15KM oo gudaha magaalada

ka bilaamaya, gaar ahaan Raasiga ilaa meesha loo yaqaan Jiifto oo ah dhinaca Waddada hargeysa ,Shacab ah oo sida

la sheegay sifo sharci lagu siiyay ka dhisteen Dhismayaal iyo hanta ma guurto ah oo ay Mulkiyadeed haystaan,

ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo dhawaan ku Madnuucay Wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa.

Xubno ka mid ah Guddida Hawlaha Guud iyo Arrimaha Dhulka ee Golaha deegaanka Degmada Berbera

oo shir Jaraa?id Maanta ku qabtay Magaalada Berbera, ayaa sheegay in

Wareegtada Madaxweynuhu muran iyo dareen hor leh ka dhex abuurtay Bulshada Reer Berbera,

isla markaana meel a dhac ku tahay Ujeedadii golle ahaan loo soo doortay.

Guddoomiyaha Guddida Dhulka iyo Hawlaha Guud ee Golahaas Eng Saleban Cali Kheyre oo ugu horayn

shirkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in talaabada Madaxweynuhu ku xayiray Dhulka uu ku sheegay Danta Guud,

aanay ahayn mid sifo lagu qanci karo ku timi, isla markaana khilaaf iyo muran ka dhex abuurayso

Bulshada iyo Golaha deegaanka ee degmada.

Wareegtadaad madaxweyne ka soo saartay Dhulka aad ku sheegtay Danta ee u dhexeeya Haamaha, Madaarka

iyo Dekedda, horena aanu u ogayn Golle ahaan inuu badh ka mid ahi dan Guud yahay, Runtii wareegtadu

waxbay tilmaamaysay, waxay tilmaamaysay qodobo ka mid ah oo aad meesha ka saartay, kuma hayno

Sharciyada dastooriga ah, sida qodobka aad tidhi Madaxweyne Dhulkaas Xukuumadda ayaa Iibin karta ,

ku Tasarufi karta, waxna ku bedelan karto, runtii qodobkaa kuma hayno annagu Sharciga Golaha deegaanka

lagu soo doortay ee Xeer Lr 23, waxaana wanaagsan madaxweyne markaad arimaha noocaas oo kale ah

inaad tixraacdo Shuruucda Dastuuriga ah ee u taala.

?Xeer Lr 23, qodobkiisa 34, Farqadiisa 10-aad, waxay tilmaamaysaa in Golaha deegaanku ka masuulyahay

haduu yahay mid Dan-guud ah iyo haduu yahay mid kale oo la bixinayo ilaalintiisa iyo bixintiisa Golaha

deegaanku.,waxaana ka masuul ah Guddi hoosaadka Golaha ee Hawlaha Guud?

Xeer lr 23  waxa kale oo uu sheegayaa Madaxweyne waxa awood u leh Jaan-goynta, Diwaan-gelinta ,

Qorsheynta, Nash-qadaynta iyo bixinta Guud ee Dhulka, Guddi hoosaadka Hawlaha Guud ee Golaha deegaanka

, jaan-goynta iyo qaybinta, sida Wershadaha, Dalxiiska, safaaradaha, Ciidamada, deegaanka iyo dadweynaha

, intaba wuxuu Xeerkaasi awood u siinaaya Guddida Hawlaha iyo arrimaha Dhulka ee aan Guddoomiyaha

u ahay?.

Xildhibaanku wuxuu intaasi raaciyay ?Hadaba madaxweyne awoodaas Xeerku tilmaamayo waxaad siinaysaa

Cid kale sida wareegtadaada, hadii aynu ka baydhno shuruucda waddanka u taala ee jirtana wax badanbaa

Khaldami doono, qof walba shaqada uu sharcigu siiyay in loo daba fadhiisto oo lagu Ixtiraamo ayaa

wanaagsanayd, markaad ogaatay in wax badani khaldameen, waxaa wanaagsanayd inaynu wada saxno ,

in loo soo diro guddi ayay ahayd, xalinteedana aynu galno markaynu isxog waraysano inaggu?

?Annagu kumaanaan arag markii aanu nimi meesha Dhul banana, runtii waxaanu ugu nimi dhul baxsan,

waxa Maayirku go?aansaday markii aanu ka wada hadalnay dhibaatooyin fara badan oo hore u soo dhacay

oo dhulka u badan, in la xidho Dhul bixin cusub, Nashqadayn, Calaamadayn iyo qurxin, waliba dhulkaa

soonka galbeed ah, markaa waxay ahayd in laga wada tashado, lays weydiiyo maxaa dhul banana haysaan,

laakiinse wareegtadaasi waxay keentay isdaba mar fara badan, waxaanad  arkaysaan maanta dadkii

Dhulka lahaa oo hadii lagula xaalo arin dawladnimo iska tegi lahaa inay Faylashii kula gaaf-wareegayaan

Dawlada hoose.?

Guddoomiyaha Guddida Dhulka ee Golaha Deegaanka Berbera waxa kale oo ku dooday in dareen ka dhashay

Wareegtada sida Khaaska ah madaxweyne Siilaanyo uga soo saaray Dhulka Berbera ?Madaxweyne waxay

ahayd wareegtada aad soo saartay inay wada saamayso Goboladda iyo degmooyinka dalka oo dhan ileen

madaxweyne ayaad u tahay, laakiinse tan Berbera oo qudha aad u jihaysa aragti kale ayay dadweynaha tustay.?

 

?Halkani waa Bakhaarka laga masruufo Reer Somaliland oo dhan, runtii waa Hooyada ilaha dhaqaalaha,

meesha aynu masaariifta kala soo baxaynana waxa haboon inaynu hagaajisano, runtiina waanu ka xunahay

madaxweyne Wareegtada aad Berbera oo qudha ku koobtay ee Goboladda kale aanad ka soo saarin,

Golaha deegaanka ee Berbera-na wuxuu la mid yahay Golayaasha deegaanka ee kale?ayuu yidhi.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in khalad maamul iman doono hadii sharciga loo hogaansami waayo,

isagoo dhinaca kalena carabka ku adkeeyay in Golaha deegaanku masuul ka yahay Dhulka Danta guud

ah ee degmada berbera  ?Hadii Sharciga la baalmaro oo cid shaqadeedii la siiyo cid kale sida ay

wareegtadani cadaynayso, wax badanbaa khaldamaya.?ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyay.

?Dhulkani hadii uu dan guud yahay iyo hadii kaleba waxaa ka masuul ah Golaha Deegaanka,

waxaana ka hadli kara cidda u u xilsaaran, markaa soo qaado Kitaabkaaga annaguna kan aanu

haysano ee nalugu soo doortay ayaanu la imanaynaaye?.

Xildhibaan Iid Saleban Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha u soo jeediyay ?

Madaxweyne waxa loo baahanyahay inaad sharciga Ilaaliso oo aynu isku Ixtiraano shaqada qaranka,

annagaana Xil naga saaranyahay inaanu ka shaqayno sidii danta Guud loo horumarin lahaa, nalaga

doonayaana Dhulkii Madaarku ku fidi lahaa, Dekeddu ku fidi lahayd, dee markaa waa nala soo doortay,

adigana waa lagu soo doortaye inaad nagu Ilaaliso wixii sharcigu noo baneeyay?

ayuu yidhi Xildhibaan Iid saleban.

Xildhibaan Maxamed Cali Xaaji Axmed ayaa isaguna tilmaamay inaan Golaha deegaanka Berbera tan iyo

markii la soo doortay wax Dhul ah bixin ?Golaha deegaanku 7 Bilood ayuu shaqaynayay, todobaad bilood

wax dhul ah oo aanu bixinay ma jirto, wareegto wax badani ka khaldanyihiin, waxay ku saxantahay u

baahan in laga tashado? ?  ?Madaxweyne hadaan la kaftamo waxaan leeyahay madaxweyne waxaa jirtay

inaad berri dhexdii ah aad xadhiga ka jartay dhismaha Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Berbera oo dib u

habayn lagu sameeyay, kaasoo aad ku darsatay Dhismayaasha cusub ee Xukuumaddu dhisatay, hadii

ay sidaasi tahay Masaajidka Turkigu maaha mid cusub oo iminka Danta Guud ku biiray ee laba qarni ka

hor ayuu dhisnaa?.

Madaxweyne Wareegtadaadii saqda dhexe soo baxday waxay ku abuurtay Bulshada reer Berbera

Iska hor-imaad, markaa Bulshadii la midanynayay hadii aynu iska horkeeno waxba hagaagi,

annagu golle ahaan waxaanu dooranay maayir, maayirkaasi shaqadiisa ayuu wataa, dhulka aad iminka

xayirtay oo 2500 qof leeyihiin wax saxeex ah kuma  laha, dadku dhulka way Mulkiyeen, Cashuurtiibay

ka bixiyeen, Dhulka 20KM dhisan ee Daaruhu ka dhisanyihiin Wareegtada laga soo saarayo in loo

dhamaado ayay ahayd, hadiise aad madaxweyne na leedahay Xeer 23 waxbaa iska bedelay waa wax

Golaha wakiialdda u yaala.?ayuu yidhi.

Isagoo intaasi raaciyay?Reer Berbera waxaan leeyahay Reer Berberow ha sal fududaanina, Faylasha aad la

wareegaysaan ee Dhulkaasi laydinku siiyay sharcibaa idinku yaala, go?aanaad haystaan Masuuliyiin hore

idin siisay, markaa hadii la leeyahay go?aanadaa Masuuliyiintii hore waxba kama jiraan, annaguna

maalintaanu tagno wixii aanu ka tagno waxba kama jirayaan, madaxweynuhu markii xilka ka dego

wixii uu ka tegayna waxba ka jiri maayaan, waxaan leeyahay danta guud waa in loo sinaado.”

 

Wajaale News Desk

Hargeysa /  Somailand

 

COMMENTS
LINKS