|
|||||
WAJAALE NEWS
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND CALI MAXAMED WARANCADDE OO SHEEGAY IN XILKA LOO DHIIBAY KA CULUSYAHAY XILALKA KALE.
June 30, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa (wajaalenews) Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu ka culusyahay xilalka kale ee Wasaaradaha dawladda, sidaa daradeed uu u bahaan yahay in si gooniya loola shaqeeyo, isagoo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.“Anigoo u mahad naqaaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxaan leeyahay xilka lay dhiibay waa mid ka culus xilalka kale, meeshi ugu khatar sanayd oo amnigeena ah ayaa lay dhiibay, alle kama dhigee haddii wax inagu yimadaan waa mid inawada samaynaaya. Markaa waxaan si gaara ugu baahanahay in layla shaqeeyo, dhammaantiin aad iskay garab taagtaan.”Hadalkan Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ka dhawaajiyay ayaa noqonaaya codsigii ugu horeeyay ee uu bulshada iyo dhammaan rer Somaliland u diro.Isha Ku Hay wajaalenews.com Related posts:Wasiirka Maalgashiga Jsl Oo Maalqabeenada Dalka Itoobiya Ugu Baaqay In Ay Ka Faa,iidaystaan Fursadah... Wasaarada Caafimaadka JSL Oo Kooxo Dhakhaatiira U Kala Dirtay Deegaano katirsan Gobolka Gabiley. Hogaanka Xisbiga Ucid Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadle... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|