|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiiraka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha SL oo Maanta si rasmi ah Xilkiisii ula wareegay
June 29, 2013 - Written by AuthorHargeysa (Wajaale News)- Wasiirkii hore ee wasaarda arimaha gudaha Somaliland Maxamad Nuur Caareele Duur ayaa maanata si rasimi ah ugu warejiyay wasirka cusub Cali Maxamad Warancade.
xil wareejintan labada wasiir oo kadhacday gudah wasaarada ayaa waxaa ka so qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo isku gujira masuuliyiin katirsan xukumada xildhibaanada labada gole saladiin saraakiisha ciidamada kala duwan ee dalka iyo marti sharafka.
Munaasibadan xil wareejinta ah ayaa ahayd mid jawigeedu aad u wacanyahay waxaanay masuuliyiintii halkaa ka hadashay ay amaan u jeediyeen wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamad Nuur Caraale Duur waxaanay sheegeen inuu ahaa wasiir kartibada oo firfircoon .
Waxaanay masuuliyiintu sidoo kale sheegeen in Cali Maxamad Waran Cade uu yahay masuul hanan kara xilka loo dhibay ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland ,iya goo tilmaamay inuu cali warancade yahay masuul khibtad uleh shaqada loo magacaabay.
Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamad Nuur Caraale Duur oo madashii xil wareejinta kahadlay ayaa sheegay in wasaaradiisu ay wax badan kaqabatay dalka in tii uu xilka hayay is ga oo sheegay inay caqabada badani ka hor yimaadeen maadaama ay wasaaradiisu tahay wasaarad xaasaasi ya.
Wasiir duur waxa kale oo uu sheeegay inuu wasaradan kabartay cashar aad u balaadhan waxaana uu sheegay inuu bari iyo galbeedba horfadhiistay madax dhaqameedkood isaga oo eegaya nabad galyada iyo maslaxada dalka waxaa uu yidhisidan “waxaan wasaaradan kabartay cashar balaadhan waxaannan maray dhamaan gobalada bari ilaa galbeed waxaanan hor fadhiistay dad kala duwan aniga oo u adeegaya nabadyalyada,
Waxaan runtiiqirayaa shacabka reer Somaliland inay ahaayeen dadwanaagsan ,qalad wa jiraa wax yaabo way inagu soobexeen ,doorasho way dhacday qabyaaladii baa dib u soo kacday ,doorashadii baa carisay ilaa ciyaarihiibay gaadheen ,
Somaliland wax bay higsanaysaa aduunyaday wax kagamaqanyihiin ma aqaar aqaarbay wx ku helaysaa mise qof qof ,somaliwaynbaynu wax lalahayn wynu katagnay markaasaynu isasii kala qaad qaadaynaa ilaa rubuc rubuc u go,ano sideebay himiladeenu ugaadhaysaa meesha aanrabno masuul kasta oo yimaada lugtaynu jiidaynaa ,ayaa ino imanaaye ee hawsha qaadaya ,
Waxaan u soo jeedinayaa shacabkayga wanaagsan in lataageero hadba masuulka cusub ee yimaada ,nabadu waa ta ugu qimaha wayn shacabkan oo dhanbaa ku koray ilaahaybaanan ugu mahadnaqayaa inaan xilkii tiriyo walaal kay calina ku wareejiyo awal anigaa nabadgalyada masuul ka ahaa maanta anigaa cali udaba fadhiisanayaa musuliyadayda ”
Waxaa isna madashaa xil wareejinta kahadlay wasiirka cusub ee waraarada arimaha gudaha somalilan Cacli Maxamad Waran Cade oo sheegay inuu wasaradan waxbadan kaqabadndoono inta uu xilka hayo .
Wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha somalilan Cali Maxmad Waran Cade ayaa waxa uu balanqaaday inuu wax badan kabadali doono wasaarada isa goo tilmaamay inaan tibna loo arki doonin laamiyada oo ciidi kasarayso .
Wasiirka cusb ayaa waxa kale oo u balan qaaday inaanay dhici doonin in habeen kii ay dhalinyaro maangaabi ay dadka waayeelka ah iyo halaha kaga furtaan moobilada gudaha magaalada ,waxaana uu intaa raaciyay in caasimada iyo magaalooyinka kalaba aan dibloogu arki akarin meel madaw iyo laamiyada oo ciidi kasarayso .
“waxaan idiinku balanqaadayaa inaana idiinku shaqayn doona si xilkasnimo cadaalad iyo sinaan oo aad iga heli kartaan sedexdaa ,waxaana bulshada ka ilaalin doonaa wax kasta oo kala fogaynkara sida eexda nin jeclaysiga qabyaalada’waxaanu sibalaadhan uga hortagi doonaa dhaqan xumada dadka waxmagaratada ahi wadaan ku dibindaableeyaan bulshada reer Somaliland khaaatn cudurada cusub ee imika ku soobaxay habeenii dumarka iyo maatida aydhalinyaro bilaa xilksnimo ahi ay is ku taagaan gidaarada ,
Waxaanan halkan kabalanqaadayaa inaan ku dadaalo in hargaysi ay wada laydh noqoto hadii ala yidhaah , mana ogolaan doono in caasimada magaalada hargaysa iyo magaalooyinka kale eek u xiga in wadooyin kooda laamiyada ah ay ka sa reeyaa hal sanrimitir oo ciid ah ,taasi waxay keenaysaa in bulshada calamka ee aan ka doonayno ictiraac ,waxa way nee aynaan kari karayn waa layaqaanaa , waxaa la inoo soo dira basaasiis markaa marka uu suuqa soo maro ee uu arko daarahaa dhaa dheer oo hoosteeda uu yaalo marmarku ee inta u dhaxaysa guriga iyo lamayda ay bacaadka cagta daraysid ama aad kuba turaan turoonaysyo bacaadka taana waxaan ku dadaali doonaa inaan wax badan kaqabano”
Shaqaalaha wasarada arimaha gudaha Somaliland ayaa waxay shahaado sharaf gudoon siiyeen wasiirkii hore Maxamad Nuur Caraale , waxaanay sheegeen in wasiir duur uu ahaa nin aad ugu wanaangsan shaqaalaha oo aan u kala eexan.
Shaqaalaha ayaa sheegay in wasiir duur uu ahaa nin dhalinyaro ah oo aan isagu maqlin wax qof ka kale uga sheego shaqaalaha ee uu isagu waxa uu ku arka wax ka odhan jiray. Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|