Wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Subeer ayaa Maanta tagay Tuulada Agabar oo uu ka dhici doono Shirka Hoodaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Subeer ayaa Maanta tagay Tuulada Agabar oo uu ka dhici doono Shirka Hoodaale
June 27, 2013 - Written by Author

0601

 

 

 

 

 

02

10

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa (Wajaale News)- Wefti balaadhan  oo uu hogaaminayey Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa  maanta dadweynaha reer AGABAR ku soo dhaweeyeen caleemo-qoyan, sacab iyo mashxarad, iyaga oo u sii galbiyey keyn dhireed jiq ah oo casuumad-qaddo sharafa loogu sameeyey weftiga.

Weftigan uu hogaaminayey Suldaanka guud ee Subeer-awal ayaa waxay u-jeedada socdaalkiisu ahayd sidii uu u soo sahamin lahaa goobta loo asteeyey inuu ku qabsoomo shirweynaha beelaha SACAD MUUSE ee HOODAALE oo qaban-qaabadiisa si weyn loo dareemayey guddo iyo dibadba,

Cali Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ah odayaasha degmada AGABAR ayaa sheegay inay weftiga ku soo dhaweynayaan gacmo furan, waxaanu yidhi “Waxaanu si aad iyo aad ah u soo dhaweynaynaa weftiga baaldhan ee uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer-awal Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Xildhibaanada,waxaanan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan annaga oo aad iyo aad ugu xiisa qabnay shirweyne SACAD MUUSE oo la qabto,aanu aad ugu jeelanayn”.

Guddoomiyaha degmada AGABAR Cali Yuusuf Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan degmada AGABAR ku soo dhaweynayaa Weftiga uu horkacayo Suldaanka Guud ee Subeer-awal, waxaan Suldaan kugu soo dhaweynaynaa gacmo iyo qalbi furan, annaga oo aad ugu faraxsan gogosha aanu u fidinay shirweynaha Beel-weynta SACAD MUUSE,Waxay in muddo ahba ka wada shaqeynayeen odayaasha deegaanka iyo guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beesha SACAD MUUSE ee degmada AGABAR lagu qabanayo”.

Marwo Foosiya oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay u mahad-celisay dhamaanba Suldaanka guud ee Subeer-awal, Ugaaska, Cuqaasha iyo guddida qaban-qaabada Shirweynaha beesha SACAD MUUSE ee dhawaan ka dhici doona degmada-tan AGABAR. “Suldaanka Guud ee Subeer-awal waxaanu leenahay ku soo dhawoow gacmo furan, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu shirkani noqdo mid la innaga aqbalo oo inoo qabsooma”.Ayey tidhi Foosiya.

Caaqil Cabdiraxmaan Cabdilaahi Barkhad  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Annagu waxaanu ku nimid baaqii Salaadiintu ku baaqday, waxaan leeyahay qolloda Salaadiinta ee meesha gaarka ah fadhida, wixii ay dadka ugu baaqeen inay meel mariyaan ayaa looga baahan-yahay,maaha inay daaha dabadiisa fadhiistaan., Shirkanina maaha mid wax u dhimaya xukuumadda ee waa mid ay reerku danihiisa kaga tashanayaan, Salaadiintuna inay Siyaasiyiin noqdaan maaha”,

Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan oo ka mida ah mudanayaasha Golaha deegaanka Gobolka Gabiley oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “SACAD MUUSE ninkaan ahayn ee iska saaraya isaga ayaa cirka roob ku og, annagu shirkaas ayaanu taageersanahay,cid aanu wax u dhimaynaana ma jirto, dawladna lagu xumeyn mayo, beel kalena lagu xumayn maayo,laakin shirkayaga cidna fasax uga qaadan-mayno”.

Chief Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xoore oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu idinka gudoonay reer AGABAROOW soo dhaweynta aad sida heerka sare ah noo soo dhaweyseen. Weftigan uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdilaahi u-jeedadiisu waxa weeyaan inuu soo eego, goobta uu SACAD MUUSE uu ku shiri doono oo aanu annaguna sahankeedi ku garab-taaganahay, SACAD-MUUSE kale oo hadhay oo meel kale joogaana ma jiro, SACAD MUUS-aha uu isagu (Suldaanku) hogaaminayo ayuunba Sacad Muuse ah, Subeer-awalka uu isagu hogaaminayo ayuunba Subeer-awala”.

Afhayeenka guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beel-weynta SACAD MUUSE Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Soo dhaweyntan aad sida weyn noo soo dhaweyseen aad ayaan ugu faraxnay waad ku mahadsan tihiin,warkiinu hore ayuu noogu yimid, sida aad Weftigii naga horeeyey u soo dhaweyseen reer AGABAROOW waad ku mahadsan tihiin,haddii maanta AGABAR shir SACAD MUUSE ah lagu qabanayo waa ILAAHAY mahaddii,nasiib ayaad u hesheen in shirkii ugu horeeyey ee la hadal-hayn jirey ee la sugaayey uu halkan ka dhaco”.

Ugaaska SACAD MUUSE Ugaas Ibraahim oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Weftiga uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer-awal ee aan halkan gogol xaadhka ugu sameynay way ku mahadsan yihiin sida ay noo soo sharfeen ee ay noogu yimaadeen marti-qaadka shirweynaha SACAD MUUSE ee dhawaan qabsoomi doona. Beesha reer AGABAR oo aad iyo aad u shaqeysay oo na soo dhaweysay aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin”.

“Wannaga aanu halkan ka doonaynana AGABAR ayaa ka kow ah, weli hawshu inagamay dhamaan hadaynu nahay reer AGABAR oo way inoo hadhsan tahay, maanta waa sahan uun”.Ayuu yidhi Ugaasku.

Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Beesha reer AGABAR rag iyo haween-ba, odayaal iyo dhalinyaraba, iyo guddida qaban-qaabada Shirweynaha HOODAALE, Cuqaasha, Chief caaqilada, Ugaaska beesha reer Agabar waxaan idinku salaamaya Asalaamu Caleykum wa raxmatulaahi wa barakaatu aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa, farxad-weyna way ii tahay inaan maanta soo gaadho degmadeydii AGABAR, sida qiimaha leh ee aad noo soo dhaweyseen ee aad bacadka noogu tunaydeen waanan u duceynayaa degmada AGABAR iyo dadka ku noolba”

“Waxaad leedihiin sharaf weyn, ILAAHAY ayaa idinla damcay in shirweynihii beelaha SACAD MUUSE in halkan lagu qabto, degmadani waa degmo taariikhiya oo ay fac-weyn tahay waa degmo aynu ku xasuusan karno halgankii dalkan lagu xorreeyey, ALLE ha u naxariiste waxaynu ku xasuusanayaa Mujaahidkii Raage Bidaar marka xadkan la soo galo, Insha Allaahu taallooyin lagu xasuusto ayeynu halkan uga sameyn doona mujaahidiintii dalka u soo  halgamay ee uu ugu horeeyo Marxuum Mujaahid Raage Bidaar”

 


// <![CDATA[

 

 

Cali Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ah odayaasha degmada AGABAR
ayaa sheegay inay weftiga ku soo dhaweynayaan gacmo furan, waxaanu yidhi
“Waxaanu si aad iyo aad ah u soo dhaweynaynaa weftiga baaldhan ee uu
hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer-awal Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan
Cabdiraxmaan, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Xildhibaanada,waxaanan ku soo
dhaweynaynaa gacmo furan annaga oo aad iyo aad ugu xiisa qabnay shirweyne SACAD
MUUSE oo la qabto,aanu aad ugu jeelanayn”.

Guddoomiyaha degmada AGABAR Cali Yuusuf Jaamac oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan degmada AGABAR ku soo
dhaweynayaa Weftiga uu horkacayo Suldaanka Guud ee Subeer-awal, waxaan Suldaan
kugu soo dhaweynaynaa gacmo iyo qalbi furan, annaga oo aad ugu faraxsan gogosha
aanu u fidinay shirweynaha Beel-weynta SACAD MUUSE,Waxay in muddo ahba ka wada
shaqeynayeen odayaasha deegaanka iyo guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beesha
SACAD MUUSE ee degmada AGABAR lagu qabanayo”.

Marwo Foosiya oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay u
mahad-celisay dhamaanba Suldaanka guud ee Subeer-awal, Ugaaska, Cuqaasha iyo
guddida qaban-qaabada Shirweynaha beesha SACAD MUUSE ee dhawaan ka dhici doona
degmada-tan AGABAR. “Suldaanka Guud ee Subeer-awal waxaanu leenahay ku soo
dhawoow gacmo furan, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu shirkani noqdo mid la
innaga aqbalo oo inoo qabsooma”.Ayey tidhi Foosiya.

Caaqil Cabdiraxmaan Cabdilaahi Barkhad  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi
“Annagu waxaanu ku nimid baaqii Salaadiintu ku baaqday, waxaan leeyahay
qolloda Salaadiinta ee meesha gaarka ah fadhida, wixii ay dadka ugu baaqeen
inay meel mariyaan ayaa looga baahan-yahay,maaha inay daaha dabadiisa
fadhiistaan., Shirkanina maaha mid wax u dhimaya xukuumadda ee waa mid ay
reerku danihiisa kaga tashanayaan, Salaadiintuna inay Siyaasiyiin noqdaan
maaha”,

Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan oo ka mida ah mudanayaasha
Golaha deegaanka Gobolka Gabiley oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi
“SACAD MUUSE ninkaan ahayn ee iska saaraya isaga ayaa cirka roob ku og,
annagu shirkaas ayaanu taageersanahay,cid aanu wax u dhimaynaana ma jirto,
dawladna lagu xumeyn mayo, beel kalena lagu xumayn maayo,laakin shirkayaga
cidna fasax uga qaadan-mayno”.

Chief Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xoore oo isna halkaasi ka
hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu idinka gudoonay reer AGABAROOW soo
dhaweynta aad sida heerka sare ah noo soo dhaweyseen. Weftigan uu hogaaminayo
Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan
Cabdilaahi u-jeedadiisu waxa weeyaan inuu soo eego, goobta uu SACAD MUUSE uu ku
shiri doono oo aanu annaguna sahankeedi ku garab-taaganahay, SACAD-MUUSE kale
oo hadhay oo meel kale joogaana ma jiro, SACAD MUUS-aha uu isagu (Suldaanku)
hogaaminayo ayuunba Sacad Muuse ah, Subeer-awalka uu isagu hogaaminayo ayuunba
Subeer-awala”.

Afhayeenka guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beel-weynta
SACAD MUUSE Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa
waxa uu yidhi “Soo dhaweyntan aad sida weyn noo soo dhaweyseen aad ayaan
ugu faraxnay waad ku mahadsan tihiin,warkiinu hore ayuu noogu yimid, sida aad
Weftigii naga horeeyey u soo dhaweyseen reer AGABAROOW waad ku mahadsan
tihiin,haddii maanta AGABAR shir SACAD MUUSE ah lagu qabanayo waa ILAAHAY
mahaddii,nasiib ayaad u hesheen in shirkii ugu horeeyey ee la hadal-hayn jirey
ee la sugaayey uu halkan ka dhaco”.

Ugaaska SACAD MUUSE Ugaas Ibraahim oo isna halkaasi ka hadlay
ayaa waxa uu yidhi “Weftiga uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer-awal
ee aan halkan gogol xaadhka ugu sameynay way ku mahadsan yihiin sida ay noo soo
sharfeen ee ay noogu yimaadeen marti-qaadka shirweynaha SACAD MUUSE ee dhawaan
qabsoomi doona. Beesha reer AGABAR oo aad iyo aad u shaqeysay oo na soo
dhaweysay aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin”.

“Wannaga aanu halkan ka doonaynana AGABAR ayaa ka kow
ah, weli hawshu inagamay dhamaan hadaynu nahay reer AGABAR oo way inoo hadhsan
tahay, maanta waa sahan uun”.Ayuu yidhi Ugaasku.

Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan
Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi
“Beesha reer AGABAR rag iyo haween-ba, odayaal iyo dhalinyaraba, iyo
guddida qaban-qaabada Shirweynaha HOODAALE, Cuqaasha, Chief caaqilada, Ugaaska
beesha reer Agabar waxaan idinku salaamaya Asalaamu Caleykum wa raxmatulaahi wa
barakaatu aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa, farxad-weyna way ii tahay
inaan maanta soo gaadho degmadeydii AGABAR, sida qiimaha leh ee aad noo soo
dhaweyseen ee aad bacadka noogu tunaydeen waanan u duceynayaa degmada AGABAR
iyo dadka ku noolba”

“Waxaad leedihiin sharaf weyn, ILAAHAY ayaa idinla
damcay in shirweynihii beelaha SACAD MUUSE in halkan lagu qabto, degmadani waa
degmo taariikhiya oo ay fac-weyn tahay waa degmo aynu ku xasuusan karno
halgankii dalkan lagu xorreeyey, ALLE ha u naxariiste waxaynu ku xasuusanayaa
Mujaahidkii Raage Bidaar marka xadkan la soo galo, Insha Allaahu taallooyin
lagu xasuusto ayeynu halkan uga sameyn doona mujaahidiintii dalka u soo  halgamay ee uu ugu horeeyo Marxuum Mujaahid
Raage Bidaar”

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

 

COMMENTS
LINKS