SOOMAALIYA OO SAFIIR U MAGACAWDAY GUDDOOMIYAHA URUR-SIYAASADEEDKII GURMAD EE SOMALILAND | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOOMAALIYA OO SAFIIR U MAGACAWDAY GUDDOOMIYAHA URUR-SIYAASADEEDKII GURMAD EE SOMALILAND
June 21, 2013 - Written by Author

Muqdisho (wajaalenews) Mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha Ururradii Siyaasadda Somaliland ee ku hadhay kala-reebistii Ururradii ka qaybgalay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland, ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxay u magacawday Safiirka Malezia u fadhiyi doona.

somalia

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Safiir u magacawday Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii dhacay ee Gurmad Nuur Faarax  Xirsi oo Ururkiisu ka mid ahaa Urur-siyaasadeedyo sannadkii hore ku hadhay qiimaynta Ururradii doonayey inay u tartamayey doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland.

Nuur Faarax Xirsi, ayaa magiciisa lagu daray maanta Liiska Safiirro ay Xukuumadda Soomaaliya magacawday,  sida lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Qoraalka oo uu ku saxeexnaa, Axmed Aadan ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Ururkii dhacay ee Gurmad, Nuur Faarax Xirsi loo magacaabay Safiirka cusub ee Malaysia, u fadhi doona Soomaaliya.

 

wajaalenews.com

muqdisho reportor

COMMENTS
LINKS