Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyay Dalka Ireland Cabdifataax Iyo Wasiirada Waxbarashada Zam-Zam,Oo Door Weyn Ku Lahaa Kulankii Dhex-Maray Madaxweynaha Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Saraar – | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyay Dalka Ireland Cabdifataax Iyo Wasiirada Waxbarashada Zam-Zam,Oo Door Weyn Ku Lahaa Kulankii Dhex-Maray Madaxweynaha Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Saraar –
June 30, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(WJN) Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Ireland, Cabdifataax Siciid Axmed iyo Wasiirada Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ZamZam Cabdi Aadan, ayaa door weyn ku lahaa kulankii dhexmaray Madaxweyne Silaanyo iyo Madaxdhaqameedka degaanka Gobolka Saraar.

Kulankan oo qaatay saddex saacadood, ayaa lagu soo afmeeray isfahan dhexmaray Madaxweynaha iyo dadka degaankaas. Waxayna cadeyeen Madaxdhaqameedka Degaankaasi inay diyaar u yihiin wax kasta oo horumar ah .

Safiir Cabdi Fataax Siciid Axmed Iyo Wasiirada Waxbarashada Somaliland, ayaa ku hawlanaa muddooyinkii ugu daneebay sidii kulankaasi u hirgali lahaa, iyagoo xidhiidho badan oo dhaw la sameeyay Madaxdhaqameedka Gobolka Saraar. Waxayna arrintani noqonaysa mid ku cusub dhinaca saamaynta siyaasadda Somaliland, iyadoo alaaba Siyaasadda Somaliland, loo dirijiray degaan kasta Wasiirka ka soo jeeda. Balse Safiirkii hore ee Ireland iyo Wasiirada Waxbarashada ayaa labadooduba degaan ahaan waxay ka soo jeedaan Magaaladda Hargaysa, hadana waxay ku guuleysteen ka odayeynta Madaxdhaqameedka Gobolka Saraar oo kamid ah gobolada ugu bariyeeya Somaliland.

 

WAJAALENEWS.COM

HARGESISA\\OFFICE

 

COMMENTS
LINKS