PROFESSOR SAMATER MID BAAN IDHI… by Max´d A. Ali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
PROFESSOR SAMATER MID BAAN IDHI… by Max´d A. Ali
June 3, 2013 - Written by Wariye:

WajaaleNews.net (WJN):-  Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafadda xorta ah iyo tan dawladdaba. Waxaanan idiin

 

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafadda xorta ah iyo tan dawladdaba.  Waxaanan idiin rajaynayaa in hawsha baaxadda leh ee  aad dadka macaamiishiina ah u haysaan aad halkaas ka sii wadaan.  Run ahaantii ma ay suurta-gasheen in adeega wareed,   xogeed iyo ra´yiba uu sidan dhakhsaha ah u gaadho loo-adeegaha meel kasta oo ay joogaanba.

 Aan u soo dego dulucda abbaartayda, sida aan ka dheehday shaashadaha la iska arko ee Af-Soomaaliga ku hadla isla markaasna ay qorayeen beryahan-ba Joornaalladda Maxaliga ah iyo Mareegahuba,  waxa maanta dalkiisii hooyo ku soo gurya-noqday Professor Axmed

Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan Reer Somaliland ah.  Haddaba Professor Samater,   dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacab weynaha Reer Somaliland-ba mid-ba hal baan idhi:-

 Professor Samater hal baan idhi:-    Waxaan leeyahay Professor-ka  ku soo dhowow dhulkaagii hooyo iyo dadkaagii Reer Somaliland oo muddo aad  u dheer aad ka maqnayd.  Professor dad baa odhan jiray Prof. Samater haan gun la´ ayuu dhaaminayaa.  Wuxuuna wakhtiga iskaga luminayaa dad aan garanayn macnaha XORIYADDA iyo CADAALADDA.  Dadkaasuna waa Reer Somalia oo ay dishootay qabyaalladda xun,  xin iyo xaasidnimo kuwaas oo aan iyagu iyo qeyrkood-ba aan waxba u ogolayn.

 Anigu dadka fikirkaas aaminsan lama qabo,  waan run  oo waan ku raacsanahay in Prof. Samater wakhti badani kaga lumay Somalia laakiin waxaan Professor kugu la talinayaa in macluumaadka iyo xogta aad ka hayso Somalia  BUUGAAG ka qor si ay uga faa´iidaystaan dadka maanta iyo  jiilasha soo socda ee  Af-Soomaaliga ku hadla.  Waxaan sidaas u leeyahay-na waxay tahay waxa jiray khaladaad badan oo is-dul-fuulay oo dhacaayey laga soo bilaabo markii aynu xoriyadda qaadanay ilaa maanta-na soconaaya oo ay tahay in wax laga barto.

 Professor Samater wakhtigan xaadirka ah waxaan kugu la talin lahaa in aanad galin siyaasadda Somaliland.  Horta waa in aad xaaladda dalka iyo dadkaba fahantaa,  meelaha aad is-leedahay wax-baad ka qaban kareysaa-na aad ka shaqeyso ka dib marka aad meel la is-odhan karo wallaahi wax baad kor u soo qaaday markaas dadkuba way kuu yeedhan.

 Shacab Weynaha Reer Somaliland-na mid baan idhi:-   Professor Samater wax xumaan ah oo uu u qabay Reer Somaliland may jirin haba-yaraate eh,  waxa uu doonaayey waxay ahayd wanaag Soomaaliyeed uun  nasiib daro-se walaalaheen Reer Somalia waxa uu ka hadlaayeyba Professorku may fahmin waana sidii innagu dhacday 1960kii markii aynu xoriyaddeenii u geynay si SHANTII SOOMAALIYEED ee gumaystaha ku hoos jiray loo helo. Maanta laga bilaabana cid Reer Somaliland ah oo Professor Samater xumaan u qabtaa ma jirto.

 Professor Samater 1960kii caruur buu ahaa haddii-se uu joogi lahaa maalintaas wakhtiba iskaga muu lumiyeen laakiin waxa uu is-lahaa WAXBAA KHALDAMAY EH SAX waayo ma ay jirin cid ilaa maanta wax ka qortay wixii Reer Somaliland ku dhacay oo uu Professorku tix-raaco si uu uga weecdo in aanu mar-dambe bohoshaas ku dhicin qof Reer Somaliland ahi markaas Reer Somaliland ha soo dhaweeyaan Prof. Samater hana ka faa´iideysteen aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa uu u leeyahay caalamka iyo gaar ahaan cida xiise u qabta muruga xaaladda Somalia.

 Ugu dambeyn dawladda Somaliland-na mid baan idhi:-   waxaan ka codsan lahaa dhamaan laamaha amaanka dalku waa in ay ilaalo khaas ah siisaa Professor-ka.  Waxaan sidaas u leeyahay-na waxa weeyaan arrimahan hoos ku qoran dartood:-

1.  Waxa laga ilaalinayaa dad aaminsan mabda´ Somaliweyn been ah oo u arki kara in Professorku xagal daaciyey hamigoodii hunguriga ku dhisnaa kuwaas oo dalka iyo dibedda-ba jooga cid-kastana leh Reer Somaliland iyo Somalia-ba.

2.  Waxa laga ilaalinayaa dad ka dida cid kasta oo ay u arkaan in uu aqoon iyo saqaafad aan tooda ahayn wadata kuwaasoo beryahan dardartoodu sareyso.

3.  Waxa laga ilaalinayaa dad waxa uurkooda ku jira ka dida oo is-odhanaaya wallaahi sirtaadii fashilantay.

4.  Waxa laga ilaalinayaa cid kasta oo xumaan iyo deel-qaaf wadata oo aan samaha iyo nabadda ku xanuunsada.

Max´d A. Ali

maali.har@gmail.com

Dooxa

Gadar

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS