|
|||||
WAJAALE NEWS
Prof Axmed ismaaciil samater Oo khud bad u jeediyey Ardeyda Jaamacada Tima-ade University
June 27, 2013 - Written by AuthorHargeysa (Wajaale News)- Prof Axmed ismaaciil samater ayaa khudbada u jeediyey ardeyda kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Tima-ade university, abaaro 9:30kii subaxnimo ayuu profaxmed ismaaciil samater lagjar ka bilaabay hoolka dawlada hoose ee degmada gabiley,waxaan ka soo Qayb galey Maamulka Jaamacada Timaa-ade university, macalimiinta jaamacada, aqoonyahano. Intii aanu bilaamin lagajarku waxaa halkaasi profka kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha jaamacada Tima-ade university DR cismaan aw yuusuf Magan, waxaanu ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey jaamacada Tima-ade, waxaanu u mahad celiyey prof samater, waxaanu yidhi” Jaamacada Tima-ade waxa bisha 9aad ka qalin jabinaya ducadkii ugu horeysay oo tiradoodu gaadhayso 100 ardey,waxaan u mahad celinayaa prof samater sida wanaagsan ee uu inoogu yimid gobolka,Gabiley waa magaaladii uu waxbarashada ka bilaabay,waa hoygiisii,jamacadu waxay ka kooban tahay 7kuliyadooda, habeenkii waxaa dhigta dhamaan shaqaalaha iyo dadka waa weyn ee dagaaladii ka baabiiyeen waxbarashadoodii.” Suldaan ibraahin jaamac samater oo ka mid ahaa madaxdhaqameed gobolka gabiley oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahad celiyey profs mater sida wanagasan ee ugu faano goblkiisii, waxaanu yidhi” prof axmed markii uu soo degay wuxuu balan qaadey ina gobolka ugu horeeya ee uu safaka ku tagayaa uu noqdo gabiley, waxa kale oo usheegay inuu safarkiisa kusoo gabogabeyn dooano ,runtii intiiba wuu fuliyey aad iyo aad bu u mahd san yahay.” Prof Axmed ismaaciil ayaa kuudbad dheer ujeediyey boqolaal ka mid ah ardeyda jaamacada Tima-ade ee magaalada gabiley, waxaanu ka warbixiyey jaamacadaha uu waxyaabihii uu kusoo arkey gobolada somaliland, waxaanu yidhi”waxaad tihii ardey jaamacadeed, waxaa la idiinka baahan yahay inaad dadaashaan oo aad ka faa,iideystaan aqooonta jaamacada,jaamacadu waa inay yeelataa laybareeli, ma digu jaamacada aan jooga laybareeligeed waxaa yaala 7000kun oo buga, waan ka halka aqoontu taalo, runtii dhalinyrada reer gabiley waxaa u yaala tartanka culus oo ay la galaan dhigooda gobolada kale, waxaan reer gabiley looga baahan yahay inay jaamacada gacan qabtaan oo ay garab istaagan intii karaan kooda ah, runtii goboladii aan soo marey waxaad meel walba ku arkeysay kala danbayna iyo nidaam dawladeed oo yaal,waxaan loo bahan yahay inaynu adkeyno. Ardeyda jaamacada ayaa halkaasi su,aalo ku weydiisay prof axmed ismaciil samater waxaan su,aalahaasi ka mid ahaa Horta qabiilku waa koox dad ah oo is urursadey oo doonay inay dadka dhacaan oo xoolo ayna lahayna qaataan, waxaan bulshada looga ilaalin karaa iyada oo sameeyo wacyi galin iyo ina dhalinta soo koreysa laga ilaaliya qabyaalada Ma ku talo jirtaa inaad ka qayb qaadato horumarka gobolka gabiley?
Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|