Ninka Labaad Ee Dunida Ugu Dheer Husein Bisad Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Dhago Nuglaanta Cali Xoor-xoor, Iscasilaada Maareeye Ku Xigeenkii Labaad ee Dekeda Berberana Soo Dhaweeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninka Labaad Ee Dunida Ugu Dheer Husein Bisad Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Dhago Nuglaanta Cali Xoor-xoor, Iscasilaada Maareeye Ku Xigeenkii Labaad ee Dekeda Berberana Soo Dhaweeyay.
June 24, 2013 - Written by Wariye:

(wajaale news) Monday, June 24, 2013
Mustafe Maxamed Yoonis oo isagu ahaa Maareeye Ku Xigeenkii Labaad ee Dekeda Berbera, waxaanu ka damqaday xaqdaradda iyo dulmiga uu dadka ku hayo Cali Xoor-xoor?

 

Hargeysa (wajaale news )- Ninka Ugu Baabacda Weyn dunida, dhinaca kale noqonaya Ninka labaad ee dunida ugu dheer Xuseen Bisad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka guracan ee uu Maareeyaha Dekeda Berbera ugu shaqaynayo xukuumadda.

Waxa uu xusay in uu maareeyuhu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u dulayn lahaa shacabka Reer saaxil.

Waxa uu xukuumadda ugu baaqay in ay kala doorato shacabka ku dhaqan Magaalada Berbera iyo Eng. Cali Xoor-xoor oo ah maareeyaha Dekeda Berbera, waxaanu si aad ah u soo dhaweeyay Iscasilaada Maareeye ku xigeenkii labaad ee Dekeda Berbara Musatafe Maxamed Yoonis.

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar  uu goor dhaweyd la

soo xidhiidhay wajaalenews.com,  waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  Anigo aha hussein mohamed bissad ahan muwadiin reer somaliland ah oo ka soo jeeda xarunta gobolka saxil ee berbera waxaan aad iyo aad uga xumahay fargaliinta uu Maareeyaha dakada berbera mr cali xoor xoor Uu ku hayo Golaha Deeganka Magaalada Berbera oo aan uu doranay in ay Gobolka hore umariintiisa iyo bilacadeedaba ay ka shaqeeyaan? isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi

Iyagu dhulka danta guud ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wareegtada ka soo saaray ee uu leeyahay wuu ka caagan yahay dad weynaha iyo halka ay dadku iska leeyihiin ee ay hore sharciga ugu sameeyeen Mayoradii ka horeeyay ama dawladii Ka horeysay tan Kulmiye umadda Reer Berbera ayaa iska leh, Cali Xoor-xoorna ka yeeli mayno in ay Dawladu timaado oo nagu karbaashto, anaguna noqon mayno ushii Shacabka reer Berbera lala dhici lahaa, Berbera iyo cali Xoor-xoorna, Berbera ayaa culus? ayuu yidhi.

 

Waxa uu u soo jeediyay Xukuumadda in ay kala doorato shacabka Reer Berbera iyo waliba Cali Xoor-xoor, waxaanu hambalyo u soo jeediyay Maareeye ku xigeenkii Labaad ee Dekeda Berbera Mustafe Waxdad oo isagu iska casilay xilkii uu ka hayay Dekeda, waxaanu yidhi ?Xukuumadu waa in ay kala doorataa Cali Xoor-Xoor Iyo Dadka Ku Dhaqan Magaaladda Berbera, waxaanan halkan ka cadaynayaa in aanu taageersanahay Is-casilaada Uu Xukuumadda Kulmiye iska casilay Mustafe Maxamed Yoonis oo isagu ahaa Maareeye Ku Xigeenkii Labaad ee Dekeda Berbera, waxaanu ka damqaday xaqdaradda iyo dulmiga uu dadka ku hayo Cali Xoor-xoor? ayuu yidhi.

wajaale news

Maxamed Soobe

Hargeisa Somaliland

COMMENTS
LINKS