|
|||||
WAJAALE NEWS
Muqdisho: Garoonka Diyaaradaha oo Xiisad ba’ani ka taagan tahay ka dib markii Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Reer Galbeedku Dalbadeen Inay Su’aalo Weydiiyaan Xasan Daahir Aways Oo Madaarka Ka Soo Degay Isla Markaana Kooxdii La Socotay Ay Diiday
June 30, 2013 - Written by AuthorHargeysa (Wajaale News)- Madaarka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad tii ugu darrayd maanta goor dhawayd ka dib markii ay ka degtay diyaaraddii wadday Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa xarakadda Alshabab dhawaana isku soo dhiibay magaalada Cadaado ciidanka maamul goboleedka Ximman iyo Xeeb. Xiisadda ayaa dhallatay ka dib markii Xasan Daahir Aways uu soo caga dhigtay madaarka Muqdisho, ka dibna ay gudaha madaarka soo galleen koox ka tirsan sirdoonka dalalka maraykanka, ingiriiska iyo faransiiska oo doonaayey inay su’aalo weydiiyaan Xasan Daahir Aways, balse waxaa diiday in ay la hadlaan oo loo ogolaado Xasan Daahir nimankani sirdoonka ah, kooxdii la socotayoo ay ka mid ahaayeen madaxii warfaafinta ee xisbul islaam Sheekh Maxamed Macalin, Maxamed Cismaan Caruus oo ka mid ah madaxda maamul goboleedka Ximmin iyo Xeeb oo ka soo raacay magaalada Cadaado diyaaradda iyo todoba xubnood oo ka mid ahaa xubnahii la socday Xasan Daahir Aways ee ay ka soo wada fakadeen magaalada Baraawe. Boqolaal ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Habar-gadir, dadweyne kale iyo xubno taageerayaal u ah Xasan Daahir Aways ayaa iska soo buuxiyey gudaha madaarka, waxaana ay keentay in ay si weyn usoo dhaweeyaan, balse markii loo sheegay in gacan ku hayntiisa lagu wareejinayo ciidamo loo yaqaano Alpha Forces oo ah ciidamo afka duubta oo lagu soo tababaray dalka dibadiisa ayaa xiisadani dhalatay. Waxaa weli ka jira gudaha madaarka Buuq iyo sawaxan dhex maraya taageerayaasha Xasan Daahir Aways iyo ciidamadda goobta ku sugan oo ay wehelinayaan saraakiil sirdoonka dalalka reer galbeedka oo weli doonaya in loo soo gacan geliyo Xasan Daahir Aways si ay su’aalo u weydiiyaan. Xasan Daahir Aways ayaa diiday inuu gudaha u gallo magaalada Muqdisho oo uu dhaafo madaarka, isagoo sidoo kalana diiday inuu la kulmo oo ay wax isweydaarsadaan wefdi ka yimid dhinaca xukuumadda Muqdiho oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha oo isku dayaya ilaa hadda inay xiisadda dejiyaan. Wararka soo baxaya ayaa tibaaxaya in markii maanta Xasan Daahir Aways loo soo qaadaayey dhinaca Muqdisho, isla markaana laga soo kaxaynaayey Cadaado heshiiskii lagula heshiiyey ahaa in si nabadgelyo ah uu ku dhaafo magaalada Muqdisho iyadoo aan wax hadal ah aanu la yeelanaynin cidna. Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|