Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daah Furay Jaaliyadda East London Ee Somaliland Oo Ka Dhacday Bariga London+ Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daah Furay Jaaliyadda East London Ee Somaliland Oo Ka Dhacday Bariga London+ Sawiro
June 24, 2013 - Written by Wariye:

(Wajaale news) Monday, June 24, 2013
Halkan ka akhriso kana daawo sawiradda

DAAWO SAWIRO IYO WARBIXIN…XAFLAD LAGU DAAH -FURAAYEY JAALIYADA EAST LONDON SOMALILAND SOCIETY OO KA DHACAY BARIGA LONDON.

Xaflad balaadhan oo lagu aas aasayey jaaliyadda Somaliland ee east London ayaa ka dhacday hoolka caanka ah ee xafladaha lagu qabto kuna yaala xaafada Bethnal green ee bariga London.
Munaasibadan oo ahayd mid ilyartu isqabatay ayaa waxa isugu yimid dad tiradoodu ku dhawdahay 300 oo qof oo ka kala yimi magaalada London iyo nawaaxigeeda.

Waxa kale oo iyana xafladaa ka soo qayb galay masuuliyiinta xisbiyada,safiirka Somaliland, wakaalada qurbe jooga, jaaliyadaha Somaliland,Salaadiin, wax garad

haween iyo dhamaan qayabaha kala duwan ee bulshada.

Agaasinka xaflada oo ahaa mid aad u sareeya ayaa ugu horayn waxa hadalka furay yaasiin maxamed Cosman(Guray) oo isagu ahaa daadihiyaha barnaamijka oo runtii aad u qurux badan barnaamijka u hagayay, waxana uu ugu horayn ku soo dhaweeyay gudoomiyaha gudida qaban qaabada Mudane C/xakiim Maxamuud C/raxmaan(cadaani), oo isagu hormuud u ahaa gudidii hawshan iska xilsaartay iskuna soo duba riday.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay masuuliyiin farabadan oo uu kamid yahay G/xigeenka kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,Safiirka Somaliland,wakaalada qurba joogta oo dhamaantood soo dhaweeyay jaaliyadan ee cusub ee east London laga hirgaliyay.
Ugu danbayntii xafladan ayaa ku dhamaatay jawi aad u qurux badan.

IMG_6708 IMG_6711 IMG_6713 IMG_6732 IMG_6736 IMG_6738 IMG_6745 IMG_6748 IMG_6757 IMG_6763 IMG_6772 IMG_6775 IMG_6779 IMG_6785 IMG_6792 IMG_6793 IMG_6794 IMG_6797 IMG_6798 IMG_6799 IMG_6811 IMG_6817 IMG_6821 IMG_6823 IMG_6824 IMG_6830 IMG_6838 IMG_6845 IMG_6848 IMG_6850 IMG_6853 IMG_6858 IMG_6860 IMG_6868 IMG_6870 IMG_67851 IMG_68401 Salaan-media_005 Salaan-media_0022

 

 

COMMENTS
LINKS