|
|||||
WAJAALE NEWS
Meeliishaad Dalxiiseyaal ku laayay Bakistaan
June 24, 2013 - Written by Wariye:slamabad (wajaalenews)-Meliishaad ka mida kuwa Islamiyiinta ah ee dalka Bakistaan ayaa sagaal ruux oo dalxiiseyaal ah ku laayay Woqooyiga dalkaasi. Dalxiiseyaasha ayaa maalinimadii Axada gelinkeedii danbe booqanayay Buuraha dhaadheer ee ku yaal Woqooyiga dalkaasi oo ah degaan aad u nabdoon. Meliishaadka laayay dadkan dalxiiska ku gudo jiray ayaa ku lebiisnaa direyska ciidamada amaanka ee dalka Bakistaan. Sagaalka Ruux ee la laayay ayaa ka soo kala jeeday dallaka Ukraine oo shan ka mid ahi ka yimaadeen,sadex China u dhashay iyo mid Ruush ah. Meliishaadka ayaa sidoo kale weerarkan ay ku qaadeen dadkan dalxiiska ku gudo jiray ku dilay ruux u dhashay dalka Bakistaan. Dilkan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee sanadadii u danbeeyay lala beegsado dadka ajaanibta ah ee dalka Bakistaan u dalxiiska taga. Dhacdadan ayaa sababi karta hoos u dhac baaxad leh oo ku yimaada dalxiishayaasha xili uu dalkaasi hore u lumiyay intii badneyd dadkii booqan jira wajaalenews.com
Related posts:War DegDega:Madaxweyne Silaanyo Oo Isku Shaandhayn Isugu Jirta Magacaabis,Xilka Qaadis Iyo Isku Bada... Xukuumada Somaliland Oo Wasiiro Cusub U Soo Diraysa Xariirad Oo Xiisadeedii Wali Cakiran Tahay. Madaxweyne Biixi Markuu SNM Ku Biiray, Ninkii Waalidkii Jabuuti Geeyay Si Aan Kacaanku Udhibaatayn, ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|