Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xoriyadoodii u soo Celisay laba nin Oo hore Dil loogu xukumay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xoriyadoodii u soo Celisay laba nin Oo hore Dil loogu xukumay
June 30, 2013 - Written by Author

Hargeysa (Wajaale News)- Maxkamada sare ee Ciidanka Qaranka ayaa maanta fadhi ay yeelatay Xorriyadoodii u soo celisay Laba Racfaanle oo hore loogu kala xumay Dil iyo Xadhig.

Go’aan ay soo saartay Maxkamada sare ee Ciidamada Qaranka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somaliland.Org ayaa waxa ay maxkamdu ku Go’aamisay In xorriyadoodii loo soo celiyo-

-Racfaanle Maxamed Cismaan Aadan oo hore ugu xukunaa dil

– Iyo Racfaanle- Cali Maxamed Dirir oo hore ugu xukunaa Toban(10) sanadood oo xadhig ah.

Ka dib markii Racfaanlayaasha Loo waayey Markhaatiyaal wax ku cadeeya. Waxaanay Maxkamadu u Cuskatay Xukunkeeda Qur’aanka Kariimka, Dastuurka iyo Qodobada 122 Xeerka ciqaabta ciidamada xilliga Nabada(XCCN) iyo Qodobka 109 ee Xeerka Ciqaabta Guud(XCG) .

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS