Madaxweyne, Siyaasiyiin Badan Ayuu Hami Galay: Cumar M. Faarax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne, Siyaasiyiin Badan Ayuu Hami Galay: Cumar M. Faarax
June 26, 2013 - Written by Author

Waa Raadadka dawladnimadda iyo astaanta maamul wanaaga in qofkii xilkasnimo lagu tuhmaba waajib qaran loogu yeedho inuu maamulka dawliga ah ee qori-isku dhiibka ku dhisan maalmihiisa ka qayb qaato hawlaha qaranka iyo u adeegida bulshada.

Waxa Rag iyo Dumar kolba cid sida turubka loo baandhaynayaa masuuliyadana loogu xambaarinayaa, waa hal qaran oo leh u jeedo qudha. Waana taa a sababta ahmiyadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud laabta ku haystaa. Waana taa sababta uu xilal iyo mansabyo ugu magacaabayaa siyaasiyiin mucaarid ku ahaa, kuwo aflagaadayn jiray iyo kuwo aanu aqoon hore u lahayn oo uu ku qancay aqoontooda iyo taariikhdooda waaya aragnimo.

Ma aha Markii u horeysay oo uu Madaxweyne Siilaanyo golihiisa Xukuumadda ku soo daro siyaasiyiin mucaarid ah, waxase u danbeeyay Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray muddada rubuc qarni ku dhawaadka ah ee Somaliland ku naaloonaysay madax-banaanideeda.

Waxay ahayd niskii dambe ee habeenkii Salaasadii markii uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo soo saaray Digreeto uu ku sameeyay xukuumaddiisa isku shaandheyntii ugu balaadhnayd muddada saddex sano ku dhawaadka ah ee uu hayay xilka madaxwaynenimo
.Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ahaa daynabooyinka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa loo magacaabay Wasiirka Daakhiliga, waxaanay bulshada Somaliland aaminsan yihiin in Cali Waran Cadde waayo-aragnimadiisu ay u sahlayso inuu ka jibo keeno Wasaaraddaas laf-dhabarta u ah qaranka.

Waxa kale oo ku jira Wasiirradda cusub uu madaxwayne Siilaanyo magacaabay Maxamed Jaamac Ab-gaal oo loo magacaabay Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu soo fadhiyay gandhka cayda iyo carrooga canbaareynta, hadh iyo habeena dhaliili jiray siyaasada xukuumada madaxwayne Siilaanyo.

Dhaqankan cusubi waxa uu suulinayaa siyaasadihii xukuumadii saddexaad ee ka horeysay dawladda Madaxweyne Siilaanyo. Waxaa Madaxweynihii kurisga sida sharafta leh uga degay ee Daahir Rayaale Kaahin uu xubnaha golaha Wasiirradda iyo masuuliyiinta laamaha dawladda uu ku xulan jiray inay yihiin kaadariin si weyn u cabsan siyaasadda xukuumaddiisa iyo xisbigii UDUB. Waxa xiliyada qaarkood soo bixi jiray warar sheegaya in siyaasiyiin ka tirsanaa xukuumadii UDUB ay xilal ku waayeen waxa uu la majlis yahay oo ay meel wada fadhiistaan xubno mucaaridka ka tirsan ama taabacsan.

Dhif iyo naadir ayay ahayd in Madaxweynihii hore uu xil u magacaabo masuul ka soo jeeda axsaabta mucaaridka ah. Inta la xasuusan yahayna hal mar ayay dhacday oo waxa uu Wasiirka caafimaadka u magacaabay Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ahaa Golihii dhexe ee xisbiga KULMIYE oo wakhtigaasi mucaarid wayn ku ahaa xukuumadii Daahir Rayaale.

Siyaasaddan uu madaxwayne Siilaanyo jideeyay ee aan dadka fikirkooda lagu faqooqayn ee uu xilalka aadka muhiimka u ah ugu magacaabayo mucaaridka waa dhito wanaagsan iyo cashar cibro mudan oo buugiisa diiwaanka taariikhda bogga hore ka gelaysa madaxweynaha Somaliland oo la rabo in qayrkiina ay kaga daydaan.

Dhaqan-siyaasadeedkan cusub ee uu Madaxweynuhu balaysimay waxay sababtay in xubno badan oo ka mid ahaa Xukuumaddii Rayaale ay is dabo-qabateeyaan oo ay wax ka bedelaan hab-dhaqankoodii hore isla markaana ay joojiyaan inay eedeeyaan xukuumadda, waayo waxa galay hami ah in iyagana maalin uun magacoodu ku soo bixi doono Digreetooyinka Golaha Xukuumadda.

Waxa qorshahan bar-bar socda wada tashiyo joogto ah oo uu Madaxweynuhu la yeesho axsaabta mucaaridka ah iyo goleyaasha Baarlamaanka ee ay xukuumadii hore kala irdhoobeen, waxa la galay cahdi is-faham iyo wada shaynta dhadhaarada qaranku sida ay dastuuri u yihiin isulana jaan-qaadayaan. Waana jidka keliya ee qarankan curdinka ahi uu ku beegsan karo himilooyinkiisa qaran ee uu ugu halgamayo inuu madax-banaanidiisa dhacsiiyo beesha caalamka.

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS