Madaxweyne Siilaanyo: Shalay Iyo Maanta – Faallo:Maxamed Sagax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo: Shalay Iyo Maanta – Faallo:Maxamed Sagax
June 28, 2013 - Written by Author

Hadaad doonayso inaad ogaato barito Aabaheed iyo Hooyadeed waa shalay iyo maanta, madaxweyne Siilaanyo oo dalka hogaaminayay muddo saddex sanadood ah oo la filayay inuu wax badan ka badali doono habdhaqanadii xukuumadii Rayaale ay kaga codeyeen shacbigu ayaa nasiib daro, waxyaalihii Madaxweyne Siilaanyo uu ku dhaliili jiray xilligii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo xilliyadaasi ahaa xisbi mucaarid ah, ayaa ficiladii la foosha xumaa axdigii mucaaridka ay la qurux bateen markii uu kursiga dalka ugu sareeya ku fadhiistay, iyadoo la odhan karo muddadii saddexda sano ee Axmed Siilaanyo hogaaminayay waxyaalaha dhacay dalka kamay dhicin xilligii maamulkii xisbiga Udub ay dalka ka talinayeen, iyadoo waxyaalaha ay sii laba jibaareen Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay ka mid ahaayeen waxyaalihii shacbigu ay kaga codeeyeen maamulkii Udub.

Marka la qiimeeyo waxyaalihii Madaxweyne Siilaanyo uu ka qaylin jiray xilliyadii uu hogaaminayaha mucaarid ahaa, isla markaana uu ku tilmaami jiray iyo dhaliilaha culus ee uu soo jeedin jiray xukuumada Udubm isla markaana uu balanqaadi jiray in haddii la doorto uu wax weyn ka badali doono oo noqday kuwo hungo ah, isla markaana ahaa waxyaalihii shacbiga ay codkooda ku siiyeen xisbiga Kulmiye, balse noqday muddadii Kulmiye hogaanka talada dalka hayay la mood noqonse waa, laguna tilmaamo xukuumada Kulmiye mid aanay wajigeeda iyo adimadeedu islahayn, isla markaana ah kuwo dhabana hays ku noqday shacbiga, ayaa waxa ka mid ahaa:-1. Xadhiga iyo cabudhinta Saxaafada iyo xoriyatul qawlka, taas oo ay dhacday suxufiyiin ku dhaw boqol xabsiyada loo taxaabay,

2. Mudaharaadyada shacbigu jy muujiyo cabashooyinka ay tirsanayaan oo loo adeegsado awood ciidan iyo rasaas aan loo aaba-yaalin, ay dhacday  maanta in dhalinyaro badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

3. Cabiraada fikirka qofka iyo dhaliilaha oo shalay ula muuqday xuquuqda distoorku muwaadiniinta u jideeyey, ayaa maanta ula muuqda qaran dumis oo xabsiga layskugu taxaabo.

4. Ciidamada lagu hujuumo dadka la soo xidhayo oo uu ku tilmaami jiray Xaaraan, ayaa maanta gaadhay heer ay xalaalaystaan habdhaqanadii rajiimkii Siyaad Barre ee dadka saqda dhexe ee habeenkii guryaha kala bixi jiray, kuwaas oo marka wax dambiya lagu waayo muddo ka dib la soo dayn jiray, iyadoo muwaadiniinta lagu xadgudbay xuquuqdooda aasaasiga ahna layskaga tiring, habdhaqadaas oo dadweynuhuna soo xusuusiya kalidii taliyihii Siyaad Barre iyo ciidamadiisii dalka ka amar ku taaglayn jiray.

5. Xayiraada iyo xadhiga suxufiyiinta oo shalay ku tumasho distoor iyo kali talis ula muuqday ayaa maanta maamulka Madaxweyne Siilaanyo tuur la yeeshay, gaadhsiiyayna heer wargeys dhan xayiraad laga saaro soo saaristii daabacaada wargeyska.

6. Habdhaqanka warbaahinta dawlada ee wararka ay baahiyaan dhinaca xukuumada buun-buuninteeda iyo barnaamijyada kacaamaysan ee laga sii daayaa ay dhibi jireen madaxweyne Siilaanyo xilliyadii mucaaridka, kuna tilmaami jiray qayrul distoori iyo diktaarooriyad, ayaa maanta la noqday kuwo tubtii saxa ahayd ku taagan, iyadoo wax iska badalayna aanay jirin warbaahinta afka dawlada ku hadasha.

7. Cadaalad darada hay’adaha garsoorka oo madaxweyne Siilaanyo si weyn uga guban jiray waayihii mucaaridnimo, ayaa maanta gaadhay heerkii ugu liitay ee cadaalad daradu gaadho, taas oo la arkay masuuliyiin lagu xukumay xatooyo qaran iyo mucaawinooyin la musuqmaasuqay hadana maxkamadii xukunka ku riday ay xukunkeedii hore burisay, taas oo aan wax talaabo ah laga qaadin ciddii iska lahayd xukunada iyo labada go’aan ee ka soo wada baxay maxkamada.

La Soco…….

Faallo: Maxamed Sagax

 

 

COMMENTS
LINKS