Madaxwayne Obama oo tagay Koonfur Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Obama oo tagay Koonfur Afrika
June 29, 2013 - Written by Author

Hargeysa (Wajaale News)- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku suggan dalka Koonfur Africa, lugtiisa labaad safar uu ku kala bixinayo sadax wadan oo Africa ku yaala , booqasho uu uga gonleeyahay sidii uu u horumarin lahaa, xidhiidhka ganacsi ee Africa iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Koonfur Africa  Jacob Zuma  ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyey Mr. Obama iyo marwadiisa Magaalada Pretoria maanta oo Sabti ah.
Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan laba geesood ah, iyagoo caawana isla casheyn doona.

Lama hubo In Obama uu cusbitalka ku booqan doona Mandella iyo in kale.
Dhinaca kale Xaaskii hore ee Madaxweynihii Konfur Africa Nelson Mandella ayaa sheegtay in xaaladisa caafimaad ay soo hagaageysay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Winnie Madikizela-Mandela ayaa wariyeyaasha kula hadashay banaanka gurigii hore ee Mr. Mandella uu ku lahaa magaalada Soweto Jimcihii shalay, xilli madaxweynihii hore ee koonfur Africa uu ku jiro maalintiisii 20aad cusbital ku yaala magaalada Pretoria.

Warka rasmiga ah ee dowladda ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Mandella ayaa weli ah in xaaladiisa ay weli halis tahay laakiin ay degentahay.

Khamiistiina Gabadha uu dhalay mandella Makaziwe ayaa sheegtay in aabaheed uusan u muuqan qof caafimaad ahaan soo wanaagsanaanaya, laakiin bey tiri uu indha kala furayo oo markii la taabtana uu dareenkiisa joogo.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS