|
|||||
WAJAALE NEWS
Maansada DHUFAAN oo uu Sammeeyey Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)
June 30, 2013 - Written by AuthorHargeysa (Wajaale News)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa Habeen dhawayd Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku qabtay Xaflad balaadhan oo uu ku soo bandhigayay Maansooyin Cusub oo uu sammeeyey. Sida intiinii aragtayna ay la socdaan warkan hore ayaanu u baahinay, hasa yeeshee, Shabakada Wararka ee Wajaale News ayaa la jeclaatay Akhristayaasheeda in Maalinba Gabay aanu idiin soo qorno. Waxa ugu horayn doona Maansada la Magac baxday Dhufaan oo uu Abwaanku halkaasi si farshaxanimo leh uu ugu soo bandhigay. Waa kan Abwaan Weedhsame oo sharaxaad ka bixinaya Maansadan, waqtiga ay soo baxday iyo sababta ka dambaysay. waxa hadda xilkii ka degay madaxweynihii masar ka dib markii muddo ku dhaw 20 cisho (18 cisho ) ay isku soo baxyo baahsan dhallinyartu ka waday fagaaraha TAXRIIR. Taariikhdu waa 11/febuary/ 2011 waan a maalin jimce ah. Damaashaadka keli-taliyahaa gelbaday anigoo ku jira lana dhacsan sida geesinimada leh ee dhallinyarada masar u midawday ugana dhiidhiday keli noolaanshaha dabaqada dhiigyo cabka ah ee xilka haysa. Waxa mar qudha farxadaydii hakad gelisay su,aal aan is weydiiyey oo ahayd: toloow adigana dhallintaadu maalin maalmaha ka mida sidan ma ugu midoobi doonaan ka tashiga aayaha iyo danta ummadooda, iyagoon dhexdooda aanay ku jirin qabyaalad iyo kala shiridi? Waxan mar keliya qawaday nolosha dir-sooca ah ee dadkaygu ku jiro. Waxa duunkayga hoose gelgilay sida loo kala daadiyey cududdii dadkayga horumarin lahayd. Libta iyo guusha ay suntadeen dadyowga reer tuunisiya iyo masar waxay igu noqotay toosh lagu ifiyey iintayda hoose iyo boogta aan dugsado. Nabarkii aan dusha ka dhayayey muddada badan ayaan is tusay inan dhidhkiisa saro oo aan ku dhiirado ka badheedhkiisa. Waxa mar qudha ii soo baxay inay QABYAALADU tahay dib u dhaca ugu weyn balse la iska indho tirayo, dagaalkeedana looga gaabsanayo sababo salka ku haya dano shakhsi ah iyo cabsi laga qabo ka hor tagga hab-dhaqanka qabaliga ah ee bulshada caadada u ah. Waxay tidhi maansadii; waxan gabayga ku bilaabay hadal aan kula hadlayo wiilkii is gubay ee (MAXAMED ABU CASIISI) Maansadu waxa tidhi:
DHUFAAN
Food-caddoow aday kaa dhab tahay sharaf la dhawrtaaye Ina xaashi dhamac baa ku baray maanso dhilideede, Intaan dhaafo ii arag halkaan dhidibka weydaarsho, Dhammays maaha aadmiye I qabo qadaf ha ii dhuubin, Dhaliishayda ii sheeg xaqaa lagu dhawaaqaaye.
Markay heesta dhawdhawle iyo taagan tahay dheesha Waa dhaayo guudkood tixdaad soo dhabdhabataaye Haddii loose dhaadhaco guntoo dhuuxa laga soohdo, Laan-dhaare gabay baa murtida laga dhalaashaaye, Ragbaa kaban ku dhuuntiyo durbaan dhawr qof codadkoode, Mid iskii u soo dhaashadoo dhaadan lana dhiibshay, Nin dhaguugayoow caawa kani waa mid dhaladkaas leh.
Inkastoo dhabada aan qabsaday naanni lagu dhoobay, Inkastoo dhadhaab yaala iyo shiil-cad dhego beelay, Bal inaan hal dhagax qaadi karo waan is dhibayaaye, Ha is dhiibin maankaa i faray quusi ma leh dheefe Ifku waa dharaaree haddaan mawdku iga dhaabin Dheg-xarraan kun diidiyo barbaar dhaafsan qoladooda, Rag dhabeeya yoolkaan higsaday dhaayo inan saaro, Maalintaa dhammoow aan jiraa waan dhursugayaaye.
Dhimashadu xaq weeyoo halyey geeri loo dhalaye kamay dheefin nimankii ku dhibay dhederbigaagiiye dharaaraba adoon mootanayn dheelmay caligiiye alleylehe dhabbaad jeexdayoo qaaday dhacantiiye carabtii miyey wada dhameen dhiilka cadhadaada? dhallintiyo barbaartii miyaad ciilka dhaxalsiisay? dhacdadiyo shilkaagii miyey dhaharo naafeysay? siday kuugu dheeleen miyaa loogu dhagax qaaday? dhamacdiyo dabkaagii miyaa uunku ku dhalaalay? tuunis dhimbiishii miyey dhaaftay kana dhooftay? beri dhexiyo suudaan miyaa jiifka laga dhaartay? saw dogobyo lama sii dul dhigin dhuxushii aad oogtay? shacabkii dhufaanaa miyuu caawa dhumuc yeeshay? dhul-gariirkii Qaahira miyuu dhoosha ka higgooday? ma is dhoobay reer masar taxriir taada ma la dheegtay? ma dhawaaqay ruux dhawrsan jiray dhiirri ma la sheegtay? xaqlihii miyuu soo dhacsaday caawa dhaxalkiisa? dulmigii karkaarada dhufsaday madaxdii dhiileeye kelidii nin dhaylaysan jiray saw ma dhego-beelin? saw mubaarik caawana ma dhicin dhalatay guushiiye!!!!
Toban iyo sideed baan dhafroo dhigay dantaydiiye Taxriir baan dhex taagnaa intaad dhahar ridayseene Inkastoon dhakoolkiyo hurdada dhababay oo daayey, Inkastoon halkaad dhoobantiin dhaxanta aan joogay, Libintiinu waa ii dhaawaciyo digasho dhoolkeede, Saw dhidhkayga may sarin runtii dhagida soo booday, Saw dadkayga maan dhugan intaan dhalasho deymooday, Saw dhashayda maan arag intaa kala dhaqaaqaysa, Dheg-xumaanta saw maan qadhqadhin taalla dhinacayga, Saw ka dhoof ismaan odhan dhulkii eebe igu beeray, Nimanyohow dhiggay baad tihiin guusha dhaliyaaye, Misna waxad ka dhiidhiyi kartaan waan ku dhaqanaaye, Waxan ahay nin dhuubkiyo ka jaban lafaha dhaadheer, Tiirkiyo dhigtoodoo is neceb duul wax dhisanaaya Nin dhexdooda joogaa kollay ciilku dhibayaaye, Shan nin oo is wada dhaarsadoo dhaabbad kala qaata, Oo qabyaalad dhoobada ku rida saw ma dhali waayin!!!!
Lafta dheer hadduu ruux ka jabo dhaadka iyo bawdo Kaan is dhiibin waa kii ka kaca dhawr kal dabadoode, Haddaan ruuxa dhoobada ku kufay dhawran maradiisa, Wasakh dhegada kama baaqdo iyo dhiidhi gelideede, Nin qabyaalad dhaansaday wallee sharaf ka dheeraaye, Ummad dhami dhalleecada hadday dhaax ka guban weydo Damiirkoodu inu dhaawac qabo dhayda ka caddaaye, Lillaahida haddii iil la dhigo daacad laga dhuunto Runtu dhicisay beentuna jid bay sii dhambalataaye
Ma dhuundhuumo dherigaan dabkiyo dhamaci hoos oole Mar hadday dhadhaaradu murmaan dhuuni sugistiisu, Rajo dheelalaw bay la tahay garasho dheegoowe.
Yaa qabyaalad dheefteeda cuna yey u tahay dhuuni ? Hayinkeeda yaa dhaansan jiray dhaaxa raranaayey? Bal kumaa dharaar nool ku hela dheemman iyo daaro ? Qayrkii kumay dhaafisee dhaylo ku casuuntay ? Xoolo aan weligiiba dhaqan waa la dhididaaye Dhaxal yey u siisee bursaday dheeri laban laaban? Yey dhufays u tahayee ka gala dhagarta uu geysto? Naxligeeda yaa dhiil ku sida yaa dhig dhiga suuqa? Dhaantadeeda yaa tumay mar aan dheguhu doonaynin? Dharka yaa u soo xidhay markii dhaxanta loo saaray? Xil loo dhaarsho goortay rabaan dhalasho yaa sheegta? Dhadhamiyo kumaa dhiig u quba dharabo loo diiday? Mansab yaa ku dhaafsada adaa dhoohan weligaaye? Dhoomaha cadaabeed maxaa dhabarka kuu saaray? Yaa dhufaanay maankiyo kashii libina dhooqeeyey ? Dheddigiyo labkaagii kumaa manta dhalan doorshay? Markaad tiisa dhaydaba kumaa taada dhacan saaray? Yaa hargaysa daamaha ka dhigay kalana dheeg dheegay ? Dhallinteeda yaa yidhi is naca kalana dheereeyey? Sidii dhidar xabaal qoday miyaan ceeb la dhilanaynin?
Kal dhufaanan maan dhoohaniyo garasho dhaandhaantay Dhac la eedo dhiilliyo xumaan dhaadashiyo tookhid Isma-dhaafto kala dhaaratoo kalana dheeraata Kala dhilidda duul wada dhashoo laf iyo dhuuxeeda Dhafoor-taabad, dhiig iyo xiniyo aano daba dheera Nacas dhiirran, waayeel la dhibo odayo dhuun raaca Dhaxalkeedu waa kaas haddii aanad dhuganayne, Dhimirkeena mawluhu ha dhayo waad dhildhilateene.
Dimuqraadinimo dhaar-shiliyo qaabkii dhaqankeena Midna lama dhabaynine dhextaal dawlad lagu dhaabay, Markii dhinacna haybiyo tolnimo looga dhiro soohay Dhanka kalena dhaal reer galbeed looga unug dheegay Dadku dhaajin diidkii markuu aad u dhego beelay Uga dhuratay xaajadu xagguu dhaadi jiray waayo, Sidii la isu dhabanaanin jiray geela dhicistiisa Laga dhigay xilkii dawladnimo dheeho la eryoodo, Dhambaalada tol’laayda ah bulshada hiirta lagu soo dhur Maan-dhallaanlihii yuusi jiray ciidho dhoqorjaale, Kolba beel maqaar laga dhigtiyo dooyo dhalanteedle Kolba dhaawac hadal keeni kara suuryo dhagar qoole Kolba dhabaqa aan muudsadiyo dhuuni keli doone Kolba nabada dhiigii lixle ah aad u dhagaxeeye Kugu dheel adaa dhoohaneey aan wax dhuganayne.
Related posts:Mid ka Mid ah Saraakiishii Siyaad Barre Ee ku Eedeysan Xasuuqii loo Geystay Shacabka Somaliland Oo F... Xogo Dheerada Oo Laga Helay Waftigii Dawlada Itoobiya Usoo Dirtay Somaliland Iyo Nuxurka Fariin Ay K... “Sida Komishanka Doorashadu U Hadlay Iyo Xaaladda Stakeholders Aan kala Roonayn, Ma filayo Kolay Ani... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|